Category - Amniga

Qiimaha Dagaalka: Israa'iil Qaza Caano Ka Ma Dhamin

Maxamed Weheliye
  • Maxamed Weheliye

Khasaaraha ciidan iyo midka dhaqaale ee Israa’iil ka soo gaaray dagaalka Qaza.

Aroornimadii Oktoobar 7, 2023, markii dagaalyahannada kooxda Xamaas iyo ururada kale ee gobanimadoonka Falastiin ay weerarka ku ekeeyeen xeryaha ciidanka Israa’iil iyo xuduudda ay jiidda Gaza la wadaagto dhulka ay Israa’iil heysato, waxaa billowday dagaal aan la isku aabayeelin. Militariga Israa’iil guulo ayay ka gaareen dagaalka oo Qaza inteeda badan waa ay qabsadeen. Madax badan oo Xamaas ahna waxa ay ku laayeen gudaha Qaza iyo dalalka dariska ah sida Lubnaan oo ay ku khaarijiyeen Saalax Al-Caruuri oo ka mid ahaa madaxda Sare ee Xamaas.

Sidii caadada aheyd ciidanka Israa’iil waxa ay beegsadeen shacabka Qaza, waxa ayna barakiciyeen malaayiin dad ah. Dhammaan hay'adaha xaquuqul insaanka iyo dalal badan ayaa ku dhawaaqay in uu Qaza ka socdo xasuuq bahalnimo ah. Sidaas oo ay tahay Israa’iil caleemo qoyan iyo ubaxyo lagu ma soo dhoweyn, waxa ay Qaza kala kulantay iska caabbin dheer oo miciyo afeysan leh. Waxaa meesha ka baxday in ciidanka iyo sirdoonka Israa’iil yihiin kuwo wax walba awooda. Dagaal magaalo oo xanuun badan ayay Israa’iil kala kulantay Qaza. Xamaas ayaa sidoo kale dunida tustay in ay tahay koox abaabulan, adkeeysi badan, qibrad military oo sare leh, una jilibdhigi karta ciidanka yahuuda.

Khasaaraha Militari ee dagaalka Qaza:

Sidii la filayay dagaalka Qaza ma noqon wax maalmo kooban qaata oo Xamaas lagu soo afjaro, Israa’iil waxaa laga dhaariyay guul degdeg ah oo ay ku riyoonayeen billowgii dagaalka. Dagaalka Qaza waxa uu durba taariikhda ku galay in uu yahay dagaalkii ugu waqtiga dheeraa ee Israa’iil gasho intii ay jirtay. Ka hor aroornimadii Oktoobar 7, 2023 dagaalladii ugu dheeraa ee ay Israa’iil gasho waxa ay ahaayeen:

  • Dagaalkii Lubnaan iyo Israa’iil 2006: waxa uu socday 34 maalin.
  • Operation Cast Lea Qaza 2009: waxa uu socday 22 maalin.
  • Operation Protective Edge Qaza 2014: waxa uu socday 50 maalin.
  • Xataa Dagaalkii Yuumi Kibuur 1973: waxa uu socday 3 isbuuc.
  • Halka dagaalka 7da Oktoobar uu hadda maraayo 146 maalin.

Marka laga soo tago in uu yahay dagaalkii ugu waqtiga dheeraa ee ay Israa’iil la kulanto intii ay jirtay, ciidanka Israa’iil waxa ay diiwaanka gashteen dhimasho faro badan. Janaayo 23, 2024 waxa ay kooxda Xamaas dileen 24 askari oo ciidanka Israa’iil ah taas oo noqotay dhimashadii ugu badneyd ee maalin qura ciidanka Israa’iil gaarta. Sidoo kale, maalintii Oktoobar 07, 2023 ayaa taariikhda ku gashay maalintii la dilay bulshada ugu badan ee yahuud ah kaddib Dagaalkii Labaad ee Adduunka.

Israa’iil waa dal 9 Milyan oo dad ah ku nool yihiin, ciidankiisa joogtada ah waxa uu ku dhow yahay 180kun oo askari. Laakiin marka lagu daro ciidanka keydka tiradaas 1 milyan ayay ku dhowaaneysaa. Sida caadiga ah ciidanka keydka waa ciidan caawiya ciidamada joogtada ah xilliga dagaalka, mana badno in ay toos ugu lugyeeshaan dagaallada. Laakiin ciidanka keydka Israa’iil waxa ay safka hore ka yihiin dagaallada ay Israa’iil ururada iyo dalalka dariska la ah la gasho. Ruux walba oo rag ah oo Israa’iil u dhashay waxa uu ciidannimo maraa 3 sano oo tababar ah, halka dumarka ay qasab ku tahay in ay tabarka ciidanka maraan 2 sano. Celcelis ahaan 20 sano ayuu ruux walba oo israa’iili ah ku jiraa shaqada ciidanka dalkaas (tababar iyo shaqaba).

Tirada ciidanka keydka Israa'iil ayaa aad uga badan tirada ciidanka joogtada ah marka la barbardhigo dalalka kale ee caalamka.

Dagaallada waqtiga yar ah aad ayay ciidanka keydka u caawiyaan Israa’iil, laakiin marka dagaalku daba-dheeraado, sida kan hadda socdo, waxaa soo baxda dhinaca silloon ee ciidanka keydka. Maadaama ay yihiin dad bulshada ka yimid oo shaqooyin shacab ah hore u hayay ma dhici karto in boosaskoodii la buuxiyo si gaar ah ardayda, ingineerada, dhaqaatiirta iyo shaqaalaha shirkadaha teknooloojiyadda. Jaamacadaha Israa’iil ayaa durba qalqal jadwal sannadeedka waxbarashada ah galay, maadaama arday badan ciidanka looga wacay. Dhinaca kale, shirkadaha teknoloojiyadda ayaa ayaguna dareemay abaabulka ciidanka keydka dalkaas. Dowladda Israa’iil oo ka cabsi qabta dhibaatada kaga iman karta arrinkaas ayaa durba yareysay ciidanka keydka ee Qaza joogay. Sidoo kale, dhaqaale waalli ah ayaa ku baxaya abaabulka ciidanka keydka.

Khasaaraha Dhaqaalaha iyo Dagaalka Qaza:

Sax iyo qalad, lamahuraan iyo mid laga baaqsan karo, weerar iyo difaac, meesha uu doono dunida ha ka dhaco e, dagaalku waxa uu wadaagaa in uu yahay wax "qaali ah" oo qiime sare ku kacaya. Waxaa ku baxda lacag faro badan, naf, qalab iyo tamar. Israa’iil dagaalka ay Qaza ku qaadday durba saameyntiisa dhaqaale waa soo muuqatay. Sida ay shaacisay wasaaradda dhaqaalaha Israa’iil rubucii ugu dambeeyay ee sannadkii 2023 waxa ay Israa’iil lumisay 19% waxsoosaarkeeda gudaha marka la barbardhigo rubucii ugu dambeeyay sannadkii ka horreeyay ee 2022.

Maanta waxaa dunida ka jira dalal dhoofiya kheyraadkooda dabiiciga ah sida Ruushka ama Koongo, iyo awood warshado leh sida Jarmalka ama Shiinaha, laakiin Israa’iil labadaas midna ma ahan waa dal leh awood farsamo, shirkadaha teknoloojiyadda Israa’iil waxa ay ka badan yihiin kuwa dhammaan dalalka kale ee Bariga Dhexe oo la isku daray. Mareykanka kaddib Israa’iil waa awoodda ugu weyn ee barnaamijyada software-ka soo saarta. Waxsoosaarka gudaha ee Israa’iil (GPD) waxa uu 20% ku tiirsan yahay teknoloojiyad, waa na suuq dhaqaale oo ay shaqaalaha ka shaqeeya aad ugu hodmeen maadaama mushaarkooda sannadlaha ah yahay 60 kun oo doollar qofkiiba. Awoodda dhaqaale ee Israa’iil waxa ay aad ugu xiran tahay suuqa teknoloojiyadda.

Sida caadiga ah, si aad u noqoto awood teknoloojiyadeed, waxa aad u baahan tahay saddex walxaato oo kale ah: (1 ) maalgashi dhaqaale; (2) saaxiibbo caalami ah; iyo (3) soojiidashada shaqaale farsamo yaqaanno ah oo hibo iyo aqoon leh. Marka uu dagaal billowdo ee madaafiic la isku rido ruux na lacagtiisa gashan maayo meel uusan nabaddeeda hubin. Sidoo kale, saaxiibbada caalamiga ah isku howli maayaan meel RPG-ga Xamaas ee Al-Yaasiin iyo daryanka rasaasta laga maqlayo. Waxaa na ka sii daran in ruuxa aqoon, khibrad iyo hibo leh aysan soo jiidan karin meel ay xabbad ka socoto. Madaxa hal-abuurka Israa’iil Dror Bin ayaa durba ku dhawaaqay in uu hoos u dhac ku yimid dadka maalgashanayo shirkadaha teknoloojiyadda Israa’iil.

Dhinacyada dhaqaalaha ee uu dagaalka Qaza Israa’iil ka sameeyay kuma eka kaliya dhaqaalaha teknoloojiyadda, waxaa sidoo kale khalkhal laga dareemayaa suuqa dhismaha. Kumannaan falastiiniyiin ah oo ka shaqeyn jiray shirkadaha dhismaha Israa’iil ayaa loo diiday in ay dalkaas galaan. Waxaa na Israa’iil heysata shaqaale la'aan hoos u dhigtay dhismaha dalkaas ka socday. Dhinaca kale, sida ay shaacisay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Israa’iil, shan meelood hal meel shaqaalaha dalkaas ayaa shaqadiisa uga maqan arrimo la xariira dagaalka Qaza. Si loo maareeyo sicir-bararka, dagaalka Qaza, iyo dhaqaale burburka ay Israa’iil dagaalka kala kulantay, golaha dagaalka ee uu Netanyahu dhisay waxa ay durbo kor u qaadeen canshuuraha dalkaas.

  • Tixraac: Visualpolitik, Visualeconomik, iyo The Times of Israel.

W/Q: Maxamed Weheliye, Geeljire Times.

  • Geeljiretimes@gmail.com