Category - Amniga

Dab iyo Dhagax: Dowladda Ruushka iyo Kooxaha Jihaadiyiinta

Geeljire Times Editorial
  • Geeljire Times Editorial

Madaxweyne Putin iyo Ramzan Kadyrov, hoggaamiyaha jamhuuriyadda muslimka ah ee Jeejniya.

Wixii ka dambeeyay dagaalkii Afqaanistaan iyo dhicitaankii Midowgii Soofiyeeti, Dowladda Ruushku waxa ay martigelisay weerarro xanuun badan oo kaga yimid kooxaha jihaadiyiinta ah. Sababaha keenaya in ay kooxahan Ruushka si joogto ah u weeraraan ayaa dhowr sababood laga xusi karaa:

(1) Ruushka waxaa ku nool dad muslimiin ah oo bulshada dalkaas ka ah 15%, sannadka 2030 waxaa la oddorosayaa in ay muslimiinta Ruushku gaaraan 20%.

(2) Dadka muslimiinta ah ee Ruushka ku nool intooda badan waxa ay deggan yihiin 5ta gobol oo kala ah Degestan, Ingushetia, Chechniya, Kabardino-Balkarka, iyo Karachay-Cherkessia.

Gobollada Muslimiinta Ruushka waa kuwa ugu saboolsan dalkaas.

(3) Shanta gobol waxa ay safka hore kaga jiraan 10 gobol ee Ruushka ugu saboolsan. Shaqo la'aan, cunsuriyad, iyo gacan bidxeyn dowlada kaga timid ayey na tirsanaayaan.

(4) Imaaraada Qowqaas: kooxda Daacish waxa ay aad u dhexgashay bulshada muslimiinta Ruushka, waxa ay na wilaayo kooxda wilaayooyinkeeda ka mid ah uga dhawaaqday Qowqaas, imaaradaas oo rabta in ay ka taliso Degestan ilaa Bada Azov. Kooxda Daacish luuqadda 3aad ee ugu badan ee ay muuqaallo ku soo saarto waa afka Ruushka, waxa kaliya ka horreeya afafka Carabiga iyo Ingiriiska.

(5) Qaxootiga Eeshiyada Dhexe: Ruushka waxaa jooga dad badan qaxooti ah oo Eeshiyada Dhexe ka yimid, dadkaas waxa ay badankood qabtaan shaqooyinka hoose ee dadka Raashiyaanka ah ka dallaceen, waxa ayna bulshada dalkaas kala kulmaan cunsuriyad, shaqo la'aan, waxaa na sii dheer in kooxda Daacish aad u qoroto dadka ka soo jeedo dalalka Eeshiyada Dhexe.

Marka laga yimaado weerarkii dhowaan Moosko ka dhacay, Ruushka kuma cusba weerarrada noocaan ah. Weerarradii ugu caansanaa ee ay Ruushka ka geysteen kooxaha jihaadiyiinta waxa ka mid ah:

Weerarkii Dubrovka Theater (2002):

Weerarkaan waxaa geystay koox 40 ilaa 50 nin lagu sheegay oo Jeejniyaan ah, waxa ayna weerareen meel tiyaatar ah. Waxa ay afduubteen ku dhowaad 900 oo qof, waxaa na weerarkaas lagu dilay 132 oo ruux, dhaawacu na waxa uu gaaray 700 oo qof muddo 4 maalmood ah oo uu weerarku socday. Dubrovka Theater waxa uu qasriga Kremlin ee dal weynaha Ruushka looga taliyo u jiraa kaliya 4km.

Beslan school (2004):

Xasuuqii Beslan School ayaa sidoo kale ka mid ah dhacdooyinka ugu caansan weerarrada ay Ruushka ka geysteen kooxaha jihaadiyiinta ah. Sibteembar 01, 2004 ayuu dhacay weerarka Dugsiga Beslan. Koox Jeejniyaan ah ayaa weerartay dugsi, waxa ay na afduubteen 777 ruux oo arday iyo macalimiin ahaa. Waxaa ku dhintay weerarkaas 334 oo ruux, 186 waxa ay ahaayeen carruurtii dugsiga wax ka baraneysay. Afar maalin ayay qaadatay in weerarkaas la soo afjaro.

Sawir Xasuuseedk Xasuuqii Beslan School 2004.

Weerarkii Tareenka St Petersburg (2017):

Weerarkan oo lagu qaaday tareennada dhulka hoostiisa mara ee magaalada St Petersburg sannadkii 2017, waxaa na ku dhimatay 15 oo ruux.

Sannadiihii dambe Madaxweyne Putin waxa uu caalamka la wadaagay in uu kooxahaan gacan bir ah uu ku qabtay, isbeddello waaweyn na sameeyay oo ay dadka muslimiinta ah dowladnimada Ruushka aad uga qeyb noqdeen, laakiin weerarkii dhawaa ee Moosko ayaa arrintaas beeninaya.