Category - Amniga

Calooshood-U-Shaqeystayaal Cusub: Dhagarta uu Imaaraatku Soomaaliya la Maaggan Yahay!

Geeljire Times Editorial
  • Geeljire Times Editorial

Ciidanka ay Imaaraatku maalgeliyaan Dowladda Federaalka iyo Maamullada Soomaaliya ma ka madaxbannaan yihiin qorshahan?

Warbaahinta Intelligence Online ayaa daaha ka qaaday qorshe ay dowladda Imaaraatka Carabtu ku dooneyso in ay ciidamo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah ku dhisato. Ciidankan ayaa la qorsheynayaa in la dajiyo dalalka Yeman iyo Soomaaliya.

Dowladda Imaaraatka ayaa rabta dhismaha ciidan ajaanib ah oo tiradooda u dhexeyso 3,000 ilaa 4,000 (saddex kun ilaa afar kun), oo u dhismahooda laga soo dheegay ciidanka calooshood u shaqeystayaasha dowladda Faransiiska ee loo yaqaan "Légion Ètrangère Française.” Intelligence Online ayaa heshay xayeysiinno iyo tashkiilin ay sameynayeen saraakiil hore uga mid ahaa ciidanka gaarka ah ee Faransiiska kuwaas oo hadda la shaqeysta Dowladda Imaaraadka.

Ciidanka Calooshood u shaqeystayaasha Faransiiska ee Légion Ètrangère Française.

Ujeedka laga leeyahay waa in la helo rag dhallinyaro ah, tababarro fiican soo maray, ama ciidanimo u diyaarsan oo la askareeyo, kaddib na wadamada uu Imaaraatku qaska ka wado sida Yeman iyo Soomaaliya saldhigyo looga sameeyo si danaha dowladda Imaaraatka loogu fuliyo. Qorista ciidanka ayaa la qorsheynayaa in ay billaabato bilaha Meey iyo Juun ee sannadkan.

Bishii la soo dhaafay ayay kooxda Alshabaab saraakiil Imaaraat ah ku dileen weerar ka dhacay xerada Jeneraal Gordan ee Muqdisho. La ma oga in ay saraakiishaas qeyb ka ahaayeen qorshaha ciidankan, iyo sida uu weerarkaas u saameyn karo qorshaha dowladda Imaaraatka maaggan tahay.

Sidoo kale, waxa aan caddeyn oon xog fiican laga heyn isku-milanka suurtagalka ah ee ciidanka kumannaanka ah ee la sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya loo tababaray ee ay Imaaraatku maalgeliyeen, iyo calooshood u shaqeystayaasha ay isla Imaaraatku Soomaaliya la imaan rabaan. Dhab ahaan ciidanka Imaaraatku maalgeliyo Dowladda Soomaaliya ma leedahay?