Category - Siyaasad

Mulkiile iyo Maangaab: Siyaasadda Gumeynta iyo Gadaabo Aruursiga Soomaaliya!

Cilmi Faradheere
  • Cilmi Faradheere

Sidee loo doqomeeyaa dadka oo dhan?

Gadaabo waxaa loo yaqaan neefka haraadiga ah ee mar walba soofka uu ka tirsan yahay ka danbeeya, mararka qaar na xoolaha ka hara oo luma. Waxaa la mid ah ruuxa dadka la asaagga ah ka danbeeya ee seynta kaga yaalla ama ba ka hara. Bulshada nooc walba oo ka mid ah waxaa ku jira dad Gadaabo ah oo ayada oo aan duruuf ku qasabtay jirin meesha ay joogaan haraadi ka noqday. Qofkaas gadaabada ah marka uu dantiisa gaarka ah gebo, dadka ku xeeran in ayaa ku diima, qaar kale na laxjeclo ayaa ka qabata oo waxa ay isku dayaan in ay kor u soo hinjiyaan oo dadka ku soo daraan. Inta badan na xaalkiisu waxa uu ku dambeeyaa oraahdii ninka dhimirka ka xanuunsan loo saarin jiray ee aheyd: “Maxaa la iga soo helayaa berri ayaan haddana lumiye!”

Qofka gadaabada ah marka uu dantiisa shakhsiga ah gebo asaga iyo intii ku tiirsan kaliya ayay ku soo noqotaa oo dantoodu dayacantaa, bulshada na laga yaabee in ay xagatimo yar yar ka soo gaaraan. Haddii howl danguud ah uu qabto na, bulshada caafimaadka qabta marka ay gartaan in aanu masuuliyad qaadi karin ayay iska horleexiyaan. Balse ka warran haddii ba qofka gadaabada ah la baadigoobo si dadka masuuliyad loogu dhiibo? Siyaasadda Soomaaliya ayay caadi ka noqotay in qof ba qofka uu ka liito oo ka damiir xun yahay dadka laga dhexraadiyo si dadka, degaanka, iyo dalka masuul looga dhigo! Haddaba waa weydiin gar ah in aqristuhu is weydiiyo yey tahay cidda baas ee dadka oo dhan shirqooleysa ee itaalkaas leh? Muxuu se yahay ujeedka laga leeyahay? Maxay se ku danbeyn doonaan dadka ay gadaabadoodu hoggaamiyaan? Weydiimahaas ayaan isku dayi doonaa in aan qormadan uga jawaabo.

Dhaqankii Gumeysiga:

In dadka midkooda ugu damiir xun ee aan waxba xeerin iyo kuwa hungurigooda la faca ah ee aan waxba ka sarriigan bulshada laga soocdo waa dhaqan gumeysi oo soojireen ah. Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay na waa in dadka la gumeeyo oo wax walba oo liita loo soo mariyo maangaabka iyo maraanka gacanta lagu haayo. Taariikhda Soomaalida inta la og yahay dhaqanka Gadaabo Aruursigu waxa uu la soo galay gumeysigii dhulka Soomaalida qabsaday. Ma aheyn wax lagula yaabo gumeysiga oo waa dhaqan gumeysi oo guun ah weligiis na dunida ka jiray intii dad la gumeynayay. Soomaalidu qofka gumeysiga u adeega waxa ay u bixiyeen magac ku habboon, ka na turjumaya waxgal la'aanta qofkaas. Magacaas waa “Dabadhilif” oo ka yimid seynta yar ee barida idaha ku taalla oon wax muuqda u tarin neefka.

Markii uu gumeysigu awood ahaan dalka ka baxay, dhaqankii dabadhilifnimada asiga oo sidiisii u jira ayaa la soomaaliyeeyay. Markaan magacii, xasaasiyaddii, iyo foojignaantii laga qabay ba meesha waa ka baxeen balse dhaqankii waa sii jiray. Dhaqankii reernimada Soomaalida oo wax badan ka noolaayeen ayaa wax badan dheellitir u sameynayay oo ka hortaagnaa in maraan meel laga soo diray uu nolosha dadka oo dhan fasahaadiyo. Qofka gadaabada ah ee asoo dad kale u raran bulshada lagu sallido magacyo badan oo ka duwan Dabadhilifkii shisheeyaha ku daabnaa ayaa mar kale loogu wanqalay sida Horgal, Neef Baadi ah, Nacamleeye, iyo qaar kale, balse micno ahaan iyo dhaqan ahaan ba waa Dabadhilif Soomaali seynta uga yaalla halkii uu awal gumeyste shisheeye ah ka daba lushay.

Waa Maxay Ujeedka Gadaabo Aruursigu iyo Gumeynta Siyaasadeed?

Aragtida Gadaabo Aruursiga Siyaasaddu waxa ay ku tiirsan tahay labo tiir oo kala ah Mulkiile iyo Maangaab. Mulkiiluhu waa siyaasi ama koox fursad u helay in ay madax noqdaan oo siyaasadda jaangooyaan. Maangaabku na waa qof gadaabo ah oo aaney jirin wax aragti iyo miisaan ah oo uu leeyahay, dhankii loo jeediyana u jeesanaya. Mulkiilaha iyo Maangaabku waxa ay ka siman yihiin in guud ahaan dalka iyo dadka gaar ahaan na degaanka Maangaabka la kor saarayo aan wax laxjeclo ah loo heyn, kaliya na la eryanayo dan siyaasadeed oo ah kursi maalmo lagu fadhiyo iyo hunguri beryo kooban la baryaqaado. Ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay waa in siyaasiga ama kooxda mulkiilaha ah ay dantooda gaaraan, mararka qaar na dano kale oo ay ka mid tahay gumeynta iyo bahdilaadda dad iyo degaan lagu sameeyo ayaa ku hoos duugan. Qofka Maangaabka ama Gadaabada ah na waa qof aan damiir iyo wax laxjeclo ah laheyn oon waxba xeerineyn, haddii wax uu kahday maya dhihi lahaa na aaminsan in hungurigu ka go'ayo.

Hoggaanka xun miyaa dadka fasahaadiya mise Bulshada xun ayaa hoggaan maangaaban soo saarta?

Weydiintan oo la mid ah halxiraalaha caanka ee “Ukunta iyo Digaagadda yaa soo horreeyay?” dabcan warcelin toos ah oo biyo kama dhibcaan ah ma leh. Dhabtu waa in labaduba isa saameeyaan oo mid ba midka kale bulaaliyo ilaa tubbada gunnimada meel un laga laga xiro. Dadka hoggaan liita lagu sallido waa gumoobaan, dadka gunnimada la jaal noqday na waxaa fudud in Maangaab walba hoggaamiyo oo loogu sacbiyo.

Haddii se lagu noqdo, waxaa asal ah in hoggaanka xun bulshada fasahaadiyo oo gumeeyo, dhowr sababood ayaa na loo cuskan karaa. Waa marka koobaad e, ummadaha dunidu asalka waa isku mid, qolada talada iyo hoggaanku ka xumaado unbaa gumowda kaddib na dhaqanka gunnimada qaayibta oo oggolaata. Waa midda labaad e, ma jirto ummad sidii ay gob u aheyd subax gunnimo ku soo toostay, in gunnimo lala qabsado waa dhaqan waqti u baahan, hoggaanka ayaa na dadka u caadiyeyn kara ama yac ka dhihi kara gunnimada. Waa tan seddexaad e, in badan ayaa la arkay ummad waayo badan gunnimo ku soo jirtay oo inta hoggaan fiican u kacay dariiqa gobannimada haleeshiiyay, balse lama arag dad sideey gun u ahaayeen waxyi gobannimo ku soo degay. Ugu danbeyn, in hoggaanka la hagaajiyo si ummadda loo toosiyo waa sunnada Eebbe, dhammaan nabiyadu waxa ay ahaayeen hoggaan uu Eebbe u soo diray umado gumoobay oo uu Alle doonay in dariiqa gobannimada la tuso.

Siyaasadda Gadaabo Aruursiga Soomaaliya:

Gadaabo Aruursiga iyo Siyaasadda nacamleyntu sannadihii danbe Soomaalida dhexdeeda waxa ay ka noqdeen wax caadi ah oo aan lala yaabin. Markii uu dib u billowday dowlad-dhiska cusub dagaalladii sokeeye kaddib, gadaabo aruursiga iyo nacamleyntu waa ay koobnaayeen. Sababta waxaa loo aaneyn karaa in aaney waqtigaas fududeyn in qof Maangaab ah uu danta Mulkiilihiisa si fudud u fuliyo, degaan walba awooddu waxa ay gacanta ugu jirtay dad xoogaa macno leh ama ugu yaraan beri macno lahaa, ma na fududeyn in Maangaab uu Mulkiile kale soo dirsaday inta iska yimaado dadka iyo degaanka wixii uu doono ka sameeyo. Sidoo kale, ma jirin ama waa ay yaraayeen Mulkiilayaasha wax gacanta ugu jireen ee Maangaab adeegsan karay.

Sannadihii danbe markii ay dowladnimadii la yabyabay in yar madaxa kor u soo qaadday, xoogaa dhaqaale ah na dunida laga helay, dadkii iyo degaannadii na madaxa loo geliyay dabin-sireed “Federaal” la huwiyay, ayaa Gadaabo Aruursigii caadi laga dhigay. Waxan Maamul-Goboleedka loogu yeeray ee koonfurta Soomaaliya laga dhoodhoobay tobankii sano ee la soo dhaafay, dhab ahaan ah xerooyin loo ootay in gadaabada siyaasadeed lagu kobciyo kaddib na laga soo iibsado, waa baarar u furan in dhaqanka dadka lagu fasahaadiyo iyo guryo tumasho oo dowladnimada lagaga sineysto. Hadda u fiirso, Nidaam Federaal ah guud ahaan kama hadleyno, waxa koonfurta Soomaaliya ka jiro ma ahan nidaam federaal ah. Dowladda Federaalka ah na waxaa ka buuxsamay gadaabadii laga soo aruuriyay dowladnimada lagaga sineysto. Sidaas ayay Dowladnimadii Soomaaliya oo dhan u noqotay xerooyin dhaqanka dadka lagu fasahaadiyo. Haddii aan waqti dhow isbeddel muuqda la helin na waxa la filan karo waa burbur iyo beyhoof cusub dadka Soomaalidu ka dhaxlaan Guddoonka Gadaabada.

Gunaanadkii, dadka in uu hoggaamiyo qofka ugu mudan dhan walba, hadba hoggaanka markaas jiro mid ka sii mudan na la raadiyo si ummadda gobannimo, bedqab, iyo dhaqanka wanaagsan loogu hayo waa Sunnada Eebbe iyo dariiqa uu addoomadiisa uga khaliif yeelay in ay dhulka ku dhaqaan. In dadka midkooda maangaabka ah ee ugu tayada xun laga soocdo oo hoggaanka loogu dhiibo si dadka diintooda, dhaqankooda, iyo jiritaankooda loo fasahaadiyo ugu danbeyn na loo gumeeyo, waa dhaqan Ibliis ka soo horjeeda Sunnada Eebbe. Dadka Guddoonka Gadaabada oggolaada ee yac iska dhihi waayo adduunka na gunnimo ayay ku noolaadaan, aakhirana waji ay Eebbe la hortagaan uma yaallo. Gunnimadu hoggaan maangaaban ayay ka astumantaa, gobannimadu na hoggaan mudan.

  • W/Q: Cilmi Faradheere, Janaayo 22, 2024.
  • Garaar3@hotmail.com