Bulshada Bariga Afrika: Ma la Joogaa Goortii ay Soomaaliya ku Biiri Lahayd?
Fursadaha iyo Caqabadaha horyaalla ku biiritaanka Soomaaliya ee ururka Bulshada Bariga Afrika.
Kaddib markii uu burburay ururkii Bulshada Bariga Afrika sannadkii 1977, saddex dal oo kala ah; Tansaaniya, Kiiniya, iyo Yugaandha, ayaa ka shaqeeyay in ay dib u yagleelaan ururka goboleedka Bulshada Bariga Africa. Isu-tag goboleedkan cusub waxaa dhidibbada loo taagay mar kale gugii 1999. Dowladaha Ruwaanda, Burundi, Koonfurta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Dimuquraaddiga Koongo ayaa dib uga biiray urur goboleedka. Ururka Bulshada Bariga Afrika iyo Mideynta Shuruucda Canshuuraha dowladaha ururka ku midoobay si dhab ah uma hirgalin ka hor Janaayo, 2005. Ujeedka ugu weyn ee urur goboleedkan loo sameeyay waxa uu ahaa Mideynta Shuruucda Canshuuraha, taas oo suurageljneysa in badeecada iyo adeegyada, shaqaalaha, iyo lacagtu si xor ah isaga gudbaan dowladaha xubnaha ka ah ururka. Raadraaca aragtidan waxaa laga soo billaabi karaa dugsiyada Mercantilist iyo Qaddiimiga ah ee qarniyadii 15aad ilaa 17aad. Adam Smith waxa uu hoosta ka xarriiqay kaalinta ganacsiga caalamiga ah ee iibgeynta dheeraadka, wadaagga shaqaalaha, ballaarinta suuqyada, iyo kobcinta waxsoosaarka guud.
Sannadkii 1817, dhaqaalyahankii qaddiimiga ahaa ee David Recardo ayaa curiyay fahamka Isbarbardhigga Faa'iidada. Ayada oo aragtidan laga duulayo, dowlad kasta in ay xoogga saarto waxsoosaarka ugu qarash yar iyo in ay ganacsi la wadaagaan dowladaha kale si ay ugu beddeshaan badeecooyinka kale ee ay soosaaristeeda uga baxeyso qarash badan markii loo eego dowlada ay ka soo dhoofsanayaan. Sidaas darteed, ujeedka ugu weyn ee mideynta shuruucda canshuuraha kala duwan waa in hoos loo dhigo caqabadaha ganacsiga iyo in waxsoosaarka dowladaha ururka xubnaha ka ah suuqyada loo fududeeyo. Dowladda Soomaaliya hadda waxa ay isku dayeysaa in ay ku dhaqaaqdo arrin ay dowladaha caalamku sameeyaan si ay suuqa xorta ah uga macaashaan. Soomaaliya waxa ay dhab ahaan dadaal badan ku bixineysaa in ay ku biirto ururka Bulshada Bariga Afrika, oo aysan weli xubin buuxda ka noqon. Maqaalkan waxa uu isdultaagayaa tiirarka ugu muhiimsan ee uu ku taagan yahay ururka Bulshada Bariga Afrika, iyo sidoo kale faa'iidada iyo faa'iidadarrada ay Soomaaliya ka heli karto ku biiritaanka urur goboleedkan.
Tiirarka ugu Muhiimsan ee Bulshada Bariga Afrika
Mideynta Lacagta Bulshada Bariga Afrika ayaa la isla qaatay markii heshiiska Bulshada Bariga Afrika la saxiixay 30 Nofeembar 2013. Shuruucda Mideynta Lacagta Bulshada Bariga Afrika waxa uu qeexayaa in lacag mideysan la qaato muddo 10 sano gudahood ah, waxaanu waddamada xubnaha ka ah u oggolaanaya in ay si tartiib-tartiib ah lacagtooda ugu beddelaan lacagta midda ah ee ururku qaadanayo. Mideynta Lacagta Bariga Afrika waa marxalad muhiim u ah geeddisocodka isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika. Dhiirrigelinta maalgashiga iyo horumarinta ganacsiga gaarka ah ayaa ah qeybo hoos-imanaya mideynta lacagta. Si loo xaqiijiyo gaaridda yoolka lacag mid ah, dalalka Bulshada Bariga Afrika waxa ay u jeesteen iswaafajinta shuruucda lacagta iyo xisaabaadka; iswaafajinta hababka maaliyadda, isu socodka iyo deegaameynta; iswaafajinta dhaqamada xisaabinta iyo warbixinta maaliyadeed; iswaafajinta siyaasadaha iyo halbeegyada xogaha tirakoobka; iyo yagleelidda Bankiga Bulshada Bariga Afrika.
Mideynta Canshuuraha Bulshada Bariga Afrika, qodobka 75aad ee heshiiska yagleelidda ururka Bulshada Bariga Afrika waxa uu qeexayaa in Mideynta Canshuurahu tahay tallaabada koobaad ee isdhexgalka gobolka iyo qeybta ugu muhiimsan ee ururka Bulshada Bariga Afrika, kaas oo dhaqangal ahaa ilaa 2005. Taas oo ay dheer tahay, shaqada ugu muhiimsan ee Bulshada Bariga Afrika waa in la dhiirrigeliyo lana xaqiijiyo ganacsi xor ah oo dhexmara dalalka xubnaha ka ah ururka. Arrinkan waxaa lagu muujiyay heshiiskii yagleelidda Bulshada Bariga Afrika, kaas oo muujinaya in tallaabada barbillowga u ah isdhexgalka Bulshada Bariga Afrika noqon doonto abuuridda canshuur mideysan, ayadoo laga booday tallaabooyinkii ka horreyn lahaa sida Goob Ganacsi Habboon iyo Goobta Ganacsiga Xorta ah.
Bishii Janaayo 2005, waxaa dhaqangalay Sharciga Mideynta Canshuuraha Bulshada Bariga Afrika. Labadaas tiir ee isdhexgalka ayaa ah kuwa ugu adag in la dhaqangeliyo. Si kastaba ha ahaatee, suuq mid ah iyo isu-tag siyaasadeed ayaa la gaari karaa haddii si habboon loo dhaqangeliyo [qodobbadaas], la na buuxiyo shuruudaha. Faa'iidooyinka suuragalka ah ee ay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika Soomaaliya u soo jiidi karto waxaa ka mid ah ganacsiga xorta ah oo ka dhigan in badeecada iyo adeegyadu si aan xannibaad laheyn isaga gudbi karaan dal ilaa dal. Marka dhankan laga eego, haddii Soomaaliya loo oggolaado xubinnimada ururka Bulshada Bariga Afrika, waxa ay u soo kordhin kartaa faa'iidadooyin dhowr ah.
Ugu horreyn; waxa ay kordhineysaa tartanka ganacsi ee dalka, macaamiishuna waxa ay helayaan fursad kala-doorasho badeecad kala duwan, taas oo xoojineysa gaadiidinta kheyraadka iyo heerka waxsoosaarka.
Marka labaad; shaqaalaha waddanku waxa uu ka faa'ideysanayaan aqoonta u soo gudbeysa, oo ay ka mid tahay tiknooloojiyadda ay shirkadaha dalka maalgashanayaa la imaanayaan, kaddib na aqoontaas ayaa dhaqaalaha dalka ku qasbi doonta in uu dhaqaaqo ayada oo kordhineysa howlqabadka iyo ka fa'ideysiga warshadaha, taas oo dadajineysa koboca guud ee dhaqaalaha Soomaaliya, meeshana ka saareysa xannibaadaha ganacsiga.
Marka seddexaad; ku biirista Bulshada Bariga Afrika Soomaaliya faa'iido ayay u tahay sababta oo ah waxa ay baabi'ineysaa jaangoynta dowladda ee canshuuraha, dhoofka iyo soo dhoofinta badeecadaha, adeegyada, iyo sarrifka lacagaha, sido kale waxaa fududaan doona isku socodka mawaadininta taa oo keeni karta kobac dhaqaale. Faa'iidooyinkaas waxa ay muwaaddiniinta Soomaalida dhaqaalahooda kooban u furayaan suuqyada Bulshada Bariga Afrika taas dhiirrigelineysa koboca dhaqaale.
Marka afaraad; faa'iidooyinka ugu waaweyn ee ganacsiga xorta ah waxaa ka mid ah in ay ganacsatadu helayaan fursad ay ku dhaqogeliyaan kheyraadka dhaqaale ee ugu jaban. Ganacsiga xorta ah waxa uu u suuragelinayaa shirkadaha maxalliga ah in ay soo dhoofsadaan walxaha qeyriin. Shirkaduhu waxa ay si toos ah u maalgashan karaan dalalka kale si ay badeeco jaban u soo saaraan. Faragelinta dowladdu waa kooban tahay marka badeeco dal shisheeye laga soo saaray loo soo dhoofinayo suuqyada gudaha.
Shisheeyaha ayaa laga faa'ideysan karaa si loo helo caawin farsamo iyo adeegga macaamiisha ayada oo la isticmaalayo tiknooloojiyadda maaliyadeed. Siyaasadaha ganacsiga xorta ah waxa ay kordhiyaan dhoofinta shaqooyinka. Ugu danbeyn, waxa ay dhiirrigelineysaa tartanka ganacsi, waxaaney baabi'ineysaa kaligiinoolanimada (Monopoly). Sidoo kale, waxaa faa'iidooyin siyaasadeed ka helaya dhammaan dowladaha ururka ku jira, taas oo dhiirrigelineysa xasillooni siyaasadeed iyo mid amni oo dalalka u dhexeysa.
Dibudhaca ay Soomaaliya u keeni karto ku biiridda Bulshada Bariga Afrika.
Haddii ay Soomaaliya Bulshada Bariga Afrika ugu biirto ganacsiga xorta ah dartiis, saameyn taban ayay ku yeelan kartaa dhaqaalaha Soomaaliya.
Marka koobaad; karaanka dhaqaale oo xaddidan dartiis Soomaaliya badeecooyin kala duwan uma dhoofin karto dalal kale, taas na saameyn taban ayay dhaqaalaha dalka ku yeelaneysaa. Ganacsiga xorta ah kaliya waxa uu faa'iido u yahay dalalka horumarsan, balse waddamada dibudhacsan sida Soomaaliya waxa ay u keeneysa dhimaal xagga dheelliga qarashka ah (Balance of Payment; BOP) haddii aan la helin hoos u dhig habboon oo nooca badeecooyinka iyo adeegyada ayadoo lagu saleynayo Isbarbardhigga Faa'iidada dalalka qeybta ka ah heshiiska.
Marka labaad; caqabadda kale ee ay dowladda Soomaaliya wajahi doonto waa ilaalinta ganacsiyada yaryar, maadaama shirkadaha waaweyn ee Soomaaliya malagashanaya ay suuqa ka saari karaan ganacsiyada yaryar.
Marka seddexaad; ilaalinta shaqaaleysiinta shaqaalaha gudaha ayaa Soomaalida caqabad ku noqon doonta. Dowladaha saboolka ah sida Soomaaliya waxaa u wanaagsan in ay xaddidaan wax soo dhoofinta si ay u kordhiyaan dakhliga iyo una dhiirrigeliyaan waxsoosaarka gudaha. Ugu danbeyntii, la'aanta tallaabooyin dhiirrigelinaya waxdhoofinta iyo in la ilaalin waayo badqabka badeecooyinka ayaa ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla ku biirista Bulshada Bariga Afrika.
Gunaanad
Ayadoo la tixgelinayo qodobbada kor ku xusan, Soomaaliya uma diyaarsano, ama ma joogto heer ay urur caalami ah ugu biirto ganacsi xor ah, sababahan dartood: dalka uma dhisno hay'ado ilaalin kara siyaasadda shaqaaleysiinta iyo tayada badeecadaha la soo dhoofinayo. Maadaama ay Soomaaliya u baahan tahay lacag adag, waa ay ku adkaaneysaa in ay Soomaaliya ka qeybqaadato habka heerka sarrifka, taas oo keeneysa karaan-xumo xagga lacagta ah. Xataa haddii ay Soomaaliya lacag cusub daabacato, ma ahan waqtigii ugu wanaagsanaa ee ay ururka ku biiri laheyd, hoos u dhaca lacagta Soomaaliya marka dalalka deriska la barbardhigo darteed. Ma ahan waqtigii Soomaaliya ugu habboonaa in ay ku biirto urur goboleedka Bulshada Bariga Afrika maadaama aanu dalku weli laheyn dhaqaale fadhiya kaas oo ganacsiyada yaryar taageeri karo si aan tartanka iyo suuqa looga saarin.
Waxaa Qoray: Dhaqane Rooble Xalane. Dhaqaneeco@gmail.com Waxaa Turjumay: Cilmi Faradheere. Garaar3@hotmail.com