Category - News

Madaxweynaha Kenya Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle

Geeljire Times Editorial
  • Geeljire Times Editorial

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee labada dal Soomaaliya iyo Kenya oo kor u kac sameynaya.

Madaxweynaha dalka Kenya William Ruto ayaa maanta warqadaha aqoonsiga Danjirenimo ka guddoomay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalka Kenya Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle. Danjire Jibriil Cabdulle ayaa beddelaya Danjire Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo Safaaradda Nairobi fadhiyay tan iyo sannadkii 2018. Madaxweynaha Jaahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dhawaan magacaabay Danjiraha Soomaaliya ee Kenya, ayada oo la filayo in uu sii xoojin doono xiriirka labada dowladood oo muddooyinkii danbe soo hagaagayay.

Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo hagaagayay tan iyo intii uu Xasan Sheekh Maxamuud xilka qabtay, taas oo ka mid ahayd balanqaadyadiisii ololaha doorashada oo halkudheggiisu ahaa '"Soomaali oo heshiis ah, dunida na heshiis la ah." Xiriirka labada waddan ayaa hoos u dhacay wakhtigii Madaxwayne Farmaajo, taas oo loo aaneyn karo dano siyaasadeed iyo kuwo qaran oo labada dal u dhexeeyay. Waxaa xusid mudan in murankii soohdinta badda ee waqtigii Dowladdii Farmaajo Soomaaliya loo xukmiyay iyo faragelinta Kenya ee Jubbaland ka mid ahaayeen arrimihii xiriirka labada dal saameeyay.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa wadaaga dano badan siyaasadeed iyo kuwo istaraatiijiyadeed oo ay ka mid yihiin la dagaalanka argagixisada, xiriirka ganacsiga, arrimaha qoxootiga, shaqaalaha, iyo bulshada Soomaalida ee Kenya ku dhaqan.Tan waxay tijaabo u tahay Danjire Jabriil sidii ugu mirodhalin lahaa xiriir diblomaasiyeed oo isku dheelitiran dhammaan dhinacyada kala duwan. Danjire Jabriil kuma cusba masaraxa siyaasadda Soomaaliya oo hore ayuu ugu tartamay Madaxweynaha, balse waa markii ugu horreysay ee uu cagaha soo dhigo caalamka Diblomaasiyadda.

Danjire Jibriil Ibraahim Cabdulle waxa ay saaxiib iyo shaqowadaag muddo dheer ahaayeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayagoo ka soo wadashaqeeyay Hay'adda Cilmibaarista iyo Heshiisiinta ee CRD oo uu Jibriil Cabdulle muddo dheer madax ka ahaa.

Mucaaradka Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabista Danjire Jibriil ku sifeeyay naasnuujin saaxiibnimo iyo qaraabokiil dan shakhsi ah iyo mid kooxeed dabada ka riixayaan. Si kastaba ha ahaatee, Jibriil Ibraahim Cabdulle waxaa lagu qiimeyn doonaa waxa uu ka qabto xiriirka labada dal iyo sida uu u maamulo safaaradda Nairobi oo lagu tiriyo in ay ka mid tahay safaaradaha Soomaaliya kuwooda ugu muhiimsan.