Qaab dhismeedka Kooxda Daacish Soomaaliya iyo Qabiillada Hoggaanka Kooxda!
Kooxaha xagjirka ah Qabyaaladda ma iska dhowraan?
Kooxaha xagjirka inta badan waxa ay kor u sheegaan in ay mabda' iyo diin u dagaallamayaan, qabiilka iyo waxyaabaha kale ee Soomaalida dhexdeeda ka jira na aaney macno badan u laheyn. Balse marka qaabdhismeedka kooxahan iyo falalkoodu hoos loo fiiriyo waxaa ka soo baxa su'aalo badan oo jawaab u baahan. Halkan waxa aan ku soo gudbineynaa inta laga og yahay xubnaha ugu sarreeya kooxda Daacish Soomaaliya iyo reeraha ay ka soo jeedaan.
1) Cabdulqaadir Muumin Yuusuf; Majeerteen, Cali Saleebaan.
Waa aas-aasaha iyo aabaha kooxda Daacish Soomaaliya. Waa wadaad, oday dhaqameed, iyo qurbajoog hore oo Boqortooyada Ingiriiska ku noolaan jiray. Waxa uu Soomaaliya ku soo laabtay sannadkii 2010 asaga oo markaas kooxda AS ku biiray. Sannadkii 2015 ayuu AS ka goostay oo uu aasaasay garabka kooxda Daacish ee Soomaaliya.
2) Mahad Macallin Jajab: Majeerteen, Cali Saleebaan.
Kooxda dhexdeeda waxaa looga yaqaannaa Caaw Geelle, waa madaxii hore ee Xafiiska Dacwada kooxda, sidoo kale waxa uu hore soo noqday ku-xigeenka Xafiiska Maaliyadda kooxda. Hadda waa mid ka mid ah Ku-xigeennada Cabdulqaadir Muumin. Sannadkii 2018 ayaa Mahad Jajab lagu daray liiska argagixisada caalamiga ah ee Mareykanka, waxaa na lagu eedeeyay in uu dagaallamaayaal iyo hub badan soo galiyay Soomaaliya.
3) Cabdiraxmaan faahiye Ciise: Harti, Dashiishe.
Waxaa kooxda dhexdeeda looga yaqaannaa Axmed Aadan, Khaalid, iyo Yacquub. Waa mid ka mid ah ragga ugu sarreeya kooxda Daacish Soomaaliya. Waxa uu soo noqday Ku-xigeenka Amiirka kooxda. Sidoo kale, waxaa jira warar sheegaya in uu Ina Faahiye hadda yahay Amiirka Daacishta Soomaaliya, maadaama uu Cabdulqaadir Muumin noqday Amiirka Daacish ee Bariga iyo Bartamaha Afrika. Waxaa lagu eedeeyaa in uu agaasinkiisa lahaa qarax is miidaamin ah oo kooxdu Boosaaso ka fulisay sannadkii 2017.
4) Abuu Yuusuf; Majeerteen:
Waa madaxa Ajaanibta kooxda Daacish Soomaaliya. Waxa uu dhalasho ka heystaa dalka Mareykanka oo uu muddo ku noolaa.
5) Cabdixakiin Dhoqob; Majeerteen, Cali Saleebaan.
Waxa uu ahaa Macallin Iskuul oo hore iyo hoggaankii kooxda Alshabaab ee gobolka Bari. Waxa uu soo qabtay madaxa arrimaha siyaasadda kooxda Daacish Soomaaliya. Cabdixakiin waxaa lagu dilay duqeeyn ciidanka Mareykanku la heleen baabuurkiisa oo marayay deegaanka Xariiro ee gobolka Bari. Cid lagu baddalay wali lama oga.
6) Xamse Fareey; Majeerteen:
Waa madaxa dacwadda ee kooxda Daacish Soomaaliya, mahad macalin ayuu na beddelay oo xafiiskan hore u maamuli jiray.
7) Macalin Bashiir; Majeerteen:
Kooxda looga dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa Cabdullaahi-Buur. Waxa uu ka tirsan yahay saraakiisha sarsare ee xafiiska dacwadda kooxda Daacish Soomaaliya.
8) Cabdiqani Luqmaan; Majeerteen, Cali Saleebaan:
Waa madaxa howlgallada ciidanka ee kooxda Daacish Soomaaliya. Dadka qaar ayaa sheegaya in ninka magacan wata uu Leelkase yahay oo aanu Harti aheyn.
9) Fahad Aboole; Ogaadeen:
Waa madaxa loojiistikada kooxda Daacish Soomaaliya.
10) Abuu Xafsa; Gaaljecel:
Waa Ku-xigeenka madaxa howlgallada ciidanka, waxa uu ku xigaa Cabdiqani Luqmaan. Waa Nin dhalinyaro ah oo dhamaadka da'da 20aadka ilaa billowga 30aadka ku jira. Waxa uu hore uga tirsanaa Alshabaabta Hiiraan. Waxa uu ka mid yahay xubnaha dhalinyarada bartamaha iyo koofurta dalka kooxda uga soo duma.
11) Xamaas; Xawaadle:
Waa madaxa guud ee ciidanka kooxda Daacish Soomaaliya. Xamaas iyo Abuu Xafsa oo labadu ba reer Hiiraan ah ayaa loo badinayaa in ay fududeeyeen in kooxda Daacish Soomaaliya ay unugyo howlgallo fulin kara Beledweyne ku yeelato. Hore ayay kooxdu u sheegatay in ay Beledweyne dhowr howlgal ka fulisay.
12) Jacfar Dabaashaan; Majeerteen, Cismaan Maxamuud.
Xilka uu kooxda dhexdeeda ka hayo ma cadda.
13) Cabdirashiid;
Qabiilkiisa la ma hayo: waxa uu isku hayaa madaxa Sirdoonka iyo madaxa xafiiska hubka iyo agabka dagaalka. Kooxda dhexdeeda waxaa looga yaqaan Mukhtaar. Waxa uu xariir fiican la leeyahay Burcad Badeedda iyo ganacsatada Yeman hubka ka soo dhoofisa.
Hoggaanada kale ee kooxda waxaa ka mid ah: Cabdiwali Maxamuud Aw Yuusuf Walah (Majeerteen, Cali Saleebaan); Abshir-Gardheere Maxamuud Mire; Jaamac-Dheere Ismaaciil Saciid Saalax; Axmed-Beerdhagax Omar Cali.
- Xigasho: Hiraal Institute, US State Department, NISA, iyo ilo madaxbannaan.
- W/Q: Maxamed Weheliye, Geeljire Times.