Category - Amniga

Alshabaab iyo Qabiillada: Guul Degdeg ah iyo Dagaal Dabadheeraada.

Geeljire Times Editorial
  • Geeljire Times Editorial

Ciidan Macawisleey duullaan ah; Hiiraan, Oktoobar, 2022.

Yaa uu waqti ku socdaa Alshabaab mise Qabiillada?

Qabiiladu Alshabaab way ka adag yihiin kolka ay foodda is daraan. Taas waxaan ka baran karnaa isku dhacyadii qabiilooyinka iyo Alshabaab tobaneeyadii sano ee ina dhaafay. Waxaa la sheegay hoggaaniyihii hore ee Alshabaab in uu aad u fahamsanaa awoodda qabiilka aadna ugu dedaali jiray in aaney reeruhu ku kicin. Haddaba sababtu waa maxay?

Koow: qabiilooyinku waxa ay yaqaannaa dhulkooda iyo dadkooda. Reer walba degaankiisa Alshabaab wuu uga adag yahay shaki la’aan, aqoonta dhulka iyo dadkuna waa u lamahuraan dagaalka.

Labo: qabiilooyinku waxa ay u dagaallamaan qaddiyad jiritaan iyo gobonnimo. Nin Xawaadle ah oo la wayddiiyay sababta uu Alshabaab ula dagaalamayo wuxuu sheegay in ay niman qabiillo kale ah oo afka soo duubtay ay gabdhahoodii iska guursadeen, dabadeedna lacag baad ah oo ay reeraha ku dhaqdaan ka doonayaan.

Saddex: colalka qabiilooyinku fariisimo ma leh, Alshabaabna badanaa dagaalkoodu waa gaadmada fariisimaha iyo xeryaha ciidamada. Colalka qabiilooyinku waa niman duurgal ah, tabta Alshabaab.

Afar: qabiilooyinku waxa ay yaqaannaan dooxasho iyo jidgal, waxa ayna u wada socdaan toban toban iyo ka yar. Taasi waxa ay dhalisaa in ay Shabaabku fadhiga qaban waayaan, waayo, balaayo habeen barkii socota ayay qabiilooyinku leeyihiin, tabta Alshabaab.

Kuwaasi waa sababaha loo aanayn karo sababta Shabaabku ugu jabaan kolka ay reeraha Soomaalida daandaansadaan. Laakiin ugu danbaynta guushu waxa ay raacdaa Shabaab, maantana ma jiro qabiil si buuxda uga adkaaday oo degaamadiisa uga sifeeyay. Sabab iyo tusaale.

Alshabaab waa urur abaabulan oo malaayiin doollar hantiya sanad walba. Mar walba wuxuu ururku helaa dhiig cusub iyo askar hor leh, ha ahaadaan carruur uu khasab ku ciidameeyay ama kuwo duufasay e. Qabiilooyinku sidaas ma aha. Colalkoodu wax ay u badan yihiin rag xoolodhaqato ah oo la xanuujiyay ama la gumeeyay. Ma helaan taageero maaliyeed, mid saanadeed iyo dhiig cusub toona.

Waxaa intaa dheer, Shabaabku uma dhutiyaan haddii boqol nin hal maalin laga dilo, waayo, waxa ay helayaan boqol wiil oo ayaandarrooda ku dhashay meel ay Shabaab ka taliyaan, dabadeedna way askaraysanayaan. Laakiin ragga qabiilka ka dhinta sida ay dagaallamayaan dhiig iyo dhalasho ugu dagaallamaan, ayay geerida midkoodna u xanuunjisaa oo gurigiisa iyo garabka ilma adeerradii laga tebaa.

Haddaba Shabaabku waxa ay ciyaaraan taatiko halis ah, kolka ay ku jabaan dagaal qabiil kala dhexeeya. Dib bay u gurtaan, waxa ayna joojiyaan tacadiyadii ay qabiilkaas ku hayeen. Markaas ayay kala daataan colalkii qabiilooyinku, nin walba oo ka mid ahna xoolihiisii ayuu raacdaa.

Alshabaab markii ay hubsadaan in ay hubka dhigeen colalkii ka soo horjeeday waxa ay qaadaan labo tillaabo: mid waa in ay hubka ka aruuriyaan qabiilkaas, ama ka gataan, ama siyaale kala u dhaafiyaan. Midda labaadna waa in ay dadka qaybiyaan oo reero reero, ama si kale u kala saarsaaraan, sida odoyaal, dhallinyaro, ganacsato, suufiyo iwm. Mid walba oo qaybahaa ka mid ah gaar ayay ula macaamilaan, ula heshiyaan oo u dhalanrogaan. Si tartiib tartiib ah ayay degaannadii laga xoreeyay dib ugu la wareegaan. Dabadeedna shuqulxumadoodii oo labo jibbaaran ayay soo celiyaan.

Laba nooc ayay qabiilladu Alshabaab ula dagaallaan. Qaab abaabulan oo magac maamul ama urur wata magaalooyinka looga qabsado, iyo qaab qabiilka miyiga kula dagaallamo si aaney dhexdooda gabbaad uga dhigan. Alshabaab dagaalkoodu dhowr sano ka hor ayay gebi ahaanba beddeleen, oo maanta magaalooyin laga qabsado wax micno ah uguma fadhiso, sidaas darteed dagaalkii hore ee qabiilku sida dowladda isu abaabuli jiray ee magaalooyinka la qabsan jiray waa gaboobay.

Tusaale waxa aan u soo qaadan karnaa Marreexaan iyo Gedo. Sanadkii 2011 ayay beeshaasi ku tashatay in ay Shabaab iska xoreeyaan. Dabadeedna waxa ay duullaan ka qaadeen degmooyinkii, ka soo bilow Baladxaawo, illaa Ceelwaaq iyo Baardheere. Waxaa xusid mudan in ay gobolkaa weyn oo dhan ay Marreexaanku kaligood Shabaab ka kiciyeen, kolka laga reebo Baardheere oo ciidanka Itoobbiya ay caawimaad ka heleen. Alshabaab dib ayay u baxeen, muddo ayayna degmooyinka iyo dadka gobolka faraha ka qaadeen. (Faafaahin dheeri ah waxaa loogu tagayaa waraysigii Juxa ka qaaday Maxamuud Sayid Aadan).

Maanta degmooyinka gobolka oo dhami waa ka xor Alshabaab, laakiin labo degmo oo isku gudbi karta ma jirto. Waxaa xoogaa furan waddada isku xirta Luuq, Doolow iyo Baladxaawo. Laakiin waxaa lagu maraa dareen, marar badanna Shabaabku waxa ay ka gaystaan kamiinno iyo afduubyo.

Dhanka kale, dadkii way kala furfureen. Qabiil walba waxa ay u sameeyaan oday-dhaqameed iyaga ka tirsan oo Shabaab ah. Dadkii la dagaalay mid mid ayay u beegsadeen, qaarna gobolka way isaga carareen. Dadkii waxa ay ugu yeereen qabiil qabiil, koox koox, iyo qayb qayb. Waxaa ugu darnayd markii ay Ceelcadde ugu yeereen suufiyadii gobolka, oo hormuud u ahaa dagaalkii looga xoreeyay degmooyinka.

Tusaalaha Gedo iyo Marreexaan marka aad si fiican u dhugato waxaa kuu soo baxaya in Marreexaan ay ku guuleysteen dagaalkii tooska ahaa ama dagaalkii hore, balse ay Alshabaab is dhalanrogtay ee dagaalkoodu uu miyiga iyo gaadmada noqday aaney ku guuleysan in ay dagaalka cusub si dhab ah isugu abaabulaan. Arrintaas na waxaa loo aaneyn karaa qalalaasaha siyaasadeed ee Jubbaland iyo dhibaatooyinkii ciidanka Kenya ku hayeen shacabka gobolka Gedo.

Maanta waxaa taagan dagaal ka oogan Hiiraan, Galgaduud iyo Mudug. Dagaalladaasi waa qabiilooyin ka dhiidhiiyay falalka gumayneed ee Shabaab, durbana waxaa muuqata in ay reeruhu ku gacansarreeyaan dagaalka. Dagaalka degaannadan ka socda waa nooca labaad ee diiraddu miyiga saaran tahay. Marar badan ayay reero dagaalka noocan ah Alshabaab la galeen. Inta badan qabiilka ayaa guuleystay, balse joogteyn la'aan iyo dowladda oo aan gacan siin darteed ayaa sababtay in aan guushii la rabay la xaqiijin. Maanta se wacyiga iyo waaqicu sidii hore aad ayay uga duwan yihiin.

Xukuumadda cusub ee Mw. Xasan Sheekh iyo Rw. Xamse waxaa la gudboon in ay fahan cusub la yimaadaan, oo ka faa’iidaystaan dareenka qabiilka ee Soomaalida. Waa in ay kabaan iimaha ay colalku qabiilooyinku leeyihiin ee aan kor ku xusnay, sida yaraanta hubka iyo joogtayn la’aanta dagaalka. Waa dowladdu door weyn ka siisaa qabiil walba dagaalka gobolkiisa iyo degaankiisa ka taagan ee Alshabaab ka dhanka ah, waayo, qabiilooyinku iyagaa dadkooda iyo degaannadooda cid walba ka yaqaanna.

Si Alshabaab looga adkaado Qabiilka iyo Dowladdu ma kala maarmi karaan. Waxaa lagu tusaaleyn karaa geed weyn oo la harsado. Dowladdu waa jirridda geedka oo ah halka ay dhumucdiisu isugu timaado, qabiilkuna waa xididdada ay jirriddu ka soo askumanto oo dowladdu waa qabiillo isu tegay. Sidoo kale, ciidanka qabiilku waa laamaha caleenta leh ee ah sanbabada geedka. Geedka jiriddiisa ma jiri kartaan xididdo iyo laamo kor iyo hoos ka jirin, ciidanka dowladduna ciidamada shisheeye ee xerooyinka ku jira waxba kama duwana haddii aaney shacabka garabsaneyn.

Ugu danbayntii, waa in aan la qaboojin dagaalka, oo aan Shabaabka la siin fursad ay mar labaad dib ugu soo noqdaan degaamadii ay reeruhu kula dagaallameen. Dhab ahaantii, ma jiro qabiil Soomaaliyeed oo ay Alshabaab is gaareen oo aan xanuunsan, gumoobin ama dib u dhicin. Sidaa darteed, ma jiro qabiil aan diyaar u ahayn in uu Shabaab la dagaallamo, oo iska xoreeyo.