Dagaalka Argagixisada ee Mareykanka iyo Qaaradda Afrika
Kaddib 21 sano, hadda ma la joogaa waqtigii uu Mareykanku qiran lahaa fashilkiisa la dagaalanka argagixisada ee Afrika?
Kaddib weerarkii ay kooxda Alqaacidda ku qaadday Sarihii Mataanaha ee New York ee Mareykanka, waxa uu Madaxweyne Bush ku dhawaaqay in uu billaabayo dagaal ka dhan ah argagixisada. Weerarka sarahaas iyo ciida mareeykan lagu qaaday kadib waxa uu Bush dunida iyo shacabkiisaba u sheegay in uu dagaalka argagixisadu ka billaaban doono Alqaacida, ku na dhammaan doono marka argagixiye walbo la qabto ama la dilo, Alqaacidda na la dumiyo. Waxa uu dunida kala dooran siiyay in ay la xulufo noqdaan ama ka soo horjeedsadaan laakiin aaney jiri doonin meel dhexe oo la istaago.
Afqaanistaan iyo Ciraaq ayuu weerarradiisa ku bilaabay, waxa uu na dumiyay dowladdii Taalibaan ee koobaad iyo middii Saddaam Xuseen. Balse waxaa jirtay meel aan ciraaq iyo Afqaanistaan aheyn oo uu dagaalka mareeykan iyo argagixisada ka socday, dhibaatooyin waaweyna ka geystay. Waa qaaradda ayaanka daran ee Afrika.
Sannadihii 2002-2003 markii uu Mareykanku dagaalka argagixisada bilaabay, waxaa guud ahaan Afrika ka dhacday 9 weerar oo ay Wasaarada Waashaandhiga Mareykanku diiwaangalisay, sannadkii tagay ee 2023 waxa ay kooxaha argagixisada ah Afrika ka geysteen 6,757 weerar. Waxa ay la mid tahay in 75,000% (toddobaatan iyo shan kun boqolkiiba) kor u kacday tirada weerarada argagixisada ee Afrika muddo 20 sano oo uu dagaalka argagixisada Mareykanku Afrika ka waday.
Markii uu Mareykanku Ciraaq iyo Afqaanistaan ku duulay waxa uu dhisay dowlado iyo ciidamo uu u diyaariyay in ay dalalkaas kala wareegaan. Ciidankii uu ciraaq u dhisay waxaa kala daadisay kooxdii Daacish ee 2014 Ciraaq iyo Suuriya ka kacday, taas oo mareeykanka iyo xulafadiisa ku qasabtay in uu dagaalka mar kale dib ugu soo laabto. Ciidankii Afqaanistaan ee uu balaayiinta doollar galiyayna waxa ay sii taagnaan waayeen muddo labo sitimaan ah oo ay dalkii Afqaanistaan Taalibaan mar kale kula wareegtay.
Si la mid ah Ciraaq iyo Afqaanistaan, Mareykanku Afrika waxa uu ka dhisay maleeshiyaad uu asagu tababaray, biilo, magacyo u bixiyay, kuwaas oo danahiisa qaaradda ilaaliyo. Meelaha qaar waxa uu ka billaabay dagaallo uu asagga abaabulay si uu dowlado jiray u tuuro sidii tii liibiya oo ay madaxweyne Barack Obama iyo Hillary Clinton oo aheyd Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda ay ku ceeboobeen.
Sannadkii 2011, gaashaanbuurta NATO iyo maleeshiyaadka Tuwaariq ah oo NATO ka wakiil ah waxa ay dagaal la galeen hoggaamiyihii kaligii-taliska ahaa ee Liibiya Mucamar Al-Qadaafi, waxa ay na ku guuleysteen in ay xakunka ka tuuraan oo aay asaggii na dilaan. Hillary Clinton ayaa ku kaftantay: "Waa nimid, waa aragnay, wuu na dhintay!" Bilo kaddib maleeshiyaadkii Tuwaariqdu waxa ay ku laabteen dalkoodii Maali, waxa ay na dagaal ku qaadeen dowladdii Maali ayaga oo dhulkooda Azawad ka saaray. halkaas ka sii karaar qaatay kooxo jihaadiyiin ah oo 2012 isku dayay in ay dowlada Maali meesha ka tuuraan.
Amadou Sanogo oo ka mid ahaa saraakiishii reer Maali ee Mareykanku carbiyay oo ka xanaaqay sida Dowlada Maali wax uga qaban la’dahay kacdoonka kooxaha jihaadiyiinta ah ayaa dalkii afgambiyay, isku na caleemasaaray madaxweyne, waxa uu na sheegtay in uu dalkaas badbaadin doono. Amadou Sanogo waxa uu luuqadda Ingiriiska ku bartay gobolka Taxes ee Mareykanka, tababarka aas-aasiga ah ee ciidanka na waxa uu ku qaatay gobolka Georgia, kaddib na tababbar sirdoon ayuu ku qaatay gobolka Arizona. Maleeshiyaadkii Mareykanku la dagaallanka argagixisada u arursaday ee dimoqoraadiyada la dagaallamay ayuu na ka mid noqday. Amadou Sanogo waxba kama tarin argagixisadii, dowladdii Maali oo in ay dhacdo ku dhaw oo caasimadda Bamako kooxaha jihaadiyiinta ah ku soo qulqulayaan waxaa badbaadiyay ciidanka Faransiiska.
Sannadihii 2002-2003 qaaradda Afrika waxaa u diiwaangashneyd in 23 ruux uga dhimatay weerarro argagixiso, sannadkii tagay ee 2023 waxa uu Pentagon ka diiwaangeliyay 9,818 ruux oo Afrika weerarro argagixiso uga dhimatay. Taas oo la macno ah in 42,500% (afartan iyo labo kun boqolkiiba) ay dhimashadu kor u kacday.
La dagaalanka Argagixisada mise la dagaallanka Dimoqoraadiyada?
Maleeshiyaadka uu Mareykanku dhisay ee uu tababaray waxa ay qaaradda Afrika ka geysteen dhibaatooyin aan la soo koobi karin oo isugu jira tiro dilal sharci daro ah, xarig iyo jirdil. Sidoo kale waxa ay afka qabteen saxaafada xorta ah iyo aqoonyahanka qaarada. Ceebta ugu daran se waa in ay afgambiyo tirobeel ah maleeshiyaadkaas qaaradda Afrika ka geysteen.
Tiro ahaan 15 sarkaal oo ka mid ah horjoogayaasha maleeshiyaadka argagixiso la dagaallanka ayaa ku lug yeeshay 12 afgambi oo qaarada Afrika ka dhacay. Afgambiyadaas badankood waxa ay ka dhaceen galbeedka Afrika. Burkina Faso (2014, 2015, and labo jeer 2022); Chad (2021); Gambia (2014); Guinea (2021); Mali (2012, 2020, and 2021); Mauritania (2008); and Niger (2023). Dhamaan afgambiyadaas hoggaamiyayaasha geystay waa horjoogayasha maleeshiyaadka Mareykanku Afrika ka sameeyay.
Waxaa intaas sii wehliya duqeymaha "cadow-ku-dhaca" ah ee diyaaradaha Mareykanku qaaradda ka fuliyaan oo tiro badan oo shacab ah galaafatay iyo saldhigyo military oo qaaradda oo dhan laga dhisay. Saldhigyadaas waxaa ugu weyn kan dalka Jabuuti laga sameeyay, mid Niger ku yaalla, South Sudan, Somalia iyo meelo kale. Dhibka ugu weyn waa in ciidankaan iyo saldhigyadaba aysan dowladda Mareykanka hay'adaheedii ay aheyd in ay ogaadaan sida Aqalka Congress-ka iyo midka Sanatorrada oo aan la ogeysiin.
Tusaale Oktoobar 2017 kooxda Daacish ayaa weerar jidgooyo ah u dhigtay ciidamada Niger iyo kuwa Mareykan ah waxa ay na halkaas ku dileen 4 askari oo Maraykan ah. Dhimashada askartaas ayaa sababtay in Congress-ku ka warhelaan in ciidan Mareykan ah dalka Niger joogaan.
Sannadkii 2014 waxa uu Mareykanku Afrika ka fuliyay 674 howlgal military, taas oo u dhiganta in uu maalin walbo 2 howlgal qaarada ka sameynayay Adeer Saam. Laga soo billaabo 2008 markii la sameeyay Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) howlgallada Mareykanka ee qaaradda Afrika waxa ay kor u kaceen 300%. Sidoo kale, waxaa cirka isku shareeray heshiisyada iskaashiga military ee dowladaha Afrika iyo Mareykanku kala saxiixdeen. Sannadkii 2014 waxaa jiray 481 iskaashi amniga iyo militari oo Afrika iyo Mareykanka u dhaxeeyay, halka tiradaas ay gaartay 595 sannadkii na dhaafay ee 2023.
La Dagaallanka Argagixisada iyo Soomaaliya
Meelaha sidda weyn uu ugu fashilmay dagaalka argagixisada waxaa safka hore kaga jira dalka Soomaaliya. Muddo 20 sanno ah ka badan ayay ciidanka Mareykanku howlgallo argagixisada ka dhan ah Soomaaliya ka wadaan, waxaa na kaga baxday lacag balaayiin doollar ah. Sida dhowaan lagu shaaciyay warbixinta Cost of War project waxa uu mareeykanka dhisay ciidan iyo maleeshiyaad xulufo ah la ah oo Soomaali ah sida kuwa xamar banaankeeda dagan ee Danab ama ciidanka PSF ee maamulka Puntland.
Waxa uu sidoo kale Mareykanku Soomaaliya ka geystay in ka badan 280 duqeymo, iyo howlgalo beegsi bartilmaameed gaar ah. Markii uu Madaxweyne Biden xafiiska yimid Janaayo, 2021 ilaa dhammaadkii 2023, waxa ay Mareykanku Soomaaliya ka fuliyeen 31 duqeyn, kuwaas oo lagu bartimaameedsaday kooxaha Alshabaab iyo Daacish Soomaaliya.
Dadaaladaas oo dhan waxba kama tarin awooda sii kordheysa ee kooxda Alshabaab iyo kooxda Daacish sannadihii u danbeeyay soo kobceysay. Jihaadiyiinta Soomaaliya sannadihii 2002-2003 oo ahaa billowgii dagaalka argagixiso la dagaalanka, waxa ay ahaayeen kooxo yaryar oo aan dhaqaale, farsamo, iyo taageeraba heysannin. Laakiin maanta waa awood military, mid dhaqaale oo canshuuro gobolo badan ka qaadda, waxa ay na taageero ka heleen qeybo badan oo bulshada Soomaalida ka mid ah.
Dhinaca kale, waxa uu Mareykanku waddamadii uu ku duulay ka dhisay dowlado macmal ah oo awood ahaan ku tiirsan diyaaradaha drones Mareykanka, sharciyad na aan ka heysan dadkooda, hoggaan na ay ka yihiin shaqsiyaad taariikh madoow leh oo dhiigcabyo ama tuugo musuqu caado u yahay ah. Waxaa arrinkaan caddeyn ugu filan dowladda Soomaaliya ee sannad walbo safka hore kaga jirta liiska musuqa caalamka.
Kaddib 21 sano, ma la joogaa waqtigii uu Mareykanku qiran lahaa fashilkiisa la dagaalanka argagixisada ee Afrika? Ka na fikiri lahaa qorshe cusub oo uu ku wajaho siyaasaddiisa Afrika?
W/Q: Maxamed Weheliye, Geeljire Times.
- Geeljiretimes@gmail.com
Tixraac: Salon.com, AJ+, African Centre for Strategic Studies.