Bilaal Al-Suudaani vs Cabdirxmaan Mursal: Dowlad Sawir Xaqiijin Weyday Amni ma Sugi Kartaa?
Dhammaadkii bishii Janaayo, 2023, waxa ay ciidanka Mareykankua ee sida gaarka ah u tababaran godku yaalla degaanka Hoobad ee u dhexeeya degmooyinka Isku-shuban iyo Ballidhidin ee gobolka Bari ku dileen Bilaal Al-Suudaani iyo ku dhowaad toban kale oo ka tirsan kooxda Daacish Soomaaliya.
Qoraalkan kaga ma warramayo nooca howlgalka iyo qaabka uu u dhacay toona. Haseyeeshee, midda fajacisada dhalisay waxa ay tahay in si dhab ah loo aqoonsan waayay ninka muhiimka ah ee la dilay, ruux beri hore dhintay na loo maleeyay oo sawirkiisa lala wada yaacay. Cidda uu habowgaasi ku dhacay ma aha shacbiga ee waa hay'adaha amni ee heer federaal (walow ay dib ka saxeen oo sawirka tireen), iyo warbaahinta Soomaalida kuwooda uga afka dheer sida Hiiraan Online, Garowe Online, Goobjoog iwm, iyo tan caalamiga ah sida BBC (inkasta oo ay dib ka saxday). Sidoo kale Taliska Booliska ee Puntland (walow ay kiis kale u adeegsadeen oo dilkii Abuu Baraa Al-Armaani ah).
Wakaaladda wararka ee heer qaran SONNA, xarumo amni oo madax bannaan sida "Strategic Intelligence Service" oo looga dambeeyo arrimaha wardoonka iyo amniga, si gaar ah na bariga iyo bartamaha Afrika diiraddda u saarta kana mid ah goobaha lafdhabarta u ah la dagaallanka argagixisada Soomaaliya ee xogta siiya ciidammada midowga afrika, shirkadaha gaarka loo leeyahay ee amniga ka shaqeeya iwm, iyo "The Jameston Foundation" oo ah xarun Cilmibaadhis oo aasaasan ku dhowaad kontan sano kana shaqaysa talosiinta madaxda Maraykanka iyo la dagaallanka argagixisada in ay aqoonsan kari waayaan sawirka qofka la dilay, shakhsi illaa heerkaas muhiim ahna aan hubanti loo aqoon waa wax aad loo la yaabo. Waa ifafaalo muujinaya fashilka dagaalka lagula jiro cid aan la aqoon, natiijadu na ay tahay mid aan la hubin lana saadaalin karin. Waxa aynu qoraalkan ku faahfaahin doonnaa Sooyaal nololeedka Bilaal Al-Suudaani iyo ka ninka lagu khalday ee sawirkiisa la adeegsaday.
1. Bilaal Al-Suudaani:
Suhayl Saalim Cabdiraxmaan (Abuu Faaris) oo loo garan ogyahay Bilal Al-Suudaani waxa uu 1984-tii ku dhashay dalka Suudaan, gaar ahaan deegaannada dhaca Xuduudda Suudaan iyo Itoobiya, taas oo ka dhigan in uu ahaa barbaar gaashaan qaad ah oo 23 sano baarka ka gooyay xilligii la aasaasay kooxda Alshabaab. Korriimadiisii hore iyo guud ahaan noloshiisa laga ma hayo macluumaad sidaas u sii ridan. Qaybo yaraantiisii kamid ah waxa uu ku qaatay waddanka Sucuudi Carabiya oo uu Qur’aanka ku xafiday.
Waxa la sheegaa in uu horraantii 2000-kii soomaaliya yimi oo ku biiray Saldhigyadii Raaskaambooni ee xuduudda Kenya iyo Soomaaliya. Waxa ay halkaas waqtiyo isku dhaw yimaaddeen Ajaanib badan oo kol dambe ka dhex muuqday Kooxda Alshabaab oo ay kamid ahaayeen Cumar Xamaami oo loo garan ogaa Abuu Mansuur Al-Amriiki, Cabdalla Suudaani, Abuu Mansuur Al Yamani iyo qaar kale. Waxa la sheegaa in ay walaalkii Suhayb Saalim oo ay mataano ahaayeen mar wada yimaaddeen Soomaaliya. Kolkii hore waxa uu ka tirsanaa ururkii Raaskaambooni ee Sheekh Xasan Turki hoggaamin jiray. Sannadkii 2008-dii ayuu ku biiray kooxda Alshabaab gaar ahaan qaybta warbaahinta ee Al-Kataa'ib.
Sannadkii 2010 ka amiirka kooxda Alshabaab ayaa ka dhigay xubin ka tirsan Golaha shuurada ee kooxda. 2011-kii waxa uu kamid noqday xubnihii maxkamaddii loo xulay in ay dhexdhaxaadiyaan qoorwayntii kooxda iyo Amiir Godane. Sannadkii 2012, wasaaradda caddaaladda ee Maraykanka ayaa ku dartay liiska dadka la baadi goobayo ee xayiraadda lagu soo rogay. Sannadihii 2013-2014 ayuu ku qancay fikirka Daacish, sannadkii 2015 ayuu na u baxsaday gobolka Bari oo markaas kooxda Daacish Soomaaliya laga unkay.
Bilaal Al-Suudaani markii uu Gaalkacyo sii marayay ayay ka war heshay Dawladda Federaalka, balse isku day lagu raadiyay lagu ma guulaysan in la qabto ama la dilo. Muddo uu ka maqnaa saaxadda warbaahinta waxa lagu dhex arkay warbixin golaha amniga Qaramada Midoobay ka sameeyeen Soomaaliya iyo Eratrea sannadkii 2017-kii oo lagu sheegay in uu kaalin firfircoon kaga jiro dhismaha kooxda Daacish Soomaaliya, haddii ay ahaado dhanka abaabulka iyo keenista Dagaalyahanno ajaanib ah iyo dhanka shabakadaha dhaqaalaha.
Bilaal waxa uu isku xidhe ka noqday shabakadaha dhaqaalaha ee kooxda ee ka jira Afrika iyo Beriga Dhexe jeer lagu eedeeyay in uu maalgaliyay qarixii ka dhacay Kabul habeenkii ciidanka Mareykanka ka baxayeen dalkaas galaaftayna nolosha 14 askari oo Maraykan ah, waa na sababta loo aanaynayo inay soo dedejisay dilkiisa. Bilaal Al-Suudaani kolka la dilay waxa uu ahaa Hoggaamiye ku-xigeenka kooxda Daacish Soomaaliya.
2. Cabdiraxmaan Mursal:
Cabdiraxmaan Mursal oo loo garan og yahay Abul Baraa' Al Raxanwayni gadaalna ka noqday dagaalyahan mudhbaxay ay kooxda Daacish Soomaaliya ku tashan jirtay, dagaal toos ah iyo gaadmo madax jabisba, waxa uu ku dhashay horraantii sagaashamaadka deegaannada Koonfur Galbeed. Taariikhdiisii hore iyo barbaarkiisii waxba laga ma oga. Sannadkii 2006 waxa uu ka mid noqday kumanaankii dhalinyarada ahaa ee ku biiray cimaamad-castii Maxaakiimta ee dareenkooda lagaga ganacsaday difaaca dal iyo damiirka diineed ee aan waxba ka jirin. Dagaallo badan uu ka qayb galay kaddib waxaa gacanta ku dhigay ciidammada Itoobiya oo uu muddo dheer xabsiyadooda ku jiray.
Badhtamihii 2016-kii baa laga soo daayay xabsigii Itoobiya, markale ayuu na ka mid noqday dhalintii ajiibtay baaqii kooxda Daacish oo markaas baaqoodu ku cusbaa geyiga soomaalida hore na baycada ka siiyay. Dirqi iyo tu baas buu ku gaadhay buuraha Calmiskaad oo kooxda cusub saldhig u ahayd. Tababarro ciidan iyo kuwa fikir isugu jira uu qaatay kaddib waxa uu kamid noqday Saraakiisha ciidan ee kooxda, dhiirrananaantiisa iyo hibadiisa hoggaamineedna waxa ay ku soo baxeen dagaalkii kooxdu magaalada Qandala ku qaadday.
Labo Naftii-hallige!
Muddo kaddib waxa ay kooxdu u qorshaysay qarax ismiidaamin ah isaga iyo naftii hallige kale oo magiciisa afgarashadu ahaa Abuu Quddaama Al-Marreexaani. Labadan nin waxa loo qorsheeyay in ay goob ciidan oo magaalada Boosaaso ku taalla si talantaalli ah isugu qarxiyaan, ayada oo Al-Marreexani loo qoondeeyay in uu albaabka isku miidaamiyo Mursalna gudaha ugalo oo wixii ku jira galaafto. Balse Kolkii uu is qarxiyay kii ka horreeyay ayay kooxdu la soo hadashay oo ku amartay in uu ka soo laabto.
Markale kooxdu waxa ay u dirtay magaalada Boosaaso si uu uga aasaaso unugyo madax-jabis iyo qaraxyada qaabilsan tobannaan ruux buu na galaaftay oo madax jabis iyo miino meel lagu aaso ba ku halligay. Muddo kaddib waxa loo wareejiyay magaalada Muqdisho si uu magaalada gudaheeda iyo deegaannada ku teedsan uga abuuro unugyo amniyaad ah. Waa shaqo adag laba midkood; dhan Alshabaab ayaa ka ugaadhsanaysa oo aan u oggolaan Daacish in ay Muqdisho iyo koonfurta isku fidiso, dhanka kale na Dawladda ayaa ka ugaadhsanaysa.
Kolkii uu Muqdisho cagadhigay waxa uu ka aasaasay koox amniyaad ah oo tobannaan qarax iyo madax jabis ka gaysatay gudaha Muqdisho iyo hareeraha magaalada. Muddo kaddib waxa ka war helay amniyaadka kooxda Alshabaab oo gudaha magaalada iyo bannaankeeda ku daadiyay tobannaan qof oo muuq garanaya Ina Mursal si gacanta loogu soo dhigo ama loo dilo. Markii ay adkaatay in la helo waxa ay weerar ku ekeeyeen qoyskiisa oo soonaha Afgooye degganaa si uu uga khasbanaado in uu isa soo dhiibo, se ma dhicin. Muddo kaddib waxa ay afduubteen walaalkiis oo si adag u ciqaabeen bal in uu sheego meesha uu ku sugan yahay se miyuuba garanayaa, iyana natiijo la'aan bay noqotay. Walaalkii waxa uu u dhintay jidhdilkii oo labada indhood ayaa laga tuuray, carrabkana waa laga jaray, ugu dambeyn na inta jawaan lagu cabbeeyay baa wabiga lagu riday.
Muddo kaddib goor casarliiq ah Cabdiraxmaan Mursal oo koonaha Muqdisho ku baraya koox dhalinyaro ah isticmaalka baastooladda ayay goosan Amniyaadka Alshabaab ah ka soo kordhaceen. Is-rasaaseyn kaddib baaskooladdii yarayd na rasaastii ka dhammaatay, talo na faro waa ka baxday. Nin dhagar badan ayuu ahaaye durba waxa uu isugu muujiyay nin kooxda ah hawl muhiim ah haya oo raac cusub tababaraya. Run uga qaate oo illaa habeenkii la wada joog se xeelad lehna uga baxsay iyaga oo war moog ah. Muddo kaddib bay kooxdu ogaatay ninka sidaas yeelay in uu ahaa ninkii la raacdaynayay hungo iyo fadeexadna laga dhaxal. Muddo badan oo hoggaan u ahaa amniyaadka Daacish ee koonfurta Soomaaliya kaddib, waxa uu ku dhintay bishii March 2019-kii is rasaasayn dhexmartay koox uu hoggaaminayay oo duullaan ku ahayd saldhig ciidan oo magaalada muqdisho ku yaal iyo ciidanka Dawladda Soomaaliya.
Haddaba ma la oran karaa Hay’adaha Aminiga Dowladda iyo Warbaahinta Soomaalida fadeexo ayay ku tahay in ay xaqiijin waayeen sawirka saxda ah ee nin sidaas muhiim u ah waa Bilaal Al-Suudaani e? Hay’adaha Amniga ee labo nin oo sidaas muhiim u ahaa iska qalday na awooddooda xog helista iyo la dagaallanka argagixisadu intey gaarsiisan tahay?
Tixraacyo:
- 1. Wargayska Afka Daacish ku hadla ee Al-Naba'.
- 2. Warbixinta Golaha amniga qaramada midoobay ka diyaarisay Soomaaliya iyo Eratrea ee ku tusmaysan (7511999) iyo (19072009).
- 3. Senior ISIS Leader in Somalia Killed in U.S. Special Operations Raid. The Newyork Times.
- 4. Treasury Targets Regional Actors Fueling Violence and Instability in Somalia 2012.
- 5. Galka Baarista (VOA Somali).
- 6. Warbixin West Point.