Category - Faallo

Hodan Naalleeye: Nalkii La Damiyay!

Aw Dacar
  • Aw Dacar

Sheekada gabartii ummadda aheyd.

Magaceedu waa Hodan Axmed Siciid Naaleeye. 1976-dii ayaa ay ku dhalatay degmada Laascaanood ee gobolka Sool. Jifo ahaan waa naag Dhulbahante ah. Waxaa la sheegaa kolka ay lixsano jirtay oo uu soo dhawaa burburka Soomaaliya in qoyskeeda ay u dhoofeen dalka Canada. Halkaas ayaa ay noloshoodii ka sii wateen. Edmonton, Alberta, iyo Toronto ayaa kamida meelaha ay ku barbaartay ee ay wax ku baratay. West Humber Collegiate (WHC) oo ah dugsi sare oo ku yaalla Etobicoke ayaa ay ka baxday iyada oo kadib gashay jaamacadda Windsor. Cilmiga Arts and Communication ayaa ay ka baratay oo Bachelor kaga qaadatay jaamacadda. Saxaafadda ayaa kamida waxyaabaha ay baratay oo ay si gooni ah u xiisayn jirtay. Master ayay kaga qaadatay Senaca College.

Kadib waxbarashadeedii waxa ay billowday inay gasho suuqa shaqooyinka. Markiiba waxa ay la soo baxday firfircooni, daacadnimo iyo saafinnimo u shaqayn, midaa oo soo jiidatay indhaha cid kasta oo ay isla shaqeeyaan. La-talinta Nidaamka Suuqgaynta, Hormarinta Hal’abuurka Muuqaalsamaynta, U dhaqdhaqaaqidda Arrimaha Bulshada iyo Ganacsiyada yaryar, iyo Ka Shaqaynta Isdhexgalka Dhaqanka ayaa kamida shaqooyinkii ay soo qabatay Hodan Naaleeye.

Marka laga tago shaqooyinkaas, waxa ay sidoo kale ku hawlanayd iskaa wax u qabso iyo caawinta jaaliyadda iyo qaxootiga Soomaalida ee Canada inta karaankeeda. Waxaa laga xusi karaa hawlaheedii iskaa wax u qabsada ah inay wacyigeliso qaxootiga Soomaalida oo ay ka caawiso fahmidda dalka iyo la qabsigiisa. Inay talo iyo taag ku darsato ganacsiyada yaryar ee Soomaalida Canada degen. Iyo inay shaqooyinkeeda warbaahin uga faa’iidayso Soomaalida oo ay ugu suuqgayso.

Soddon iyo shan sano oo ay Canada joogtay kadib 2011-kii ayay Hodan Afrika u soo duushay iyada oo la socoto Fanaanaddii weynayd ee Saado Cali Warsame. Waxay diyaaraddii ay saarnaayeen caga dhigatay garoonka diyaaradaha ee Nayroobi iyaga oo afka sii saaray xeryaha qaxootiga ee Ifo, Dhaadhaab iyo Dhagaxley. Safarka waxaa hoggaaminayay Saado oo uu qorshuhu ahaa inay wax uun tarto dadkeeda halkaa qaxootiga ku ah. Halka Hodan la sheego inay iska soo raacday. Balse safarkani waxa uu noqondoonaa kii ay Hodan ku go’aansatay inay Canada isaga soo guurto. Haddii markii hore uu ahaa inay caawiso Soomaalida Canada joogta, hadda waxa ay go’aansatay inay caawiso Soomaalida Soomaaliya ku nool. Dhammaan shaqooyinkeedii iyo mashruucyadeedii ayay albaababaha isugu soo dhufatay oo afka soo saartay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Integration TV oo ah muuq-baahiye ku baxa luuqadda Afka English ayay Hodan furtay. Iyada ayaa asaasaha iyo maamulkaba ahaa tiifiigaba ahayd. Waxa uu ahaa Tv isku xira Soomaalida qorrax-jooga ah iyo kuwa qurbajoogga ah. Markale waxa uu ahaa Tv isku xira Soomaalida iyo Caalamka. Ujeedkeedu waxa uu ahaa inay dunida tusto quruxda dalka iyo dadka. Hodan waxa aad u gubay kolka Google la galiyo magaca Somalia in markiiba ay soo baxayaan sawiro wada argaggax ah oo ah qaxooti, abaar, fatahaad, qarax iyo dhiig iyo burbur. Sawiradaa argaggaxa ah ayay u tafaxaydatay inay beddesho oo kuwa kale oo qurux badan ku beddesho.

Waxa ay booqatay badi magaalooyinka iyo tuulooyinka Soomaaliya. Sida qurbajoogta kale ee ay u soo duubaan Hoteelada qaaliga ah iyo goobaha dalxiiska marka ay dalka imaadaan ma aysan samayn Hodan ee waxa ay gashay guri walba oo danguud ah iyo goob walba oo ganacsi Soomaaliyeed uu yahay. Waxa ay raacday gaari-dameer, waxa ay fuushay Bajaaj, waxa ay kortay faras, waxa ay raacday gaariga dadweynaha iyada oo kamaradeeda wadata oo caalamka iyo qurbajoogta Soomaalida luuqad ay fahmayaan ugu sheegaysa sawirka ka dahsoon ee Soomaaliya ka jira.

Waxa ay la fadhiisatay casaylaha, waxa ay gashay suuqyada cariiriga ah si ay dunida ugu soo tabiso nololmaalmeedka dumarka halkaa ku ganacsanaya. Waxa ay tagtay xeebta, webiga, dooxyada, buuraha, bannaanada, miyiga iyo goob kasta oo taariikhi ah si ay dunida ugu soo bandhigto. Waxa ay caalamka subax walba luuqad ay fahmi karaan ugu sheegaysay in Soomaaliya kaliya aysan gubanayn ee sidoo kalena dhismayso oo halgan iyo nolol uu ka jiro.

Walow ay qurbaha in ka badan rubuc qarni ku noolayd oo uu Afsoomaaligu dhibayay, haddane midaa kama hor istaagin inay wax gudbiso oo dareenkeeda iyo fekerkeeda iyo farriinteeda cabbirto. Barnaamijyadeedu qaar waxa uu ku baxayay luuqadda English iyada oo ay ugu tala gashay Caalamka iyo qurbajoogta. Qaarna waxa ay ku bixijireen luuqadda Soomaaliga. Waxa ay soo gudbin jirtay hidaha iyo dhaqanka Soomaalida, ganacsiyada yaryar iyo kuwa waaweyn, nololmaalmeedka suuqyada ka jira, nolosha miyiga, iyo cid kasta oo waxsoosaar lahayd.

Mid kamida halqabsiyadeeda caanbaxay waxaa kamid ahaa; “Naag Iska Dhig!” Mar wax laga weydiiyay ayay ku sheegtay; in yaraanteedii kolka ay hooyadeed aragto iyada oo meel iska fadhida inay dhihi jirtay naa istaag oo jikada gal oo wax kari oo wax qabo oo naag iska dhig. Haddaba waxa ay Hodan tiri; isla sidaa oo kale ayaan lee yahay gabdhaha iska fadhiya, naa kaca oo wax barta oo shaqaysta oo naftiina iyo ta qoyskiina wax tara oo naag iska dhiga. Hodan waxay ahayd mid aad u dhiirigelisa dumarka.

Marka laga tago dhanka saxaafadda iyo TV-geeda waxqabadyadeeda kale waxaa laga xusi karaa labo Iskuul oo ay Sool iyo Sanaag ka dhistay oo geerideeda kadib la furay. Axmed Siciid Naaleeye School waxa uu ku yaallaa tuulada Galbarwaaqo oo hoostagta degmada Awrboogeys ee gobalka Sanaag. Dugsigan waxa loogu magacdaray Hodan Aabbaheed Axmed Siciid. Iskuulka kale waxa loogu magacdaray Khadiija Cabdi Laangadhe oo ah hooyada dhashay Hodan, waxa uuna ku yaallaa degmada Adhicadeeye ee gobolka Sool. Marka laga tago labadaa dhismaha labadaa iskuul waxaa kale oo jira iskuul kale oo ay gacan ka gaysatay. waa Abyen School oo kamida hormuudka dugsiyada Laascaanood. Waxaa lagu kordhiyay dhismayaal cusub oo ay kamid yihiin samaynta Deyrka iskuulka; sidoo kale fangaraynta iskuulka, macalimiinta iyo qalabaynta ardayda sannad walba.

Sidoo kale waxqabadyadeeda waxaa laga xusi karaa Bixinta FEE-ga arday labaatameeyo ah oo dhiganayay Jaamacadda Nugaal, qorshaheeeduna waxa uu ahaa kordhinta tirada ardaydaas; haddana in uu sidii u socdo ayaa aan rajaynayaa. Sidoo kale Bixinta Fee-ga ardayda sekendhariga ugu soo wareega degmada Laascaanood kahor inta aan la hirgelinin sekendhariga iskuulka Khadija Cabdi Laangadhe ee Adhicadeeye.

Hay’adda ay Hodan iyo qoyskeedu ku hawlgalaan qacda hore ee magaceeda ayaad ka garanaysaa inay ka turjumayso horumarin iyo hirgelin hiigsi nololeed. Magaceeduna waa "GIVE TO LEARN TO GROW FOUNDATION!"

Hodan waxa ay ahayd hooyo haysata labo wiil. Muddo badan oo ay garoob ahayd waxa ay Bishii November ee 2018-dii magaalada Nayroobi isku guursadeen Fariid Jaamac oo ahaa Ganacsade iyo Siyaasi reer Jubbaland. Billowga 2019-kii ayaa ay toos ugu wareegeen iyada iyo saygeeda magaalo xeebeedka Kismaayo. Halkaas oo ay muddo yar kadib ku dhinteen. Haddaba sidee ayay wax u dhaceen?!

Waxay ahayd casargaabad jimcaad. Galabtaas aad bay goobaha la isugu imaado u cammirnaayeen. Kolka laga tago inay maalin fasaxaad iyo ciida isbuuca ahayd waxaa magaalada joogay wufuud kale duwan. Hodan iyo Fariid oo saygeeda ahaa waxa ay imaadeen Hotel Cascaseey. Waxa ay galeen mid kamida mudullada Hoteelka, halkaa oo lagu sheego inay ballan ku lahaayeen. Waxa ay se ahayd ballan noloshooda galaafatay.

Taariikhdu waxay ahayd 12 July 2019. Waa isla maalinkii ay Hodan dhalatay ee ay dunida ku soo biirtay. Waa 12 July 1976-dii. Daqiiqado kadib kolka dalabkii laga qaaday loo keenay iyaga iyo ciddii ay la ballansanaayeen ayaa mar kaliya hugun iyo holac daran afarta dhinac ee Hoteelka isqabsadeen. Waa gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay albaabka weyn ee Hoteelka. Dadka qaar ayaa jugtii horeba ku nafbaxay, qaarna ku dhaawacmay, halka qaarna ay ka carareen meesha. Balse mudulkii ay Hodan iyo Fariid ku jireen cidna kama aysan soo bixin. Sikimo uu jawigu isla aammusnaa oo ay hawadu taagnayd sidii oo dhagool la yahay ayaa waxaa soo yeeray shanqarta kabo askareed oo degegsan oo Hoteelka ku soo xarooday. Waa shan nin oo AS ah oo hoteelka ku xaroon rabta si ay uga dagaallamaan.

Inta aysan raggii korin jaraanrta waxa ay billaabeen cid kasta oo ay arkaan inay toogtaan, kii dhaawac ahne ay dhammaystiraan. Mid kamida raggii ayaa u soo leexday mudulkii ay Hodan iyo Fariid iyo labo nin oo indho yar oo ajnabi ah ku jireen. Markii uu afka hore ee mudulka soo istaagay ayuu qorigiisii ku fiiqay gudaha mudulka, waxa uuna dabada u qabtay baas illaa uu hubsaday dhimashada afartii ruux ee halkaa ku jirtay.

Waxaa galabtaa damay nal iskudayay inuu dalka iyo dadka iftiimiyo. Waxaa burburtay buundo iskudayaysay inay Soomaaliya iyo Dunida isku xirto. Waxaa go’ay dun isku xiri rabtay qorraxjoogta iyo qurbajoogta. Waxaa duugmay qalbi Hodan ahaa oo daacad ahaa oo dadkeeda iyo dalkeeda si saafinnimo ah ugu shaqaynaysay. Kismaayo waxa ay cuntay halyeeyideedii uga soo hayaantay Canada si ay u dhisto.