Ansixinta Dastuurka iyo Mustaqbalka Siyaasadda Soomaaliya
Xukuumadda Xasan Sheekh Maxamuud ma ka dhabeyn kartaa hirgelinta daastuurka cusub?
Maanta waxa ay Baarlamaanka Soomaaliya cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen cutubyada 1aad, 2aad ,3aad iyo 4aad ee dastuurka cusub ee Soomaaliya. Tirada mudanayaasha ansixiyay cutubyada dastuurka ayaa kala ahaa 222 xubnaha golaha shacabka iyo 42 mudane oo aqalka sare ah , taas oo ka dhigan cod aqlabiyad sidii dastuurku u baahnaa in lagu meel mariyay dastuurka muranka dhaliyay.
Maanta waxaa muuqatay muruq muujin weyn oo ay Xasan Sheekh Maxamuud iyo xertiisu ay sameeyeen maadaama badi xildhibaannadii labada gole ay u soo xaadireen ansixinta oo xitaa odayaashii hogaaminayay 70 xildhibaan oo diiddanaa ayay sawirradu qabanayeen iyaga oo safka hore fadhiya oo gacanta u taagaya Dastuurka. Xildhibaanno xitaa dhaawac ah ayaa soo xaadiray, kuwa kale na waxaa looga yeeray cumrada . Xaadirka ay badi xildhibaannadu soo xaadireen kulankii ansixinta dastuurka ee maanta ayaa meesha ka saaray cabsi awal laga qabay inaan xildhibaanno ku filan soo xaadiri waayaan kulankii maanta. Qodobbada ugu waaweyn ee dooddu ka taagnayd ee maanta lagu ansixiyay waxkabadelka Dastuurka:
1- Kursiga Raysulwasaaraha oo wax laga beddelay iyada oo meeshii awal ay ansixin jireen baarlamanku laga dhigay jago sidii wasiir uu magacaabo, xilkana ka qaado Madaxweynuhu. Waxaa na muuqata in buuqu ahaa in hannaanka presidential-ka la qaato oo lagu bedelay hannaankaan aan waxba dhaamin tii uu u socday Xasan Sheekh Maxamuud markii hore. Waxa uu na Xasan Sheekh gabi ahaan ba meesha ka saaray khatar ku imaan jirtay madaxdii hore oo ahayd Raysulwasaare la baratama oo wiiqa awooddiisa sanadaha u dameeya sidii ku dhacday Farmaajo vs Rooble, Xasan Sheekh VS Cumar Cabdirashiid, iyo Sheekh Shariif vs Cabdiweli Gaas.
2- Hannaanka doorashada dalka ayaa laga dhigay mid mideysan oo hal mar wada dhacda heer federaal iyo heer maamul-goboleed. Waxaa na laga dhigay mid ku dhacda qof iyo cod ah oo dalka oo dhan hal degaan doorasho (Single Constituency), taas oo meesha ka saareysa xildhibaan federaal oo degaan gaar ah laga soo doorto ama matala.
3- Muddo xileedkii madaxwaynaha iyo baarlamaanka ee ahaa 4 sano ayaa laga dhigay 5 sano, waxaa na taas la wadaaga maamul goboleedyada. Halkaas waxaa ka dhacaya muddo kororsi 1 sano ah oo ay kula jiraan Xasan Sheekh Maxamuud maamul goboleedyadu, marka laga reebo Puntland oo iyadu 5 sano hore dastuurkeeda ugu qornayd. Waxaa na halkaas ka imaan kara dood ah maxaa dhacaya haddii mudadaas doorasho qof iyo cod ah lagu qaban waayo, sow kama muuqato muddo kororsi aan dhamaad lahayn?
4- Guddi doorasho midaysan oo ka kooban 18 xubnood ayaa la ansixiyay meeshii awal lasoo jeediyay 15 xubnood waxaa lagu daray 3 xubnood oo SSC-Khaatumo ah. Guddigan waxaa soo xulaya dowladda federaalka iyada oo la tashanaysa dhinacyada ay khusayso, waxa uu na yeelanayaa awoodda qabashada dooarshooyinka dalka oo dhan. Waxaa halkaas ka muuqda guddi doorasho oo si buuxda gacanta ugu jira Dowladda Federaalka.
5- Magaca madaxda maamul goboleedyada oo awal ahaa madaxwaynayaal ayaa haatan lagu beddelay hoggaamiyaal. Qodobkani wax dood macno leh kama soo noqon, dadka badankiis na waaba soo dhoweeyeen.
6- Tirada xisbiyada uu dalka yeelanayo ayaa laga dhigay 3 xisbi, waxaa na wax laga bedelay soo jeedintii hore ee ahayd 2 xisbi. Si kastaba nidaamka xisbiyada xiran ayaa, haddii uu hirgalo, siyaasadda iyo masiirka dalka dad aad u kooban oo xisbiyada heysta, maadaama aanu isa soo sharrixi karin qof aan xisbi ka tirsaneyn.
Maxaa Xasan Sheekh Maxamuud u Fududeeyay in uu Ansixiyo Dastuurka?
Inkasta oo Madaxweynayaal hore, Maamulka Puntland, iyo siyaasiyiin kale ay si cad u diideen hannaanka wax ka baddelka dastuurka, haddana si fudud ayuu maanta ku meelmaray dastuurka ansixintiisa. Sababaha ugu waawayn ee fududeeyay ayaa waxaa ka mida:
1- Mucaaardka ay Puntland ugu horrayso ayaa mar dambe ku baraarugay meelmarinta dastuurka cusub in ay dhab ka tahay Xasan Sheekh Maxamuud. Tusaale, Puntland iyo mucaaradka kale kama hadal, iskama na ilaalin hannankii uu kaligiis MW Xasan Sheekh ku magacawday guddiga madaxabannaan ee dib u eegista dastuurka oo ah guddi dastuuri ah oo awood u leh diyaarinta iyo isku dubbaridka wax ka bedelka Dastuurka. Tani waxa ay siisay Xasan Sheekh sharciyad oo guddiga oo uu gudoomiye u yahay xildhibaan federaal hore oo reer Puntland ah ayaa noqday shaabbad ay xukuumaddu adeegsato.
2- Mucaaradka oo aan abaabul weyn samayn oo qaarkood kala shakisanaa, sida RW Kheyrre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo diiddanaa in ay Farmaajo isku jabhad noqdaan ama meel kasoo wada jeensadaan, iyo Puntland oo kaligeed noqotay oo aan helin xitaa hal maamul goboleed oo la mawqif noqda.
3- Beesha caalamka ee Xalane fadhida oo aan si toosa uga hor imaan hannaanka uu Xasan Sheekh Maxamuud ku boobsiinaayo ansixinta dastuurka iyada oo qaybo muhiim ah ay ka maqanyihiin, marka laga reebo walwal ay safaaradaha reer galbeedka qaarkood muujiyeen, ma jirin cadaadis wayn oo la saaray XSM siu u ugu joojiyo mucaaradka.
4- Waqtiga waxkabedelka dastuurka oo kusoo aadayaa muddo xileedka MW Xasan Sheekh Maxamuud iyo Baarlamaanka oo ay 2 sano u harsantahay, taas oo siisay xukuumadda sharciyad buuxda oo ay ku boobsiiso ansixinta waxkabedelka Dastuurka. Waxaa hubaal ah in haddii sannadka u danbeeya ay ku soo aadi lahayd ansixintu aanay sidaan fudud ugu sahlanaanteen ansixintiisu.
5- Taageerada guddoonka baarlamanka ee labada aqal ayaa Iyana ah sabab wayn oo fududaysay ansixinta dastuurka iyada oo xilliyadii hore aanay dhici jirin baarlamaan labadiisa gole sidaas ugu midaysanyihiin arrin xasaasi ah oo siyaasadeed.
Ma Fulin Karaa Xasan Sheekh Maxamuud Dastuurka Cusub?
Ma muuqato in fulinta dastuurka cusub uu u fududaan doono sida ansixintiisa, waxaa na la saadaalinayaa mawjado siyaasadeed iyo hardan cusub oo dalku galo. Puntland ayaa mar kale hogaamin doonta mucaarad xooggan oo jilbaha u dhiga xukuumadda Muqdisho. Fursadaha mucaaradka ay Puntland hoggaamineyso ay kaga guulaysan karaan qorshayaasha MW Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku xiran arrimaha soo socda:
1. Taageero ballaaran oo looga helo diidmada dastuurka cusub beesha caalamka.
2. Taageero ballaaran oo looga helo shacabweynaha Soomaaliyeed oo u muuqda haatan mid aan kala jeclayn dastuur bedelka, una arka hardan siyaasadeed oo qowlaysato siyaasadeed isku haystaan.
3. Taageero looga helo qaar ka mid ah maamul goboleedyada kale diidmada dastuurka cusub.
4. Taageero xoog leh oo looga helo diidmada dastuurka Muqdisho, maadaama Meesha 1aad ee culayska ku abuuri kartaa Xasan Sheekh Maxamuud ay tahay Xamar.
Haddii mucaaradku ku guulesytaan helidda qoqobbadaas kor ku xusan, waxaa u fududaan doonta in ay dhiciseeyaan iskudayga Xasan Sheekh Maxamuud ee fulinta dastuurka cusub. Waxaase jirta cabsi ah in Xasan Sheekh Maxamuud uu la ciyaarayo qorshe PLAN B ah oo la mid ah midkii uu Deni la ciyaaray dhawaan siyaasiyiinta mucaaradka Puntland u badnaa gobolka Nugaal, taas oo ka dhigan in Xasan Sheekh Maxamuud ka tanaasulka dastuurka cusub inuu aakhirka ku bedesho hannaan doorasho dadban oo uu isagu sida uu doono ka yeelo, kuna soo bixi karo.
W/Q: Amiin Guuleed