Category - Amniga

Kooxda Daacish Soomaaliya: Sidee Soomaaliya ku Noqotay Dal Sabool ah oo Argagixisada Caalamka Laga Biilo?

Geeljire Times Editorial
  • Geeljire Times Editorial

Cabdulqaadir Muumin Yuusuf: Aasaasaha iyo Amiirka kooxda Daacish Soomaaliya.

Kooxda Daacish Soomaaliya: Maska Alshabaab Qoorta uga Duuban, Soomaalidu na ka Maahsan Tahay!

Kooxda Daacish waa urur ka dhismay dalalka Ciraaq iyo Suuriya duullaankii Mareykanka ee Ciraaq iyo dagaalkii sokeeye ee Suuriya kaddib. Waxa ay isku magacaabeen Dowladda Islaamka, waxa ayna si aad ah ugu fideen wadamada ay horay uga sii jireen kooxaha jihaadiyiinta sheegta, sidda Afqaanistaan, Maali, Burkina Faaso, Soomaaliya, Yeman iyo Musambiig.

Si ka duwan Alqaacida, kooxda Daacish waxa sheegatay in ay tahay Dowladda Islaamka, ay na matalaan dhammaan dadka muslimka ah. Waxa ay ku baaqeen dagaal ka dhan ah dhammaan dowladaha ka jira caalamka islaamka, kooxaha jihaadiyiinta ah na waxa ay ugu baaqeen in ay ayagga la midoobaan oo dowladda qeyb ka noqdaan. Kooxaha ku biiray waxaa ka mid ahaa kooxdii Alnusra ee kooxda Alqaacida Suuriya u qaabbilsaneyd, sidoo kale Boko Xaraamtii Neyjeeriya ayaa intii ugu badneyd ku biirtay kooxda Daacish.

Baaqii Daacish ee Soomaaliya iyo Cabdulqaadir Muumin Yuusuf.

Sannadkii 2015 ayay kooxda Daacish oo bishii malabka ku jirtay soo saareen muuqaalo laga soo duubay dhalinyaro Soomaali ah oo Ciraaq iyo Suuriya jooga, badankood na qurbaha ka yimid. Muuqaladaas waxa ay ahaayeen baaq loo dirayay kooxda Alshabaab oo loogu baaqay in ay beyco siiyaan amiirka Daacish oo waqtigaas ahaa Abuubakar Albaqdaadi. Waxaa na si gaar ah muuqaallada loogu xusay haddii ay madaxda kooxda Alshabaab diidaan beycada Amiirka Daacish in loo baahan yahay in ciidanka iyo saraakiisha hoose ee Alshabaab beyco siiyaan Daacish oo ku soo biiraan. Arrinkaas durba waxaa ka faa'iideeystay nin lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin Yuusuf oo ahaa wadaad markaas kooxda Alshabaab ka tirsan.

Cabdulqaadir Muumin waa nin da' ah, waa qurba joog hore noloshiisa qeyb ku soo qaatay Boqortooyada Ingiriiska, waa na muwaadin dalkaas dhalasho ka haysta. Dhalasho ahaan waa nin Daarood, Majeerteen, Cali saleebaan ah. Waxuu ka mid ahaa Soomaali badan oo qurbaha ka timid waqtigii ay Alshabaab ka talinaayeen qeybo badan oo ka mid ah bartamaha iyo koofurta Soomaaliya. Si ka duwan dadkii kale Oday Muumin waxa uu ahaa nin da' ah, wadaad diinta yaqaanna, aftahan hadal gudbinta iyo gole ka hadalka ku fiican, aad na u difaaca fikirka ururka uu ka tirsanaa. Waayihiisii qurba-joognimo na waxa uu ka dhaxlay khibrad iyo adduun-arag ka balaaran midka ay haysteen rag badan oo kooxdiisii hore ee Alshabaab kula jiray. Waxa uu durba yeeshay saameyn badan, waxa uu na billaabay aqrinta Tafsiirka Qur'aanka, jeedinta muxaadaroyin uu dowladda ku weerari jiray, iyo khudbado arrimaha siyaasadda dalka iyo dibadda ba ku saabsan.

Ina Muumin waxa uu ahaa wadaad aad u fahansan awoodda saxaafadda. Dadka yaqaanna waxa ay sheegaan in uu kaalin weyn ku lahaa dhismaha warbaahinta kooxda Alshabaab. Warbaahinta uu asaga aasaasay waxaa ka mid ahaa mareegta Somalimemo, oo ay bilo ka hor dowladda Soomaaliya sheegtay in hawada laga saaray. Sidoo kale la sheegaa in dhallinyaro aqoon leh oo waddamada Galbeedka wax ku baratay oo uu kooxda Alshabaab u soo tashkiiliyay ay hadda warbaahinta kooxda kaalin muhiim ah uga jiraan, gaar ahaan qeybta luqadda Ingiriiska.

Sannadkii 2015 markii baaqa Daacish Soomaaliya yimid Cabdulqaadir Muumin waxa uu joogay degaannada Puntland oo waxa uu ka mid ahaa koox Alshabaab ah oo Ku sugnaa buuraha gobolka Bari. Toddobaatan jirka Qandala ku dhashay halkaas ayuu ka arkay fursad mar la arag ah oo uu naaquude uga noqon karo doonta cusub ee u soo shareecatay badweynta jihaadiga iyo argagixinta, waxa uu na is tusay in xeebta Bari ee tolkiis deggan yihiin doonta Daacish ku soo xirato si kaddib badeecada Ciraaq laga soo raray loo gaarsiiyo guud ahaan Bariga Afrika. Cabdulqaadir Muumin oo wata koox 28 nin ah ayaa soo duubay muuqaal uu ku sheegay in uu beyco kula galay kooxda Daacish, waxa uu na Ku dhawaaqay in Soomaaliya ka jiraan koox ka mid noqotay ururka Daacish.

Sidee Alshabaab uga falceliyeen soo ifbixii Daacishta Soomaaliya?

Ku dhawaaqista kooxda Daacish Soomaaliya waxa uu qalqal jiritaan galiyay boqortooyada Axmed Diiriye ee Alshabaab, waxaa na durbo bilaawday dagaal u dhaxeeyay Alshabaab iyo Daacishta Soomaaliya. Dagaalkaan badankiis waxuu ahaa mid ka dhacay gudaha kooxda Alshabaab oo ay ka buuxeen dhalinyaro badan oo taageersan Daacish. Amniyaatka Alshabaab ayaa loo xilsaaray in ay kooxdan cusub soo afjaraan. Sirdoonka Alshabaab ayaa na ku guuleystay in ay dilaan ama xabsiga dhigaan xubno badan oo Daacish ka tirsanaa iyo qaar ay uga shakiyeen.

Laakiin rag waa is gurahayee, Ina Muumin waxa uu sii watay howshiisa, waxa uu na durba furtay Mucaskar ama xero tababar oo maleeshiyaadka kooxda lagu carbiyo, hore ayuu na ka billaabay tababarrada ciidankiisa. Daacishta Soomaaliya oo socod barad aheyd waxaa ku biiray ajaanib badan oo kooxda Alshabaab hore u la joogtay. Isla waqtigaas waxaa kooxda Oday Muumin ku billowday duqeymo ka dhan ah oo aay ciidanka Mareykanka fulinaayeen. Duqeymahaas waxaa lagu dilay horjoogayaal uu ka mid ahaa ku-xigeenkii Cabdulqaadir Muumin oo lagu magacaabi jiray Cabdixakiin Qodhob.

Oktoobar 2016 ayay kooxda Ina Muumin si fiican uga soo muuqatay saxaafadda Soomaalida kaddib markii ay qabsadeen magaalada Qandala ee gobolka Bari, oo ah halka ay xuddunta Cabdulqaadir Muumin ku duugan tahay. Waxii intaas ka dambeeyay waxa ay Daacishta Soomaaliya noqotay xaqiiqo aan la iska indho tiri Karin oo ku soo biirtay dhibaatooyinka Soomaaliya.

Kooxda Alshabaab ayaa soo saartay fatwo 80 bog ka kooban oo uu Afhayeenka kooxda, Cali-Dheere Maxamuud Raage, ka aqriyay warbaahinta kooxda, asaga oo Cabdulqaadir Muumin iyo kooxdiisa Daacish ku sheegay in ay safkii jihaadka Soomaaliya kala qeybiyeen, loona baahan yahay in la ciribtiro, waxa uu na Cali-Dheere saaxiibkiisii hore ku tilmaamay Kansar. Ina Muumin ayaa hadalkaas kaga jawaabay muuqaal 30 daqiiqo ah, asagga oo sheegay in kooxdii Alshabaab dhimatay, ku na sifeeyay in ay yihiin danleey heshiisyo kula jirta maamulada Soomaalida iyo kooxda Alqaacida. Waxa uu si gaar ah Cabdulqaadir Muumin u xusay heshiis dhexmaray Axmed Cabdi Godane iyo Cabbdiwali Gaas oo Ku saabsanaa in Alshabaab iyo Maamulka Puntland indhaha kala qarsadaan.

Dagaalkii Suuj iyo Garmaal, 2016

Intaas kaddib, Kooxda shabaab waxa ay soo dumeen ciidan xooggan oo ay ugu magac dareen Ciidanka Qudus kuwaas oo ujeedkooda ahaa in ay kooxdaas yar ee buuraha gobolka xeebta leh ee Bari Ku jirto u dhameeyaan. Ciidankaas oo doomo lagu geeyay xeebaha gobolka Nugaal, gaar ahaan deegganada Suuj iyo Garmaal, waxa ay halkaas isku heleen ciidanka Maamulka Puntland oo soo afjaray maleeshiyaadkii duullaanka ku ahaa doonta Daacish ee xeebaha Bari ku soo xiratay, waxaa na maleeshiyaadkii Alshabaab laga dhigay wax dhintay iyo wax nolosha lagu qabtay oo xabsiga loo taxaabay. Dadka afka kooxda Alshabaab ku hadla ayaa jabkaas ku sifeeyay in Oday Cabdulqaadir Muumin tolkiis ka difaaceen malaggii oo kabaha u soo illaday.

Dagaalkii Miiraale, 2018

Kooxda Alshabaab oo ku baraarugsaneyd halista uu fikirka Daacish jiritaankooda ku yahay, guuldarradaas kuma quusan. Sannadkii 2018 ayay Alshabaab mar kale diiradda saareen buuraleyda gobolka Bari, ayagoo markaan ciidan ay ka soo dhaqaajiyeen buuraleyda Calmadow ee soohdinta gobollada Sanaag iyo Bari dhacda. Dagaal fool-ka-fool ah Alshabaab iyo Daacishta Soomaliya ku dhexmaray ceelka Miiraale ee gobolka bari. Dagaalkaas kooxda Alshabaab ayaa lagu jebiyay, sida ka muuqatay muuqaallo ay kooxda Daacish faafisay. Guuldarradan ayaa kooxda Alshabaab uga xanuun badneyd dhirbaaxadii ay ciidanka Puntland kala 2016, sababta oo ah waxa ay garwaaqsadeen in Maskii dhaladka ahaa uu miciyo iyo mariid yeeshay. Dhanka Daacish iyo Cabdulqaadir Muumin waxa ay u aheyd guul macno weyn ugu fadhisa, cadowgii jiritaankooda halista ugu weyn ku ahaa ayay ugu yaraan maalintaas fagaare dagaalkoodii ugu horreeyay ee toos ah kaga libeysteen.

Ugaarsigii Muqdisho!

Intaas ka dambeeyay ma jirin dagaallo toos ah oo dhexmaray boqortooyada dhiigga Axmed Diiriye iyo shirkadda Cabdulqaadir Muumin, balse waxaa jiray dagaal sirdoon adag oo labada koox Muqdisho ku dhexmaray. Sannadkii 2018, ayeey kooxda Daacish billowday dagaal ka dhan ah Amniyaatka Alshabaab ee Xamar dhex daadsan, waxa ayna dileen dhowr ka mid ah amniyaatka kooxda. Jiritaanka dagaalkaas waxaa wareysi laga qaaday ku caddeeyay Macallin Ilkacase oo Dowladda Federaalka Soomaaliya, gacanta Ku dhigtay la na toogtay. Horjoogayaasha Daacish ee ay Alshabaab Xamar ku dishay waxaa ka mid ahaa nin lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Muxuddiin Salaad oo 2019 laga takhalusay.

Sannadkii 2018, Daacishta Soomaaliya guud ahaan waxa ay geeysteen 61 weerar oo iskugu jiray qaraxyo iyo dilal qorsheeysan. Isla sannadkaas ayay soo rogeen in ay lacag baad ah ka qaadaan ganacsatada suuqa Bakaaraha Muqdisho iyo shirkadaha waaweyn ee dalka, shirkaddii ama ganacsigii baadda kooxda diida na in la beegsado. Waxaa aad loo xasuustaa beegsigii ka dhanka ahaa shaqaalaha Shirkadda Hormuud Telecom ee ay kooxda Daacish Xamar ku leysay sannadihii 2018 iyo 2019.

Dhinaca kale, Amniyaatka Alshabaab ayaa dhankooda billaabay ugaarsiga unugyada kooxda Ina Muumin ee Xamar ka howlgala, ayagoo dilay shabakado badan oo ka mid ah kooxda Daacish. Dagaalka ugaarsiga ugu badan ee Daacish iyo Alshabaab waxa uu ka dhacay daafaha Xamar sidda Ceelasha Biyaha, Daaru-salaam, iyo Afgooye oo loogu dhameeyay canaasiir badan oo Daacish ah iyo kuwa Alshabaab ah. Waxii intaas ka dambeeyay weerarradii Daacish hoos ayay u dhaceen balse ma dhamaan.

Xafiiska Alkaraar Daacish ee Bariga iyo Bartamaha Afrika!

Kaddib jabkii kooxda Daacish ka soo gaaray Ciraaq iyo Suuriya, waxa ay kooxdu dib u habeyn ku sameeysay qaab-dhismeedkeedii. Waxa ayna awoodo badan siisay kooxaha beeycada kula jiray ee wadamada kale joogay. Daacishta Soomaaliya oo awal aheyd koox yar oo la biilo, ayaa jabka kooxdoodii hooyada gaaray ka helay fursad weyn, waxayna madax ka noqdeen Xafiiska Wilaayada Alkaraar. Alkaraar waa magaca xafiiska kooxda daacish u qaabilsan Bariga iyo Bartamaha Africa, waxaa na madax hadda ka ah Cabdulqaadir Muumin oo kooxdiisu garbo ka heshay Musambiig, Ugaandha, ilaa Koongo.

Hab maamulka kooxda Daacish iyo xafiisyada kala duwan dunida Islaamka ku firirsan.

Alkaraar waxa uu noqday xafiis weyn oo kooxda Daacish muhiim u ah. Waxa uu na kaalin weyn ka qaatay kala gudbinta lacagaha, iyo in uu lacagta baadda ah ee ay Soomaaliya ka helaan ku biilaan kooxo ka dhisan Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyo sidoo kale Daacishta Afqaanistaan. Xawaalado iyo shirkado ganacsi oo South Africa, Xamar, iyo Nairobi ku yaalla ayay kooxdu sameeysatay oo qaarkood dowladda Soomaaliya u gacangalay. Falaanqeeyayasha arrimaha argagixisada ayaa halista kooxda Daacishta Soomaliya aad uga digayay saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Dhinaca Fikirka iyo Aragtida:

Kooxda Daacishta Soomaaliya waxa ay isu aragtaa wilaayo ama gobol ka mid ah dowlad islaami khilaafo ah oo uu Abuubakar Albaqdaadi ku dhawaaqay. Dowladda Soomaaliya, dalalka caawiya, iyo ciidamada ajnabiga ah waxa ay aaminsan tahay in lala dagaalamo, dhammaan heshiisyada caalamiga ah iyo xaduudaha dalalka na ma aqoonsana. Waxa ay hore u sheegeen in kooxda Alshabaab ay tahay "Buqaad" balse markii dambe waa ay sii fogeeyeen oo waxa ay ku tilmaameen "Saxawaadka Alqaacidda!" (Saxawaadku waa ciidanka dadka ciraaq ee daacish la dagaalamay). Daacish waxa ay toos u gaaleysiiyeen kooxda Alqaacida oo ay Alshabaab beeyco kula jirto oo hoostagto. SIdoo kale, waxa ay gaaleysiiyeen Kooxda Taalibaan ee hadda xukunta dalka Afqaanistaan. Waxaa muuqata in kooxda Daacish xagjirnimadii ka xigsatay kooxda Alshabaab, kana barabixisay maadaama ay Alshabaab la gaaleeysiiyay.

Dhinaca Sirdoonka iyo Dagaalka

Kooxda Daacishta Soomaaliya oo hadda 8 sano jirsatay wax dagaallo ah oo waaweyn sida Alshabaab ma galin, waxa ayse Ku guuleysatay in ay iska difaacdo dagaallo yar yar oo aan badneyn oo dhanka Alshabaab kaga yimid. Sidoo kale, waxa ay muujiyeen in ay dhul qabsan karaan kaddib markii ay magaalooyinka Qandala (2016) iyo Ballidhidin (2021) oo Bari ka wada tirsan qabsadeen.

Magaalooyinka ugu badan ee ay weerarro la diiwaangeliyay ama ay ayagu sheegteen ka geysteen waxa ay kala yihiin: Boosaaso, Muqdisho, Gaalkacyo, Afgooye, iyo Beledweyne. Sida ku cad warbixin ay UN Monitoring Group sannadkan soo saareen, kooxda Daacishta Soomaaliya waxa ay hormariyeen farsamadooda qaraxyada. Idaacadda VOA ayaa hore u sheegtay in kooxda Daacish aheyd kooxdii Soomaaliya ka billowday isticmaalka miinada boodda oo aay ku qarxiyeen gaari ay ciidanka ATMIS lahaayeen. Daacishta Soomaaliya si weyn ayay awood ahaan iyo ciidan ahaan Alshabaab uga hooseeyaan, balse waa awood iyo halis dhismeeyso oo aaney Maamulada Soomaalidu ku baraarugsaneyn.

Dhanka Dhaqaalaha iyo Canshuuraha:

Kooxda Daacishta Soomaaliya oo billowgii lagu dhisay dhaqaale yar oo ay kooxda Daacish ee Ciraaq iyo Suuriya ka heshay, ayaa wixii 2017 ka dambeeyay isku filnaatay dhaqaale ahaan. Waxa ay dhinacooda ka billaabeen baadda shirkadaha iyo ganacsiyada dalka. Madaama aysan kooxdu weli dalka oo dhan si dhameeystiran ugu faafin, meelo badanna gacantoodu gaarin lacagaha baadda ah ee soo gala waa kooban yihiin, marka la barbar dhigo Alshabaab. Sidda Alshabaab uma canshuuri karaan dalaga beeraha, xoolaha nool, hantida maguurtada ah, iyo ganacsiyada yaryar oo dhan.

Boosaaso iyo Xamar ayaa ah meelaha ugu badan ee ay lacagta ka helaan. Kooxdu waxa aay lacago xooggan ka qaadaa ganacsiyada waa weyn, marar badana waxa ay isku dayeen in canshuur aruurintooda daadajiyaan, ayagga oo dhowr jeer xiray suuqa Bakaaraha, Muqdisho si ay ganacsatada u badingeliyaan oo lacag uga helaan. Sida cilmibaaris uu kooxda ku sameeyay ku sheegay Dr. Tore Hamming oo Denmark u dhashay, Daacishta Soomaaliya waxa ay 50% dhaqaalaha soo gala u diraan garabyada Daacish ee Mozambique iyo Congo, halka ay 25% u diraan Afghanistan, inta soo hartay na ayagu isku maareeyaan. Sannadkan waxa ay Daacishta Soomaaliya dib u billowday weeraradii ka dhanka ahaa shirkadaha ganacsiga sidda shirkada Hormuud iyo ganacsiyo ku yaalla Boosaaso sidda suuqa Macruuf oo ay kooxdu qarxiyeen.

Shirkadda Hormuud (Muqdisho) iyo Suuqa Macruuf (Boosaaso) oo ay kooxda Daacish qaraxyo ku xirtay sannadkan 2023.

Nidaamka dhaqaale ee Daacishta Soomaaliya ee ururinta lacagta baadda ah weli si dhameeystiran uma dhismin, balse waa mid maalin walba xoogeysanaya oo horumar badan sameynaya. Halka uu nidaamkooda dhaqaale guulaha ka keenay waa kala-gudbinta lacagaha iyo biilista kooxo ka dagaalama Aasiya iyo Afrika. Nidaamkaas dhaqaale kala-gudbinta ayaa na kooxda buuraha Bari joogta ka dhigay mid kaalin muhiim ah ugu jirta Daacishta weyn, Cabdulqaadir Muumin na ku helay madaxa xafiiska Alkaraar ee Bariga iyo Bartamaha Afrika. Haddii aan laga hortagin, waxaa hubaal ah in nidaamkooda dhaqaale sii xoogeysan doono, na gaari doono magaalooyin iyo gobollo badan.

Dhanka Warbaahinta:

Cabdulqaadir Muumin oo horay ba u ahaa nin aad u fahansan kaalinta saxaafadda, waxa uu kooxdiisa Daacish billowgii ba u sameeyay idaacad iyo Telefishan. Idaacadda kooxda Muumin waxaa la yiraah Hijrateyn, oo shaqo ahaan u dhiganta Al-Andalusta Alshabaab. Wararka iyo barnaamijyadooda waxa ay ku faafiyaan Baraha Bulshada. Sidoo kale, waxa ay leeyihiin saxaafada muuqaallada duubta oo la dhaho Alfurqaan. Dhowr muuqaal ayay soo saareen oo isugu jira tababarro, wacdi, hanjabaado, dilal, qaraxyo, iyo naqdin kooxda Alshabaab ka dhan ah.

Si ka duwan Alshabaab, kooxda Daacishta Soomaaliya waxa ay soo saaraan buugaag af Soomaali ku qoran oo looga jawaabaayo su'aalaha kooxda dul hogganaya, sidda ayaga iyo Alqaacidda waxa ay isku hayaan tusaale ahaan. Arrimaha qoraalka waxaa u qaabilsan koox la yiraah Bahda Qalin-Sugan.

Dagaalka Warbaahinta ee Daacish iyo Alshabaab

Daacishta Soomaaliya aad ayey uga hadlaan oo u naqdiyaan Alshabaab, marar badan ayay ku eedeeyeen dagaallada ay Alshabaab qabiillada ku qaadaan. Dhinaca kale warbaahinta kooxda Alshabaab aad ayat uga gaabsataa ka hadalka iyo naqdinta kooxda Daacish. Arrinkan dadka kooxahan daraaseeya waxa ay ku fasireen in kooxda Daacish taageero badan ku leedahay ururka Alshabaab gudihiisa, sidaas darteed na ay Alshabaab ka cabsi qabto in mar kale tarar iyo qalqal gudaha kooxda kaga dillaaco. Xabsiyada Alshabaab waxaa wali buuxa xubno badan oo Daacishnimo u xiran, deegaanada ay ka taliyaan na waxaa ku go'doonsan rag looga shakiyay in ay fikirka Daacish la dhacsan yihiin oo lagu qasbay in aysan degaanka ka bixi Karin.

Si kastaba ha noqotee, Daacishta Soomaaliya waxa ay caddeeyeen in riyada kooxda Alshabaab ee ah dalka ayaad qabsaneysaan kaddib na qaraxa iyo dilalka aad dadka Soomaaliyeed ku gumaadeysaan ayaad dowladnimo iyo amni ku heleysaan, dadkuna idiinkugu afduubnaanayaa, in ay tahay dhalanteed. Xagjirnimadu billow ayay leedahay ee dhamaad ma laha. Koox walba oo is leh xagjirnimada halka u danbeysa qabsada si la idiinkaga baqo ood dadka u qabsataan waxaa ka danbeyneysa mid ay ayagu ka ashahaataan. Maamullada Soomaaliya ka jira waxaa muuqata in aaney badankood wax fikir ah ka heysan kooxda Daacish. Qaarkood, sida Hirshabeelle, maba oga jiritaanka kooxda ee dhulka ay sheegtaan in ay ka taliyaan. Waa na mid ka mid ah sababaha Daacish u fududeynaya in ay weerarro ka geystaan meelaha ay Beledweyne ka mid tahay ayada oon la ogeyn.

Argagixisada Shisheeye iyo Daacishta Soomaaliya

Si la mid ah Alshabaab, kooxda Daacish waxa ay kooxda Daacish askareysataa ajaanib badan oo ka kala yimaada qaaradaha kala duwan, si gaar ah dalalka Afrika iyo Carabta. Waxaa xusid mudan in 4 nin oo Marookaam ah ay dhowaan Maamulka Puntland ku qabteen gobolka Bari, waxaa ka sii horreeyay kuwa Yemani ah. Bilo ka hor na waxaa gobolka Bari lagu dilay 3 dhallinyaro reer Falastiin ah oo Soomaaliya u soo jihaad doontay. Sidoo kale jira Amxaaro iyo Oromo tirobeel ah oo ay kooxda Ina Muumin si fudud ku askareystaan. Muuqaallada warbaahinta kooxda Daacish ayaa inta badan lagu turjumaa af Xabashiga, waxaa na la sameeyay laanta af Xabashiga ee idaacadda Hijrateyn ee afka kooxda ku hadasha, taas oo muujineysa halka yoolku saaran yahay iyo kaalinta ay Itoobiyaanku kooxda kaga jiraan.

Ajaanibta Daacishta Soomaaliya waxaa ugu magac dheeraa Bilaal Al-Suudaani oo sannadkan billowgiisii ciidanka Mareykanku ku dileen buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari. Waxaa lala dilay 10 kale oo reer Suudaan ah. Bilaal waxa uu ahaa madaxa dhaqaalaha Daacish ee Xafiiska Alkaraar (Bariga iyo Bartamaha Afrika). Xaghayaha Gaashaandhigga Mareykanka Loyd Austin ayaa sheegay in Bilaal Al-Suudaani ahaa maskaxda dhaqaale ee isku xirtay Daacishta adduunka ku kala baahdan.

Kooxda Daacish iyo Adeegsiga Qabiilka:

Sida uu Afhayeenka Alshabaab Cali-Dheere ku dooday, Cabdulqaadir Muumin waxa uu safkii kooxda Alshabaab ku kala qeybiyay hab qabiil. Inkasta oo Ina Muumin eedeyntaas gaashaanka u daruuray, hadda na waxaa muuqata in Cabdulqaadir Muumin kooxdiisa dabada u galiyay dhulka tolkiis dagan yahay, meelaha kale na saameyn iyo joogitaan muuqda ku yeelan waayeen. Odaga waayeelka ah ee buuraha gobolka Bari meereysta ayaa isku dayaya in uu ka faa'ideysto tabasho iyo dulmi ay reerka uu ka dhashay ka tirsanayaan maamulka Puntland. Waxaa na uu rumeysan yahay in dhulka miyiga ah ee reeraha Cali Saleebaan degaan dadku u arkayaan wiilkoodu oo u dowladeynaya. Si guud na Cabdulqaadir Muumin iyo kooxdiisa waxa uu dareenka qabiilku dhaxalsiiyay in ay iska dhigaan niman gurigooda kaga xijaaban sharta Dir iyo Hawiye ee Alshabaab.

Dhanka Xukunka iyo Garsoorka:

Weli lama sheegin maxkamad iyo nidaam caddaaladeed oo kooxda Daacishta Soomaaliya leedahay oo loo xakun doonto ama la iska dacweeyo sida kuwa Alshabaab, balse taasi kama dhigna in aaney kooxdu waxba xakumin oo nidaam caddaaladeed laheyn. Sannadkaan dhexdiisa waxaa la helay warqado xukun ah oo uu soo saaray Amiirka Xafiiska Alkaraar Cabdulqaadir Muumin, kuwaas oo ku saabsanaa su'aal dacwo aheyd oo ka timid garabka Daacish ee Mozambique. Weydiinta ayaa daarneyd waxa laga yeelaayo xubno kooxda ka tirsan oo cudurka HIV AIDS ka qaaday dumar Kirishtan ahaa oo ay soo qafaasheen. Cabdulqaadir Muumin ayaa na arrintaas ka soo saaray fatwo uu ku kala dhigdhigay sida laga yeelayo dumarka ay qafaashaan ee cudurka AIDS-ka laga helo.

Gunaanad:

Ugu dambeeyn, kooxda Caacish Soomaaliya waxa ay jiraan 8 sano. Weli waxa ay ku jiraan jiilkoodii koobaad madaama ninkii aasaasay weli madax u yahay ilaa maanta. Muddadaas ay jireen waxa ay ku guuleysteen in ay isku fidiyaan nidaam ahaan Bariga iyo Bartamaha Afrika. Sidoo kale, waxa ay ku guuleysteen in ay fikir ahaan iyo ciidan ahaan ba iska caabbiyaan kooxda Alshabaab oo hore u liqday kooxihii jihaaddonka sheeganayay ee Soomaaliya hore uga jiray. Cabdulqaadir Muumin waxa uu ku guuleystay in uusan marin waddadii Xasan Daahir Aweys iyo kooxdiisii Xisbul Islaam.

Jiritaan la'aanta Dowlad dalka oo dhan si rasmi ah gacanta ugu heysa ayaa Soomaaliya dhaxalsiisay in ay soo baxaan qabiillo xakundoon ah oo reeraha kale Ku duula ayaga oo wata magac saddex xaraf oo ingiriis ah ka kooban, iyo wadaaddo ayaguna xukun iyo xooladoon ah oo wata ururro ay marmariyeen magac islaam si ay dadka isaga waabiyaan. Ilaa inta laga helayo dowlad rasmi ah oo dadka Soomaalidu heshiis ku yihiin, waxaa hubaal ah in kooxahan xagjirka ah sii jiri doonaan, kuwa kale na dhalan doonaan si ay xukunka iyo xoolaha la wada goobayo dhankooda gacanta uga darsadaan.

  • W/Q: Maxamed Weheliye, Geeljire Times.
  • Geeljiretimes@gmail.com