Category - Amniga

Diyaaradaha Daroonka: Boqorka Cusub ee Furimaha Dagaalka

Maxamed Weheliye
  • Maxamed Weheliye

Daroonta DJI Mavic3 oo ay shirkadda Shiinuhu farsameyso.

Halista iyo fursadaha isticmaalka ciidan ee diyaaradaha daroonta shacabka.

Isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Daroonka ma ahan wax bini aadamka ku cusub, 100-kii sanno ee u dambeysay ayuu jiray isticmaalka diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, balse waxa uu ku koobnaa ujeedooyin militari oo ayaguna ku sii koobnaa sahan iyo xog arurin. Dagaalkii Koobaad ee Adduunka kaddib ayaa la billaabay soo saarista daroonka ciidanka, waxaa na aad loo isticmaalay Dagaalkii Labaad ee Adduunka ayaga oo markaas ahaa mid yar, cusub, aad aan u horumarsaneyn oo loo isticmaali jiray raadinta, iyo sawiridda dhufeesyada ciidanka.

Daroonnada aan maanta ka hadleyno ma ahan tan ciidanka ee badanaa dadku yaqaannaan ama maqal ka heystaan, balse waa midda ganacsiga ee dadka caadiga ah isticmaalaan, dukaannada na lagu iibiyo oo qof walba heli karo.

Horumarka teknoloojiyadda iyo aqoonta seyniska ee aadanahu gaaray ayaa horseeday in farsamada daroonku sii horumarto, shaqooyin badan na aadanaha u qabato waliba si ka wanaagsan gacanta bini aadamka ama qalabkii ayada ka horreeyay ee la isticmaali jiray. Maanta waxaa daroonnada loo isticmaalaa ujeeddooyin badan oo kala duwan sidda: in beeraha cayayaanka looga buufiyo; sawirro joog sare ah in lagu qaado; iyo in alaabo si fudud meelo dadka iyo gaadiidka kale ku adag lagu gaarsiiyo.

Sidda qalab iyo alaabo badan oo markii hore aadanaha u soo saaray ujeeddooyin nabadeed kaddib na noqday agab wax gumaada sida kiimikooyinka beeraha, daroonka ayaa soddonkii sano ee u danbeysay dadka qaar u ahaa qalab raqiis ah oo wax lagu dili karo.

Abriil, 1995 ayay aheyd markii ugu horreysay ee koox xagjir Budhiiste reer Jabbaan ah oo lagu magacaabo Aum Shinrikyō ku fikirtay in ay daroonnada ganacsiga ee rayidka u isticmaalaan weerarro ay ka fuliyaan dalka Jabbaan gaar ahaan caasimadda Tookiyo. Yoolkooda ayaa ahaa in ay kiimikooyin sun ah daroon ku qaadaan kaddib na hawada Tookiyo ku seyraan si ay dad badan ugu sumoobaan oo ugu la’daan. Waxaa fikirka iyo soojeedinta lahaa hoggaankii kooxdaas oo lagu magacaabi jiray Shōkō Asahara oo 2018 xabsiga ku dhintay. Aqoon yari, farsamo xumo, iyo daroonnada shacabka oo waagaas cusbeyd awgeed Shōkō Asahara yoolkiisii ma gaarin, balse waxa uu ahaa mid kaliya u baahan horumarin iyo farsamo.

Shōkō Asahara: hoggaamiyihii kooxda xagjirka Buudhiistaha ee Aum Shinrikyō.

Aragtidii Asahara waxaa qaatay kooxda Al-Qaacidda oo 2001 isku dayday in ay diyaarad daroon ah oo lagu xiray qarax Improvised Explosive Device (IED) ah lagu dilo madaxweynihii Mareykanka ee waqtigaas George W. Bush, raysalwasaarihii IngiriiskaTony Blair, iyo madaxweynihii faransiiska Jacques Chirac oo magaalada oo magaalada Genao ee dalka Talyaaniga uga qeyb galayay shirkii 28aad ee wadamada G8-ka.Mar kale iskudaygaas ma guuleysan. Mar kale, 2002 ayey Al-Qaacidda iskudayday in ay daroon ku weerarto dhismaha barlamaanka Ingiriiska, kaas na waa guuleysan waayay. Marnaba ma istaagin baahida ay kooxaha dagaallamo u qabaan isticmaalka daroonka si ay awoodda cirka u la wadaagaan dowladaha oo markii kooxaha is farasaaraan dagaalka cirka kali ku noqda.

Sannadkii 2015, nin reer Jabbaan ah oo bedqabka deggaanka u ololeeya ayaa ka xanaaqay go'aan dowladdiisa Jabbaan qaadatay oo ku aaddanaa in dib loo furo xarumo nuclear, kaddib na waxa uu soo iibsaday daroon waxa uu na ku xiray sunta nukleerka (nuclear radioactive elements) waxa uu na ku qaaday daroon, kaddib na waxa uu dhigay saqafka xafiiska raysalwasaaraha dalkaas, labo isbuuc kaddib ayay ciidanka amniga xafiiska Reysulwasaaraha Jabbaan ka warheleen, nasiib wanaag suntaas cidna waxba kuma noqon.

Diseembar 19-29, 2018 waxaa dhacday arrin yaab leh kaddib markii daroonno faro badan hal mar lagu sii daayay hawada garoonka caalamiga ah ee Gatwick Airport ee magaalada London, kuwaas oo baajiyay in ka badan 1,000 duullimaad. Booliiska Ingiriiska ayaa soo xiray n in iyo xaaskiis oo ku noolaa meel garoonka u dhow, waa na la sii daayay kaddib markii caddeymo lagu waayay. Ilaa hadda wax natiijo lagu qanci karo ah kiiskaas kama soo bixin. Qaar ka mid ah saxaafada Boqortooyada Ingiriiska ayaa qortay in uu jiro shaki ah in sirdoonka Ruushka arrinkaas ka dambeeyeen.

Agoosto 5, 2018 mar uu madaxweynaha Venezuela ka hadlayay fagaare lagu xusayay 81 sano guuradii ciidanka dalkaas ayaa waxaa hawada soo gashay diyaarad yar oo daroonta sawirada ah oo waxyaabaha qarxa ku xiran yihiin, nasiib wanaag hoggaamiyaha shuuciga ah ee Venezuela Nicolas Muduro waa uu ka badbaaday, waxa uu na weerarkaas ku eedeeyay dalka Kolombiya si gaar ah madaxweynihii Colombia ee xilligaas Juan Manuel Santos iyo sirdoonka Mareeykanka.

Madaxweynaha Venezuela Nicolas Muduro oo weerar daroon qarax lagu soo xiray ka badnaaday, 2018.

Sannadkii 2015, kooxda Daacish ayaa ayagu na ku soo biiray isticmaalka daroonnada, markaas oo ay kooxdu daroonnada u isticmaashay arrimo la xariiro sirdoonka iyo xog arurinta, iyo sidoo kale duubista dagaallada. Daroonnadu waxa ay shiishyahanada Daacish ka caawin jireen sawiridda yoolka ah, iyo hagista ragga is qarxinaya. Daacish sidoo kale sannadkii 2016 ayay weerar daroonno loo adeegsaday ku weerartay xero ay degganaayeen ciidanka Kurdida iyo ciidamo Faransiis ah.

Kooxda Fatax Al Islaam ee reer Falastiin ayaa ayaguna daroonno ku weeraray xeryaha ciidanka Israa’iil. Xamaas ayaa sidoo kale ku soo biirtay isticmaalka daroonnada ayaga oo goor hore billaabay horumarinta, dib u farsameynta iyo ku dagaallanka daroonnada shacabka. Weerarkii Duufaanta Al-Aqsa ee 7da Oktoobar ee ay Xamaas Israa’iil ku qaadday, waxa ay kooxda Xamaas si weyn u isticmaashay daroonta shacabka oo lagu xiray qaraxyo kaddib na daqiiqadihii koobaad ee weerarka ayay qeyb libaax ka qaadatay.

Daroonnadaas yaryar ee raqiiska ah, si gaar ah FPV (First Person View) iyo DJI (Shiineys) ka gudbeen difaacii ciidanka Bariga Dhaxe ugu awoodda badnaa, ayaga oo daqiiqadihii hore ee dagaalkaba burburiyay taawarradii ilaalada ciidanka Israa’iil ka ilaalin jireen xeryahii maalintaas la weeraray, taas oo sahashay in ciidanka Xamaas si fudud waqti kooban ugu daataan xeryaha Ciidanka Difaaca Israa'iil.

Kaalinta Daroonta iyo Dagaalka Yukreyn

.

Cidda sidda weyn daroonnada shacabka uga dhigtay kuwa dagaal waa Ciidanka Yukreyn iyo Ruushka. Kaddib weerarkii uu Ruushku ku qaaday Kareemiya 2014, maleeshiyaad reer Yukreyn ah iyo maleeshiyaad kale oo Ruush ah ayaa billaabay in ay isu adeegsadaan daroonnada yaryar ee wax lagu duubo, ayagga oo ku xiraayo bambooyin iyo gantaalo.

Tusaale ahaan, daroonnada DJI Mavic3 oo ah kuwo raqiis ah oo cid walbo iibsan karto oo lagu qaado sawirrada ayaa lagu xiray bombada mareykanka soo saaro ee lagu magacaabo M430A1 HEDP. Sidaas oo kale waxaa daroonnada DJI lagu xiraa rasaasta RPG-ga iyo qaraxyo kale aad loo farsameeyay.

Daroonnadaan ayaa baddalay guud ahaan dhaqankii iyo isla-egtii dagaalka. Shimbiraha yaryar ee hawada furimaha dagaalka ku soo biiray ayaa qasbay in Taangiyadii dib loo farsameeyo oo nidaam difaac oo daroonnada ka ilaaliya iyo shabaq bir ah lagu gaashaamo, arrintaas oo dowladaha lacag badan ugu kaceyso. Waraf iyo Shimbiro war isuma hayaan!

Sababta Yukreyn iyo Ruushku aadka ugu isticmaaleen daroonnada bulshada waa in billlowgii dagaalka aysan ciidanka Yukreyn heysan awood iyo dhaqaale kuwa Ruushka u dhigma oo ay kala hortagaan, waxa ay na maciin bideen daroonnadii beeraha lagu waraabinayay ama lagu buufinaayay iyo kuwii sawirrada lagu qaadayay. Sidoo kale Ruushka ayaa ayagu na si Qeyrul caadi ah u isticmaalay daroonnada yaryar.

Sababaha loo isticmaalo Daroonnada shacabka ee yaryar:

● Qiimahooda oo raqiis ah marka la barbar dhigo daroonnada kale ee ciidanka oo tan ugu yar tahay $20kun, halka daroonnada shacabka lagu iibsan karo lacag 50 ilaa 100 jeer ka yar, kaddib na lagala hortagi karo taangiyo malaayiin doollar ah iyo madaafiic wax gumaada oo lagu soo tacbay.

● In si fudud lagu heli karo waliba ciddii doonto iibsan karto.

● In farsamadooda wax laga beddali karo oo qolo walba baahideeda iyo howsha ay ku fulineyso ku jimeyn karto.

● In haddii la soo rido ama ay yoolka gefto aaney hanti badan ku khasaareynin.

● In lambar badan la heli karo si loo wareeriyo raadeerrada, signaallada, iyo aaladaha diyaaradaha qabto.

● Meesha laga soo diray, cidda soo dirtay, iyo jihada ay ka timid ba cidna ma ogaan karto oo xog laga tixraaco laga heli maayo.

Shirkada DJI oo dalka Shiinaha laga leeyahay ayaa boqolkiiba 70% daroonnada rayidka ee adduunka dhan laga isticmaalo soo saarta. Sannadkii 2022 ayay DJI joojisay in ay Ruushka ka iibiso daroonnada balse shirkado yaryar oo reerguri ah ayaa billaabay in Ruushka u soo saaraan daroonnada dagaalka.

Daroonnada iyo Kooxaha aan dowliga aheyn ee dagaallamo:

.

Kooxda Daacish (ISIS) oo hore u adeegsatay, Xamaas, Islamic Jahaad, Fatax iyo kooxaha kale ee reer Falastiin oo ayaggu na wada isticmaalo, waxaa wehliyo kooxaha Shiicada ee Bariga Dhexe ka dagaallamo sida kuwa Ciraaq iyo Suuriya ka dagaallamo oo aad u isticmaalo. Weliba kooxaha Shiicada ee Dowladda Eeraan ku daaban waxa ay adeegsadaan daroonno horumarsan oo military sida Shahed-130. Sidoo kale, daroonnada waxaa aad u isticmaalo oo wasaarado u sameystay Kooxda Ansaarullaah ee Xuutiyiinta Yeman, iyo kooxda Xisbullaah ee reer Lubnaan.

Qaaradda Afrika iyo Isticmaalka Daroonnada:

.

Bishii Febraayo ee sannadkan 2024, kooxda M23 ee dalka Koongo ka dagaallanta ayaa 2 jeer ciidanka dalkaas iyo ciidamo Ruush ah oo dalkaas ku sugan xerooyinkooda daroonno ay bambooyin ku xireen ku weerartay. Madaama farsamo ahaan, dhaqaale ahaan iyo teknooloji ahaanba ay Afrika adduunka kale ka dambeyso ma badna in daroonnada shacabka la isku weeraro, laakiin daroonnada iyo hubkiiba waa yaallaan qaaradda, sidaas darteed na kooxdii isku taxallujisa oo aqoonta iyo farsamada daroonnada horumariso waa ay adeegsan kartaa waxyeello na waa ku geysan kartaa.

Soomaalida iyo Isticmaalka Daroonta:

.

Soomaalida adeegsiga daroonnada iyo dagaallada cirkuba kuma badna marka la barbardhigo dalalka ay isku xaallada yihiin ee ay dagaallada dabadheeraaday ka jiraan sida Ciraaq, Suuriya, Falastiin, iyo Yemen. Ciidanka Mareykanka kaliya ayaa awal Soomaaliya ugu isticmaali jiray si ay ugu ugaarsadaan madaxda iyo maleeshiyaadka kooxda Alshabaab, dhowaan na waxaa ku soo biiray dowladda Turkiga oo daroonno Militari dowlada Soomaaliya ku caawisa.

Si kastaba ha ahaatee, taas kama dhigna in adeegsiga daroonnada iyo farsamadoodu ay kooto ugu xiran tahay dowladda Soomaaliya. Sannadkii 2020 ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa soo riday diyaarad daroon nooca wax duuba ee DJI Mavic3 ah oo ay kaamiro fiican ku xiran tahay. Daroontan ayaa la arkay ayada oo hawada ka duubeysa kolonyo ciidanka dowladda ah oo marayay meel u dhow degmada Luuq ee gobolka Gedo. kooxda Alshabaab ayaa u adeegsatay in ay ciidanka dowladda ku basaasaan. Marka la is barbardhigo daroonta DJI Mevic3 oo ay Alshabaab isticmaaleen iyo isla noocaas oo ay dowladda Ruushku adeegsatay waxaa muuqanaya in ay isku mid yihiin balse ay Ruushku farsamo yar un ku kordhiyeen.

DJI Mavic3 oo ay Alshabaab iyo Ruushku ujeeddo ciidan u adeegsadeen.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa 2021 asna daroonno ka soo iibsaday dalka Kanada. Ciidanka NISA ayaa garoonka Xamar ku qabtay rag Turki ahaa oo isku rakibi lahaa daroonnada qalabkii na la wareegay. Daroonnada uu Xildhibaanku la soo degay ayaa ahaa nooca loo yaqaan Agridrone oo beeraha cayayaanka looga buufiyo, Xildhibaanka ayaa na sheegay in uu beero Ayax ugu buufin rabay. Waa run in daroonnada noocaas ah loo adeegsado buufinta cayayaanka beeraha, balse nasiibdaro hal taako ayay u jiraan in loo rogo kuwa ciidan oo waliba tayo sare leh, wax na lagu gumaado.

Sannadkii 2023, Hay’adda NISA ayaa dekadda Muqdisho ku qabtay konteenar u rarnaa kooxda shabaab sida la sheegay, qalabkii laga helay waxaa ka mid ahaa garbaha iyo afka daroonta. Dowladda Soomaaliya ma faafin sawirro badan, faahfaahin badana kama bixin. Sidoo kale, waxaa xusid mudan sannadkii 2020 weerarkii kooxda Alshabaab ku qaaday xerada Manda Bay ee Ciidanka Mareykanku ku leeyihiin dalka Kenya ay kooxdu daroonno u adeegsatay sahanka iyo xog-ururinta intii ay weerarka qorsheynayeen, sidoo kale ay muuqaallo hawada sare ah ka duubaan intii uu weerarku socday. Labadii sano ee u danbeeyay na marar badan ayaa la soo wariyay kooxda Alshabaab oo daroonta wax duubta sahan iyo xog ururin u adeegsanaya furimaha dagaalka.

Arrimahaas oo dhan waxa ay na tusinaayaan in kooxda Alshabaab ku foogan tahay horumarinta farsamada iyo isticmaalka daroonnada. Marka la fiiriyo sida degdegga ah ee ay hadda dunida ugu faafayaan na waqti yar un naga xigo goortii ay kooxdu weerarro daroonno loo adeegsado fulin laheyd. Madaama xilligii Madaxweyne Farmaajo ay dowladdu qabatay daroonnadii Xildhibaan Zakariye Xaaji, waqtigan Xasan Sheekh na konteenarkii dekadda lagu qabtay qalab daroon laga helay, waxaa muuqata in Hay’adaha Amniga DFS ay ku baraarugsan yihiin halista ka imaan karta daroonnada ganacsiga.

Bishii Febraayo ee sannadkan na Maamulka Puntland ayaa mamnuucay in daroonnada lagu sawiro garoonnada diyaaradaha kaddib markii uu faafay sawir joogsare laga qaaday garoonka diyaaraha Garoowe xilli uu ay diyaarad ka kaceysay garoonka Janeraal Maxamed Abshir ee caasimadda maamulka Puntland ee Garoowe. Arrintaas ayaa na lagu tilmaamay tallaabo fiican oo dhanka wanaagsan loo qaaday.

Halista daroonnada maanta dunida oo dhan ayaa wajaheysa, waxaa na aad suuragal u ah in sannadaha soo socda la maqli doono madax iyo dad muhiim ah oo lagu khaarijiyay daroonno, garoomo diyaaradeed oo cabsi daroonta laga qabo loo xiray, iyo dhibaatooyin kale oo ay diyaaradaha daroontu geysteen.

Talo Soo Jeedin:

.

Waxaa habboon in maamullada dhulka Soomaalida ka jira ku baraarugaan halista diyaaradaha daroonnada, isla markaas na la dajiyo xeerar iyo sharciyo la xariiro isticmaalkooda iyo ka ganacsigoodana oo lagu dhaqmo. Sidoo kale in la maalgashto nidaamka la iskaga difaaco daroonnada ee C-UAS (Counter-Unmanned Aircraft System).

Qaraxyada baabuurta loo isticmaalo iyo dhagaxyada wadooyinka lagu xiro si qaraxyadaas looga hortago ayay suuragal tahay in ay suuqa ka baxaan oo xasuusta tagtada lagu illoobo, markaas na waxaa loo baahan doonaa dhagaxyadii hawada la dhigi lahaa si la isaga difaaco qaraxyada duulaya ee hawada ka soo degaya. Sidoo kale waxaa sheeko laga maantooleeyo noqon doona madaxda dalka ugu sarreysa oo furimaha dagaalka oo hawada u furan si shaacsane ah u booqda.

Isbadalka, horumarinta iyo awoodda daroonnada rayidka maalinba maalinta ka dambeysa waa ay sii xoogeysaneysaa, waxaa na macquul ah in sannadada soo socdo aad u sii horumarto. Waxaa na barbar socda horumar laga gaarayo nidaamyada la iskaga caabbiyo, labadaas ba kaliya waxaa ka faa'iidi doonta cidii ku baraarugsan oo farsamadeeda iyo aqoonteeda na baadigoobta.

W/Q: Maxamed Weheliye, Geeljire Times.

Gelljiretimes@gmail.com