Category - Amniga

Hubka Mustaqbalka: Maxaa ku Cusub Furimaha Dagaalka?

Geeljire Times Editorial
  • Geeljire Times Editorial

Dagaallada Ukraine iyo Falastiin (Gaza)

Dagaallada ka soo cusboonaaday Yurub iyo Bariga Dhaxe (Yukreyn iyo Ruushka; Falastiin iyo Israa'iil) waxa ay soo shaacbixiyeen farsamooyin badan oo ku soo kordhay xeeladaha dagaalka, hubka iyo isticmaalkiisa, iyo in qalab nolosha caadiga ah loogu talo galay loo rogi karo hub wax gumaada.

Ururka Xamaas ayaa adeegsaday tubbooyinka biyaha kadibna ka sameeyay madaafiic iyo gantaallo Kaare-dile (Anti-tank) aay kula dagaallameen Israa'iil. Hubkaan sameyntiisu uma baahna dhaqaale badan, balse waxa uu u baahan yahay aqoon iyo farsamo la xariirto Innineeriyadda, Tumaalnimada (Mechanics), Korontada, iyo aqoonta farsamada waxyaabaha qarxa.

Sidoo kale, waxaa qalabka bulshada loo isticmaalay dagaalka Yukreyn iyo Ruushka. Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn (Drones) ee sawirada lagu qaado loona yaqaan Frist Person View (FPV) ayaa koox Injineerro reer Yukreyn ah u rogeen Drones burburin kara Taangiyada iyo Dabbaabaadka Ruushka.

Noocyada Drones-ka Yaryar:

Drones-kaan cid walbo ayaa suuqa ka heli karta, waana labo nuuc oo kala ah: ▪︎Midda koobaad waxaa loo yaqaan UTi260m waana mid qiimo ahaan ugu jaban. ▪︎Tan labaadna waxaa loo yaqaan Victory-328B oo ayaduna midda hore ka ag dhow.

Dowladda Yukreyn oo aragtay waxtarka Drones-kaan ee furimaha dagaalka ayaa billowday in ardayda jaamacadaha gaar ahaan kuwa injinneeriyadda barto la siiyo koorsooyin online ah oo la xariiro farsameynta diyaaradahaan.

Shirkada Eskadrones ee Ukraine:

Waxaa sidoo kale bilaawday shirkado yaryar oo gaar loo leeyahay oo soo saaro diyaaradahaan, waxaana ka mid ah shirkada Eskadrones oo 2022 la sameeyay. Agoosto 2022 ayeey wax soo saarkeeda billowday waxa ayna diyaarisay 22 drones ah. Oktoobar waxa ay soo saartay 2kun oo FPV Drones ah. Ciidanka Yukreyn ayaa bil walbo isticmaalo 15 kun oo diyaaradahaan ah. Waxaa loogu bogay qiimahooda oo raqiis ah, farsameeyntooda oo fudud, helistooda oo meel walbo laga heli karo, iyo isticmaalkooda oo cid walbo ku dagaallami karto.

Ciidanka Ukraine oo FPV Drones adeegsanaya.

Diyaaraddan waxaa sidoo kale loo isticmaali karaa basaasid, oo waxa ay si fudud u soo sawiri karta ama u soo duubi kartaa xerooyinka ciidanka, hab dhismeedkooda, qalabka yaalo, ama qaab dhismeedka dhufeeysyada ciidanka. Dhanka kale waxa ay noqon kartaa ilaalo ka warkeento difaacna ka gasho dhul badan oo u baahnaan lahaa dad iyo qarash badan, si loo ilaaliyo ama xog looga keenno. Drones-kaan waxaa lagu sameeyaa dib u habeen yar waxaana lagu xiraa rasaasta hoobiyaha iyo anti tank waxaana lagu gubaa dabaabaad dhowr million oo dollar ah.

Diyaaradda FPV waxaa kale oo loo adeegsan karaa burburinta guryaha waaweyn. Kadib sannad aay diyaaradaan caddeysay in aay waxtar badan leedahay waxaa hadda billowday in la kordhiyo awooda culeeyska aay qaadi karto oo hadda ah 4kg, la na gaarsiiyo ilaa 20kg, waxna ka dili karto fogaan 6km ilaa 12km ah, duulimaadna ka sameyn karto fogaan dhan 30km.

Drone ayaa timide Taangiyoow geed gal!

Ciidamada iyo dowladaha ayaa dhib badan Ku qaba xakameeynta diyaaradahan Drones-ka ah, waxa ayna qasabtay in dib loo farsameeyo Taangiyada, oo lagu xiro qalab ka hortago duqeeymaha drones-ka, taas oo lacag iyo waqti badan ku kordhisay farsamada Taangiyada.

Dowladaha adduunku waxa ay cabsi badan ka qabaan in diyaaradahan Drones-ku ku faafaan oo gacanta u galaan kooxaha aan dowliga aheyn ee dagaalada kula jiro dowladaha, kuwaas oo haddaba badankood haddaba billaabeen isticmaalka Drones-kaan. Dowladda Soomaaliya oo koox argagixiso ah dagaal kula jirta lama oga sida ay ugu baraarugsan tahay khatarta iyo fursadda la socota farsamada iyo teknoolojiga ku soo kordhaya furimaha dagaalka adduunka, ma na jirto saansaan muujineysa in ay feejignaan jirto.

AK47 vs FPV Drones!

Qoriga AK47 ah waa oo ah qorogacmeedka ugu caansan dunida waxaa lagu iibsadaa qiimo sare balse baabuur ama dabaabaad kale oo ciidan la isagama difaaci karo. Taas baddalkeeda FPV Drones dhowr xabo ah oo tank walba iyo dabaabaad walbo oo ciidan la isaga caabbin karo ayay goyn kartaa lacagta AK47 lagu iibsado. Rag badan oo hadda Suug, Shilke, iyo Dhashiike baabuur saaran hub u arka ayaa laga yaabaa in dhowr sano kadib Drones dhowr boqol oo dollar ah hubkooda lagu gubo oo ayagoo gacmo maran is arkaan.

Caqabadaha Daroonnada Yaryar:

Si la mid ah hub iyo Tiknooloji walba, Diyaaradaha Drones ma ahan qalab dhib walbo xalin karo. Waxaa jiro caqabado heysto FPV drones sida:

Koow: In aysan socdaali karin masaafo dheer oo hadda inta ugu badan ee ay wax ka qaban karto waa 25km ilaa 30km kaliya.

Labo: Kuma dagaallami karto hawada xun sidda marka roob jiro ama dabeylo daran dhacayaan.

Saddex: Habeenkii howlgal ma sameyn karto marka mugdigu 100% yahay. Inkasta oo hadda Injinneerada shirkada Eskadrones ee Ukraine laga leeyahay sheegeen in drones-ku habeen gudcur buuxa ah ku howlgali karaan.

Ma laga yaabaa Dowladda Soomaaliya in ay waqti dhow ku baraarugto fursadaha iyo khataraha ay adeegsiga tiknoolojiyaddu furimaha dagaalka ku soo biirin karaan? Kaalin intee la eg ayay farsamada casriga ah ka geysan kartaa la dagaallanka argagixisada? Waqtiga ayaan u deynayaa warcelinta weydiimahan.