Madaxweyne Xasan Oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Gudoomay Safiirka Cusub Ee Talyaaniga
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta munaasabad ka qabsoomtay madaxtooyada kaga gudoomay waraaqaha aqoonsiga Danjiraha cusub ee Dowladda Talyaanigu u soo magacawday Soomaaliya mudane Pier Mario Daccò Coppi.
Danjiraha cusub oo ka mahadceliyey soo dhaweynta wanaagsan ee loo sameeyay, ayaa Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guushii taariikhiga ahayd ee dalka looga qaaday Cuba-qabatayntii hubka waxaana uuna bogaadiyay hormarada laga gaaray dagaalka lagu dalka looga sifeynayo Khawaarijta
Madaxweynaha Xasan iyo Danjire Pier Mario ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leedahay Talyaaniga, waxa uuna madaxweynaha xusay ahmiyadda ay leedahay lagu garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda dagaalka ay kula jirto argagixisada.