Category - Dhaqaale

Gaajo-Abuur: Warshadda Soo Saarta Dadka Baahan iyo Bahallada Gaajada ka Macaasha!

Cilmi Faradheere
  • Cilmi Faradheere

"Dadku booli kuma naaxo iyo baad la tuugsadaye,

Basarxumo ka kow waa in ay cidi ku biishaahe,

Birmadkiyo dagaalkeennu waa beer ha la ogaado."

—Maxamed Gacal Xaayoow, Beer Ha La Ogaado.

Aniga oo dhowr sano dalka ka maqnaa ayaan maalin ka soo degay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Markii aan diyaaradda uga degay halka ay diyaaraduhu istaagaan, intaanan gudaha u galin dhismaha garoonka, waxa aan arkay diyaarad Helikobtar ah oo laga dajinayo masaggada madow ee dalka Mareykanka ka baxda laguna keeno jawaannada ay calanka Mareykanka iyo calaamadda USAID dusha uga masawiran yihiin. Maalintaas anoo yaabban ayaan su'aalo badan maanka iska weydiiyay. Waxaa iga yaabiyay masaggo shamuureydii aan ogaa qiimaheeda iyo waxtarkeeda oo diyaarad lagu keenay! Waxa aan is weydiiyay tolow kiish kasta qiimihiisa imisa jibbaarkeed ayuu ku kacay in Mareykanka laga soo raro oo Soomaaliya la soo gaarsiiyo? Maxuu se u tarayaa dadka intaas loo soo siday?

Isla socdaalkaas ayaan ku tagay dhulkii miyiga ahaa ee aan ku soo barbaaray, markaa na reerkeennu degganaa. Waxaa la ii sheegay berrimo aan dagi jirnay oo meel dhagax dhexdiis ah ku yaallay in daashash iyo baco laga dhisayo! Maxaa laga wadaa haddaan warsaday, waxaa la ii sheegay in loo ekeysiinayo tuulo la deggan yahay, si hay'adaha samafalka kaalmo looga helo! Oo miyaaney tuuladan dhow ee dhowrka kiilomitir u jirta tagi karin haddaan iri na, waxaa la iigu halceliyay maya, ujeedka ayaaba ah in labo tuulo kaalmada lagu qaato oo sidaas mucaawino badan lagu helayo. Xog kale oo ii korortay ayaa aheyd in abaabulka howshaas ay leeyihiin niman NGOyo madax ka ah oo ragga reer miyiga ah ee meesha duurka ah ee aaney weligood degi doonin dhisaya qaadka loo qaado si ay silsiladda musuqmaasuqa qeyb uga noqdaan. Xilligaas waxaa lagu jiray gu' barwaaqo ah, webiga iyo dhul beereedku na degaankaas waxa ay u jiraan wax ka yar 20 kiilomitir!

Waa maxay Iskufilnaasho Cunto (Food Self-Sufficiency)?

Isku-filnaasho cunto waxaa lagu qeexaa ama loo la jeedaa in ay dadka oo dhan heli karaan goor walba cunto nafaqo leh, ku filan, ammaan ah, oo ay kala dooran karaan; si ay ugu naalloodaan nolol maman oo caafimaad qabta. Waa in la gaari karo cuntada dhowaansho ahaan, dhaqaale ahaan na la iibsan karo.

Qodob walba oo qeexitaankaas ku jira waxa uu meesha ugu jiraa in uu ka digo kasoo-horjeedkiisa oo ah aafo laga baqayo haddii qodobkaas la waayo, tusaale ahaan; "Dadka oo dhan" waxaa laga digayaa in koox yar oo hantiilayaal ah iska naaxaan ayadoo dadka intiisa kale gaajo la dhuubteen. "Goor walba" waxa ay iftiimineysaa in sanada aaranka ah na caanaha la daadiyo, markii ay abaar timaado na dadku gaajo u dhintaan. Qodobkaan ayaa nolosha dadka Soomaalida si weyn u taabanaya. "Ammaan ah" na waxa ay ka foojigan tahay cudurrada cuntada ka dhasha iyo sunta kiimikeed ama baayoolooji ee cuntada raaci karta. Qodobbada kale na sidaas isu dul taag si aad ugu baraarugto ujeedka eray kasta.

Markii dal laga helo dhammaan qodobbada ku xusan qeexitaanka kore ayaa la dhihi karaa isku-filnaasho cunto ayaa uu gaaray dalkaas. Hadda na qodobbadaas ayaa kala muhiimsan; waayidda qaarkood na waa ay ka saamayn badan tahay qaar kale. Isku mid ma ahan in kala doorashada cuntadu kooban tahay iyo aafada ah in dadku cunto ku filan waayaan oo macluul u go'aan ama magaalo dhan cunto ku sumowdo

Isku-filnaasho cunto in la gaaro waxa ay kaalin lamahuraan ah kaga jirtaa jiritaanka, gobanimada, iyo madaxbannaanida dalka. Hadallada laga yiri waxaa ugu caansan oraahdii carbeed ee ahayd; "Nimaan quutkiisa hanan qaraarkiisa (go'aan) ma hanto." Waa run. Qof baahan gob ma ahan! Gaajadu waa cadow. Cid walba oo dunida guudkeeda saaran ayaa dagaal kula jirta. Dal walba waxa uu u xusulduubayaa in uu hubiyo ammaanka hunguriga dadkiisa. Qoloba meel ayay ugu joogtaa; qaar figta sare gaaray oo ku dedaalaya in aaney kasoo dhicin, qeyb wax u meeleysan yihiin oo inta kale la harjadeysa, iyo duulal isdhiibay oo aqoondarro iyo aqooldarro gayeysiiyeen in ay gacmaha hoorsadaan. In aad xaqiijiso ammaanka jidiinka dadkaaga waa yoolka ugu muhiimsan ee la hiigsan karo.

Sidee Gaajada loo Abuuraa?

Gaajada waa la abuuraa. Waxaana dadka gaajo loogu abuuri karaa si la mid ah sida Shaqo-abuurka loogu sameeyo. Waxaa jira siyaasado gana badan oo sida warshadaha u soo saara dad wada baahan oo gacmahoorsiga isku dila. Gaajada laguma abuuro kaliya Cunaqabateyn toos ah oo dadka waxsoosaarkooda iyo baayacmushtarkooda lagu ragaadiyo, waxaa ka howlyar kana hoog-abuur badan tabaha kale ee sida nabdoon loo adeegsado, laguna tacabkhasaariyo dadyowga nugul ee dunida. Sida tacabka beeraha cuntadu ka soo go'do ugu baahan yihiin geedqaad, aslaaxin, abuurid, falid, dhowrid, iyo ka warheyn badan, ayay beerta gaajadu ka soo go'daana ugu baahan tahay shaqo joogto ah markii la abuuro kaddib, si ay u soo saarto karoorro dad baahan ah.

Casharradii Aafada COVID-19 iyo Dagaalka Yukreyn:

Billowgii sannadkii 2020 markii uu dunida ku faafay cudurka COVID-19 waxaa si weyn loo dareemay halis soo foodsaartay waxsoosaarka iyo isusocodka ganacsiga dunida, taas oo ka dhigneyd in haddii isusocodku istaago dad badan oo dunida ku nooli gaajo u dhiman doonaan, si gaar ah waxaa halis weyn daaqayay dadka dowladaha nugul ee aan laheyn keyd cunto iyo waxsoosaar ku filan toona. Mar kale sannadkan billowgiisii Ruushka ayaa duullaan ku qaaday dalka Yukreyn. Colaadda ayaa u dhexeysay laba waddan oo ka mid ah dalalka Qamadiga ugu badan dunida soo saara ee dhoofiya. Kuleylka baaruudda dagaalka Yukreyn isla markiiba waxaa laga dareemay hunguriga dad badan oo daafaha caalamka ku nool. Soomaalidu waxa ay figta sare ka joogtaa dadka aaney nabadda hungurigoodu sugneyn ee haddii cuntada siyaabaha kala duwan loogu soo daabbulo muddo yar istaagto baahi u go'aya.

Tacab-Khasaar!

Marka aad dhab u ogaato halista weyn ee dadkeennu ku sugan yihiin, isla markiiba waxaa maankaaga ku soo degdegaya maan beeraha tacbanno si aan ugu yaraan halistaas u yareyno? Weydiintaas warcelinteedu meel dheer ma jirto, faham ayay se u baahan tahay.

Qof walba oo naga mid ah dantiisa ayuu jiraa oo ilaashadaa, mana ahan wax ceeb, gaabis, iyo garasho xumo ah. Haddaba, qofku waxa uu isku howlaa oo maskax, muruq, iyo maalba geliyaa wixii uu ka macaashayo ee naftiisa wax uga soo noqonayaan. Sababta aan waxba loo tacban karin waa Tacab-khasaarka ka dhalanaya xaaladda dalka ee suuqyadeennii ka dhigtay goob wax walba u furan oon xeer iyo xeelad beeraleyda difaacaya dalka ka jirin si waxsoosaarka loo dhiirrigeliyo. Imisa jeer ayaad maqashay beeraleey ka cabanaya in xilliga ay beeruhu usoo go'aan raashin mucaawino ah suuqa lagu ilxaaxiyo? Bakhaarrada raashinka ee magaaladaada cuntada raseysan ma fiirisay boqolkiiba imisa ayaa ah raashin kaalmo dalka ku soo galay? Imisa qof oo wax ay beereen ku khasaaray oo qaan loo heysto ayaad qof ahaan la kulantay?

Warshadda Gaajada maan iska xirno? Tuugsade doorasho ma leh!

Haddii ay cuntada kaalmada ah cuuryaamisay waxsoosaarkeennii miyaanan iska joojin karin? Maya. Si aan isaga joojinno waa in baddelkii kaalmadu noo diyaar yahay. Dadkeenna oo baahi u go'aya cunaha ma qaban karno, waxa ka dhalanayana waa la yaqaan oo waa gaajo, macluul, hoog, iyo baaba', sidii gobollada qaar ka dhacday sannadkii 2011 markii ay kooxda Alshabaab u diideen Hay’adaha Gargaarka dhulkii ay ka talinayeen ayaga oon wax ay uga maarmaan u heynin. Inta aan gaajeysannahay ee gacantu noo taagan tahay ma lihin wax kala doorasho ah. Dadka na kaalmeynayaa sida ay ayagu doortaan ayay wax noo siinayaan. Wax dalkeenna si fudud looga heli karo ayay kumannaan Mayl ka shishe ka soo daabbulayaan, waayo danta dadkooda ayaa sidaas ku jirta.

Meel loo baxaa ma jirtaa? Ilaa goorma ayaan sugnaa Dadnimo iyo Dowladnimo?

Wax walba waxa ay ka billowdaan ogaansho iyo soojeed. Haddii dadkeenna wacyigoodu koro oo qofku ogyahay tallaabada uu qaadayo sida ay noloshiisa u saameyneyso, ugu yaraan waxaa fududaanaya fulinta siyaasadaha loo dajiyo yareynta gaajada iyo gacanhoorsiga. Dadka soojeeda ee wacyigoodu sarreeyo, xataa haddii aaney heysan dowlad hungurigooda ilaalisa oo siyaasado waaweyn u dajisa, waxa ay isku difaaci karaan mashaariic yaryar ayaga oo aan Tacab-khasaar ku dhicin.

Ugu danbeyntii, qof baahan gob ma ahan. casrigan dad aan dowlad laheyn ma noolaan karaan. Dowladnimadu na dadnimo lagu dhiso ayay u baahan tahay. Dowlad aan nabadda hunguriga dadkeeda sugi karin dowlad ma ahan. Haddii booskii dowladnimadu naga maqan yahay macnaheedu ma ahan in aan gacmaha isa saaranno, waa in na laga helaa dadnimo aan labada gacmood midna dowladnimo ku dhisno midda kale na aan nolosha kula harjadno si aan dhaadhaannimada ummadeed uga baxno.

"Bakaarihii hog loo qodi jiraan haatan sii jirine, Gacanhoorsi iyo waxa beddelay kiish la soo helo e!" —Cilmi Faradheere, Marin Himilo.

W/Q: Cilmi Faradheere, Abriil 11, 2022.