Qiimeyn Dagaalka Alshabaab Lix Bilood Kaddib.
Maxaa iska beddelay khariidadda dagaalka muddo lix bilood ah?
Qiimeyn Dagaalka Alshabaab 6 bilood Kaddib.
Dagaalka u dhexeeya kooxda Alshabaab iyo Dadka Soomaalidu waxa uu socdaa muddo 15 sano ah oo meelo, magacyo iyo maqaamyo kala duwan lagu soo dagaallamay. Mar dowlad/maamul kaliya ayaa dagaalka ku jiray. Mar kale shacab kaliya ayaa la dirirayay ururka xagjirka ah. Meelo kale na culimo ayaa iska caabbin wadday. Mararka qaar na dagaallo ayaa la wada galay. Halganka hadda socda muddada lixda bilood ah wejiga uu hadda yahay waxa uu ku billowday horraantii bishii Agoosto ee sannadkii tagay.
Subax Axad ah Agoosto 07, 2022 ayay kooxda Alshabaab weerar ballaaran ku ekeeyeen degaanno badan oo hoostaga Degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan oo tabihii cabburinta iyo cadaadiska ee kooxdu hore u adeegsatay hebad ku noqon waayay. Waxa ay guud ahaan isgaarsiintii ka jareen degmada Maxaas iyo dhulka ku xeeran. Waxa ayna gubeen tuulooyin iyo ceelashii biyaha goor abaar ah oo dad iyo duunyo la wada harraaddan yahay. Ceelka iyo tuulada Bukurre ee waqooyiga Maxaas ayaa ahaa halkii weerarka lagu billaabay, waxaana xigay tuulooyin kale oo dhowr ah. Waxa ay ku hanjabeen in ay gubi doonaan dhammaan ceelasha dhulka oomanaha ah ee bariga Hiiraan. Maalintaas ayuu dagaalku iska beddelay wijigiisii hore ee ahaa dowlad iyo urur isku heysta in ay dal iyo dad xukumaan, isuna rogay halgan nafta, maalka, diinta, sharafka, iyo jiritaanka dadka lagu difaacayo.
Kama hadlayo dhacdooyin, goobo dagaal, iyo dhul la xoreeyay midna. Waxa aan qiimeyn guudmar ah ku sameyn doonaa guud ahaan dagaalka intii uu socday, halka uu marayo, iyo oddoros waxa soo socda ee la filan karo. Si aan u qiimeeyo dagaalka waxa aan ka fiirinayaa dhinacyo kala duwan oo halbeeg u noqon kara guulaha, guuldarrada, horusocodka, iyo dibudhaca hannaanka dagaalka.
Dagaalka Alshabaab maxaa iska beddelay billowgii ilaa hadda?
Inkasta oo aaney kooxdu ku talagelin dagaal weyn iyo guluf colaadeed oo saf ballaaran ah oo meeshii ay dhuxul dab ah bakhtiiya is lahaayeen dambaaburo naareed ku soo rogmatay, haddana si weyn ayay ugu diyaarsanaayeen dagaalka xag ciidan, xag sirdoon, xag hub iyo saanad, xag dhaqaale, xag istaraatiijiyadeed, iyo xag niyad (moral) ahaanba. Halka dhinac ee aaney kooxdu ka diyaarsaneyn ayaa ahaa in ay yareysteen (underestimated) awoodda iyo adkeysiga shacabka ay is waajahayaan oo ayaga ugu muuqday niman reer miyi ah oo baahan, iyo dowladda oo ay u arkayeen nidaam gacan-ku-gabbad ah oo aan guluf ballaaran xarakada la gali karin. Dhinacyada hoos ku xusan ayaa dagaalka laga qiimeyn karaa:
1. Dhanka Ciidanka iyo Furimaha Dagaalka:
Dagaalku waxa uu billowday Alshabaab oo aan toddoba sano lagu qaadin lagu qaadin duullaan weyn oo helay fursad iyo nasasho ay ciidan fiican ku dhistaan. Intii uu dagaalku socday Alshabaab waxaa gaaray dharbaaxooyin culus oo xagga ciidanka ah. Maleeshiyaad dhowr kun lagu qiyaasay ayay dagaallada iyo duqeynaha ku waayeen lixdii bilood ee la soo dhaafay. Tirada, tayada, iyo taagtooda ciidan si weyn ayay hoos ugu dhacday. Hub badan ayay lumiyaan oo laga burburiyay ama lagala wareegay, saanad iyo rasaas badan na waa adeegsadeen, in na waa laga qabsaday. Sidoo kale waxa ay lumiyeen dhul ballaaran oo ay carruurta ka askareysan jireen. Maalmahan waxa ay degaannada Jubbooyinka ka wadaan qafaal xooggan oo carruurtii aan qaangaarka aheyn oo ay awal madaaristooda ku hayeen ayay qasab dagaalka ku gelinayaan. Waxa ay doonayaan in ay ciidankii ay lumiyeen booskooda ku buuxiyaan.
2. Dhanka Dhaqaalaha:
Dagaalkii xagga dhaqaalaha ee kooxda lagu qaaday si weyn ayuu u saameeyay. Lacago badan ayaa laga xayiray, habkii ay lacagaha ku qaadan jireen ama ku isticmaali jireen na waa lagu adkeeyay. Sidoo kale, waxa ay lumiyeen marinno iyo maxkamado muhiim ah oo ay lacag xooggan ka soo gali jirtay, iyo dhul ballaaran oo ay xoolaha nool ka urursan jireen. Culeyska dhaqaale ee kooxda soo wajahay waxaa marag u ah hadalkii uu Afhayeenka kooxda Cali-Dheere dhamaadkii bishii Janaayo jeediyay ee isugu jiray catoowga, calaacalka, iyo gooddinta caalwaa'. Wararka xuuraanka ah ee laga helay kooxda gudaheeda ayaa tibaaxaya in ay xeelado cusub oo kala duwan isugu dayayaan in dhaqaale ay dagaalka ku sii wadaan ku helaan.
3. Dhanka Warbaahinta iyo Barobagaanka:
Alshabaab markii ugu horreysay ayaa lagala wareegay hoggaanka dagaalka iyo jiheynta wacyiga guud. Waxaa daaha laga feyday oo la buriyay beeno badan oo ay dadka ku cabsigelin jireen si ay u xukumaan. Waxaa maskaxda ka xoroobay guud ahaan shacabka Soomaalida kaddib markii guulo isdabajoog ah dagaalka laga gaaray, sidoo kale na si weyn tooshka loogu ifiyay waxashnimada kooxda, shaarar ay dadka ugu dhurwaayeyn jireen na lala gashtay. Si ay u been-abuuraan in shacabka qaar ayaga la jiro ayay qasab ku abaabuleen dad shacab ah oo ay ugu yeereen "Cimaamadleey" ayaga oo dhaajinaya magaca "Macawisleey" ee ay xalka u waayeen. Markii ugu horreysay ayay qabiilka si qaawan u adeegsadeen kaddib markii ay maaro u waayeen qabiillada halganka ku jira. Alshabaab intii dagaalkan socday waxaa ka dhamaaday hal-abuurkii argagixinta, waxaa lala qabsaday dhammaan tabihii argagixinta ee ay dadka ku cabsigelin jireen, mana hayaan hab cusub oo ay dadka ku cabsigeliyaan.
4. Dhanka Sirdoonka iyo Amniga:
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha ka taageeraya dagaalka Alshabaab horumar la taaban karo ayay ka sameeyeen xogdoonka furimaha dagaalka iyo goobaha bartilmaameedka ah ee ay kooxdu maleeshiyaadkooda ku qariso. Marar badan ayaa xogtaas si fiican looga faa'ideystay oo weerarro ay kooxdu qorsheyneysay looga hortagay, marar kale na xogta laguma howlgalin oo weerarro xogtooda la hayay ayaa ciidanka dowladda khasaaro ka soo gaaray. Dhanka amniga iyo xogdoonka magaalooyinka DFS iyo Maamullada dalku aad ayay uga gaabiyeen. Intii dagaalku socday kooxda Alshabaab waxa ay weerarro qaraxyo aargoosi ah ka geysteen dhammaan magaalooyinka waaweyn ee gobolka halganka xuddunta u ah ee Hiiraan iyo magaalada Muqdisho. Foojignaan guud oo dhanka shacabka ah iyo maamulka magaalooyinka qaar marka laga reebo, ilaa hadda ma jiro qorshe amni qeexan oo qaraxyada aargoosiga ah looga hortagayo.
5. Dhanka Tabaha Dagaalka iyo Saanadda:
Intii uu dagaalkan socday kooxda Alshabaab waxa ay tijaabiyeen oo adeegsadeen dhammaan tabihii iyo xeeladihii dagaal ee ay yaqaanneen. Haddii ay hore u barteen in ay hal qarax ama hal qof oo ay qowracaan dadka ku cabsigeliyaan, hadda dadku waxa ay la qabsadeen dhammaan tab iyo xeelad walba oo ay adeegsadeen, qaarkood na inta lala adeegsaday ayaa looga badiyay heer ay warbaahinta ka cabaadeen. Tusaale waxaa ah sida loogu garaacay kaartadii soo bandhigidda meydadkooda oo la gaarsiiyay heer ay micno beeleen dhowrkii meyd ee ay xagal walba ka sawiri jireen maadaama meydadkooda oo boqol boqol is garab yaalla la soo bandhigay. Nin shalay 100 kaa dilay oo bannaanka soo dhigay miyaad ku cabsigelin kartaa 10 nin ayaan kaa dilay? Alshabaab waxaa ka dhamaaday hal-abuurkii argagixinta oo hadda waxa ay la'yihiin wax cusub oo dadka dhiirraday argagax gelin kara.
Dhanka saanadda dagaalka billowgii halganka Alshabaab waxaa meel walba ugu diyaarsanaa hub iyo saanad farabadan oo ay si waalli ah u adeegsadeen si ay kacdoonka ugu damiyaan intaanu qaangaarin. Waxaa tusaale loo soo qaadan karaa bilihii Agoosto-Oktoobar gobol Hiiraan waddo kasta ayay miino gelinayeen ayaga oo xeelad walba u adeegsanayay in ay miinada bartilmaameedka geeyaan. Gaari, bajaaj, mooto, gaari-dameer, iyo garab-ku-guur intaba miinooyin waa ku rareen, taas waxaa laga faa'iiday in wacyiga dadka ee waxyaabaha qarxo si fiican u koray. Marka la barbardhigo hadda miinooyinkii taaka-taakada loo aasayay waa ku yaraadeen, in ay bartilmaameedka gaarsiiyaan na waa ku adkaatay. Qaraxyada ismiidaaminta ayaa hadda ah halbowlaha kaliya ee dhiigga siiya dagaalka kooxda, asna muddo dheer ma sii wadi karo haddii wadnaha uu dhiigga ka soo qaado iyo irdaha uu soo maro la beegsado.
6. Dhanka Fikirka iyo Diinta:
Dhanka fikirka diineed ee ay Alshabaab sheegtaan in ay u dagaallamayaan, carruurta ay askareystaan na ku maskax-dhaqaan, intii uu dagaalkan socday waxaa gaaray dhaawac weyn kaddib markii marinhabaabintii iyo qalloocintii diinta ay dadka ku shubi jireen si weyn looga hortagay oo beentoodii in badan la buriyay, bannaanka na la soo dhigay in ay dabar walba oo diineed ka tallaabsadeen. Dadkii ay ilaha wacyiga ka go'doomiyeen ayaa loo furay daaqado ay uga soo gasho leyrta wacyigu, sidaas na waxaa ku adkaanaya in si fudud lagu maskax dhaqo. Culimada waaweyn ee Soomaalida ayaa waxashnimada kooxda si weyn uga hadlay. Shirkii Culimada Soomaaliyeed ee Muqdisho ka dhacay bishii hore ayaa si weyn u gilgilay kooxda oo hore uma dhicin in firqooyinka Culimada Soomaalida oo wadajir ah ay kooxda Alshabaab mowqif cad ka soo saaraan. Dhanka xagjirnimada xataa waxaa ka xigsatay kooxda Daacish (IS) oo ayaga ka xagjirsan caqiiddadii xagjirnimada na ka soo barabixiyay. Sidaas ayay kooxda Alshabaab meel dhexe u walfaneysaa ayadoo isdiiddooyin badan xambaarsan oo u dhisan sidii koox shufto tuugo ah oo dadka dhacda.
7. Dhanka Nolosha Bulshada:
Markii halganka la galay ee dhul badan laga xoreeyay kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, shacabku waxa ay dib u heleen gobanimadii, xorriyaddii, isku- xirnaantii bulshonimo, ehelnimadii, iyo wax walba oo wanaag dabiici ahaa ee ay kooxda ku habsatay ka hortaagneyd. Dhaqaale ahaan waxaa u baaqday xoolihii sida qasabka ah looga dhici jiray, dhanka kale na waxaa si aan dabar laheyn u furmay isu-socodkii iyo beecmushtarkii, waxaana hoos u dhacay sicirbararkii, waxaa meesha ka baxday cabsidii joogtada aheyd iyo noloshii kuguqabatay aheyd iyo carruurtii degaannada lagala qixi jiray si askareynta kooxda looga badbaadiyo. Sidaas ayay noloshoodu tin ilaa cirib isu beddeshay. Dabcan degaannada aafta ah weli furin dagaal oo cabsi colaadeed ayaa ka jirta balse waa mid jiho ka xigta oo aan nolosha dadka qoorta uga duubneyn. Gobannimada ay hantiyeen kaliya ayaa dadka ku filan in ay tobannaan sano u dagaallamaan difaaceeda.
Maxaa laga filan karaa dagaalka Alshabaab sitimaannada, bilaha, ilaa sannadaha soo socda?
Kooxda Alshabaab markii ugu horreysay ayuu jiritaankoodu halis ku jiraa, si ay u badbaadiyaan sii jiritaanka mashruucooda na tab iyo xeelad walba oo ay karaan ayay u adeegsan doonaan. Halgankii jiritaanka kooxda halista geliyay haddii uu sidiisa u socdo, kooxda Alshabaab ma heysato fursad ay ku sii jiri karto oo ay dhulka Soomaalida uga sii talin karaan. Balse halganku xarriiq toosan ma ahan duruufihiisuna waa is beddelayaan marka ay goobta iyo goortu is beddelaan, waxaana lamahuraan ah in dagaalku isla beddelo oo ay dadka iyo dowladda wax u kordhaan, waayo-aragnimada la helay iyo goljilicyada kooxda laga faa'ideysto, la fahmo in dadka iyo degaannada duruuftoodu kala duwan tahay oo tabihii asaaska guusha degaan ka ahaa ay noqon karaan sababaha fashilka degaan kale.
Alshabaab dhulka ay ka talinayeen waxa ay ku hantiyeen waa dowlad la'aan, waxa kaliya ee looga ilaalin karaana waa in dhulkaas laga hirgeliyo dowlad aan magac-u-yaal aheyn oo talada iyo nolosha dadka si sax ah u maareysa. Waa dowlad iyo maamul ay dadku ayagu leeyihiin ayagana ka timid oo wixii ka xumaado ay ayagu sixi karaan, meeshii ay ka qalloocatana ka toosin karaan. Intaas waxaan aheyn waa shimbirayahow heesa, xoog doofaar lagu eryay, iyo saab biyo lagu dhaamiyay. Guud ahaan guusha dagaalka waxaa halbeeg u ah dhulkii Alshabaab laga saaray iyo dhulka kale ee ay sida dadban uga talin jireen sida loo xasiliyo.
Si gaar ah, halganka waxaa kalagoys iyo halbeeg natiijada dagaalka go'aaminaya u ah sida loo maareeyo maleeshiyaadka kooxda ee hadda ku go'doonsan gobollada Galgaduud iyo Mudug. Guusha laga gaaro halkaas waxa ay u dhigantaa Alshabaab oo bar laga guuleystay barkii kale na si weyn loo dhaawacay, waa macrakada go'aamin doonta cimriga kooxda Alshabaab. Kooxdu na waa og tahay muhiimadda ay furintaas u leedahay. Inkasta oo aanu gacantooda xalku ku jirin haddana dhowr tallaabo ayay isku dayayaan si ay dagaalka Galmudug u dabadheereeyaan: (1) In aaney maleeshiyaadkoodu is dhiibin ilaa kan ugu danbeeya laga dilayo. (2) In ay weerarrada ciidanka ku soo socda kordhiyaan intaas na ay ciidan iyo shacab badan salfadaan ayaga oo ka faa'deysanaya dhulka isu soo dhowaaday oo ay si fudud furin walba ku tagi karaan. (3) In ay dadka degaankaas aad u dhexgalaan oo cabsigeliyaan si ay dhufeys uga dhigtaan (human shield). (4) In ay xeelado cusub oo kakan ama jilcan soo hal- abuuraan si ay dagaalka u sii dheereeyaan dowladda na u jahawareeriyaan. Waxaas oo dhan kaliya waxa ay ugu suurageli karaan habacsanaan iyo qorshe xumo dhanka dowladda ah.
Gunaanadkii, Alshabaab dagaalkii saxda ayaa lagu billaabay, balse waa billow un oo dagaalku ma dhowa. Kooxdu maanta dhan walba ayay ka dhutineysaa balse waa hubaal haddii gawda laga daayo ama aan dagaalka si sax ah loo sii wadin in ay kooxdu soo caafimaadi doonto si ay muddo kale u sii jirto. Dadka Soomaalida iyo dowladdoodu waa in ay go'aansadaan dhulkooda in xornimo ugu noolaadaan oo Ilaahey ku caabbudaan, iyo in ay ku caabbudaan kooxda Ilaahnimada sheegatay ee Alshabaab, ama koox kale oo la mid ah.
- Cilmi Faradheere, Febraayo 12, 2023.
- Garaar3@hotmail.com