Category - Amniga

Loollanka Argagixisada Bariga Afrika: Dagaalladii u Danbeeyay ee Bari ka Dhacay.

Geeljire Times Editorial
  • Geeljire Times Editorial

Maleeshiyaadka Daacish oo buuraleyda gobolka Bari jooga.

Daacish iyo Alshabaab midkee Bari u hari doona?

Warbaahinta kooxda Daacish (IS) ayaa baahisay warbixin ay uga warrameen dagaallo ayaga iyo kooxda Alshabaab ku dhexmaray gobolka Bari ee Maamul-Goboleedka Puntland, Soomaaliya. Dagaallada warbixinta lagu sheegay ayaa si teel-teel ah u socday muddo sannad ku dhow, kooxda Daacish ayaa na guulo ka sheegatay. Kooxda Alshabaab ayaan ayagu wax war ah dhankooda ka soo saarin dagaalladaas tan iyo sannadkii hore. Ma jiraan ilo-wareedyo madax bannaan oo xaqiijin kara sheegashada kooxda Daacish, marka laga reebo warar dadka degaanka laga helay oo xaqiijinaya in ay buuraleyda Calmiskaad labada koox dagaallo ku dhexmareen sannadkii hore.

Wargeyska Isbuuclaha ah ee kooxda Daacish (IS) ee Al-Naba’ ayaa lagu daabacay warbixin ay kooxda Cabdulqaadir Muumin horjoogaha u yahay ku sheegteen in ay Alshabaab gaarsiiyeen khasaare nafeed oo kor u dhaafaya 200 oo ay horjoogayaal dagaal ku jiraan, ka na qabsadeen hub badan, dhul ay ilaa 10 tuulo ku sheegeen na kala wareegeen. Warka Daacish ka soo baxay ayaa kooxda Alshabaab ku sifeeyay “Maleeshiyaad Murtaddiin ah” taas oo mar kale muujineysa halka ay labada koox kala taagan yihiin. Kooxda Alshabaab ayaa ayagu dhankooda Daacish u yaqaanna koox “Khawaarij” ah.

Dagaallada labada koox ee Alshabaab iyo Daacish ku dhexmara buuraleyda Calmiskaad ee gobolka bari ayaa soo billowday sannadkii 2016, hal sano kaddib markii lagu dhawaaqay jiritaanka garabka Daacish ee Soomaaliya. Kooxda Alshabaab ayaa na dhowr mar ku guuldarreysatay in ay tirtiraan garabka kooxda Daacish u qaabbilsan Bariga Afrika oo xaruntoodu tahay buuraleyda gobolka Bari ee Soomaaliya. Axmed Diiriye iyo kooxdiisa ayaa kooxda Daacish u arka urur jiritaankooda halis ku ah iyo mas qoorta uga duuban.

Warbaahinta kooxda Alshabaab oo lagu bartay in ay dagaallada kooxdu gasho soo tebiso aad na u buunbuuniso ayaan soo hadalqaadin dagaallada dhexmara Alshabaab iyo Daacish. Su'aasha is weydiinta leh ayaa ah maxay Alshabaab uga gaabsataa dagaalka jiritaanka ah ee go'aamin doona kooxda xagjirnimada iyo argagixinta Bariga Afrika u hari doonta? Dad badan ayaa aamusnaanta Alshabaab ku fasiray baqdin ay kooxdu ka qabto mabda'a kooxda Daacish oo xagjirnimadii ayaga ka barabixisay. Sidoo kale, dadka arrimaha kooxaha xagjirka ah falanqeeya ayaa fahansan in xubno badan oo Alshabaab ka tirsan ay la dhacsan yihiin fikirka kooxda Daacish, sidaas darteed na ay kooxdu diiddan tahay in ay xubnahaas xogta Daacish si waafi ah u helaan.

Waxaa la filayaa dagaallada labada koox u dhexeeya in ay ka sii socon doonaan buuraleyda gobolka Bari ilaa middood laga takhaluso. Sidoo kale na waxaa la saadaalinayaa in dagaalku ku fidi karo gobolka Sanaag oo ay hadda kooxda Alshabaab ku xooggan tahay, waa haddii kooxda Axmed Diiriye Bari lagu soo jebiyo.

Maamulka Puntland iyo Dowladda Federaalka maxaa uga qorsheysan argagixisada ku legdamaya gobolka Bari? Ma laga yaabaa in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo bishii Janaayo dib loo doortay in dowladdiisu xoogga saarto sidii gacmaha argagixisada ee Bari loo gaabin lahaa? Dowladda Federaalka Soomaaliya kaalin intee la eg ayay ka qaadan kartaa dagaalka argagixisada Bari? Waa weydiimo uu waqtigu ka warcelin doono.