Category - Suugaan

Gabayga Kaartabax: Dacwadda Badda Soomaaliya iyo Kenya; Cilmi Faradheere.

Cilmi Faradheere
  • Cilmi Faradheere

Murankii Soohdinta Badda Soomaaliya iyo Kenya

Gabaygan waxa uu soo baxay maalintii ay Soomaaliya ku guuleysatay dacwadda kiiskii soohdinta badda ee Kenya nagala dhexeeyay Oktoobar 12, 2021.

Dareenkii Mideysnaa ee Soomaalida

Waxa ay aheyd maalin ay indhaha Soomaalida oo dhan ku sii jeedeen magaalada Heeg ee dalka Hollan. Waxaa la sugayay ku dhawaaqista xukunka dacwadda kiiskii muranka soohinta badda ee ka dhexeeyay dalkeenna Soomaaliya iyo dalka Kenya ee aan deriska nahay. Waxa ay aheyd maalin dareenka iyo quluubta Soomaalidu meel ay joogaan ba mid ahaayeen. Ififaalaha xukunka la sugayay waxa uu ahaa in ay kiiska Soomaaliya ku guuleysan doonto maadaama la sii igaa in dowladda Kenya ay qardajeex ku socotay, marar badan na ay muujisay in aaney qanacsaneyn garmaqalkii iyo xukunka maxkamadda ee la sugayay. Si kastaba ha ahaatee, waxa aan maalintaas is tusay in ay lamahuraan tahay in dareenka Soomaalida ee maalintaas la turjumo la na keydiyo. Keydka ugu muhiimsan ee waayaha iyo taariikhda Soomaalidu waa suugaanta. Boqorka suugaantuna waa gabayga. Dareenkaas iyo masuuliyaddaas aan isa saaray ayuu gabayga "KAARTABAX" ku dhashay maalintii ay taariikhdu aheyd Oktoobar 12, 2021. Waxaan iri:

  • Warka Holan ka soo kacayahayee biligtu ii keentay,
  • Kasha iyo laabtaan u furay oon ku keydsadaye,
  • Kaahii garsoorkaa baxaye maan kor ugu heeso,
  • Aan kaltamiyo libintaada waa laga kalaamaahe.
  • Ma Keenyaa baddii laga dhacshoo kadabka loo laabay,
  • Kulleeytiga miyey soo qabteen kulundigii naaxay,
  • Ma karbaash sharci ah baa ku dhacay oon ku kululeynay,
  • Afrikada kabiir baan u ahaa kownka soo baraye,
  • Kordhabaasha anigaa u dhigay kaafka iyo nuun e,
  • Kutub baalguduuddii raggii keydsadaan nahaye,
  • Waa waxan kalsoonida u qabay tan iyo kowdiiye,
  • Ma haddey kutaabbada yaryari ila kalaan qeybsan?
  • Malaha uma kasine duul kaleey nagu kahaayeene!
  • Ma ku kedinnay xeerbeegti iyo kuman aqoonbaare,
  • Keenaha ma yeelnee miyaan qoorta kor u taagnay,
  • Kaadsiimo la igama badshee keydka ma u baaray,
  • Ma ku Kaartabaxay kuray shax waa loo korreyn jiraye,
  • Kawda ma uga xiray irrid walbey jare ka keenaan ba,
  • Kol horeeto may wada gurteen kaadir baa helaye,
  • Kursigii fagaaraha miyaa kaalay laga waayay!
  • Sida good kaliil jooga oow karay mariidkiisu,
  • Ma kashaashimihii ay galeen baa ku kululaaday,
  • Anigu na kabriid ma ula tagay waa kal aan sugaye,
  • Goortuu kishkii ololayeey madaxa keeneen ba,
  • Korka ma uga dagay sida Galeyr koray ugaartiisa,
  • Kurka ma uga soo dhagay sidii aarkii Kudur joogay,
  • Kadadaca ma boodeen ayagoon kabihii sii qaadan!
  • Ma kakabinnay kini dheer ayay biyaha kuureen e,
  • Ma kacaa-kuf fadalkoodi baan kiliga jiirsiinnay,
  • Keynaanta orodkii miyaa Laamu lagu kuusay,
  • Ma kacaafadhiisteen sidii kibilli qaangaar ah,
  • Keenyaata waa sirirsan yahay kuuro baa suran e,
  • Shacabkiisii kacay buu u waa been u kariyaaye,
  • Ma kabeynay Kuukuuyadii kibirka soo doontay.
  • Koonfur-bari xarriiqa u kacee xagasha kawdaa leh,
  • Biyahaa u soo koobayee kumanka meyl gaara,
  • Kheyraadka keydka u ah een weli la kiileynin,
  • Ama geela keymaha mirtee kuruska heyn waayay,
  • Iyo loda kawaawada leh bananka kooxeysan,
  • Kulligood anaa lehe maxaa kugu dul koolleeyay?
  • Mar hadduu Kudkii naga baxaye koronkortii guurtay,
  • Kalluunkow baddeennaa ku hurud waa kudkude laane,
  • Kaddaantii ma joogtee xornimo kaalay darafkeeda,
  • Kabeebey ciyaar waa’ dhan baad kali u nooleyde.
  • Kalyantiga raggii noo ahaa kaalin mey gabine,
  • Nin waliba kalkiisuu dhacmiyo kaadyaro u dhigaye,
  • Gabdhihii karkaarrada dhigayee kiiska u horreeyay,
  • Iyo gebi ba kooxdii u diray kuman salaamood e.
  • Kaftan maaha Soomaalidoo yool usoo kacaye,
  • Mar haddaan karkaarada jabsado ima kareysaane,
  • Koolkoollin Yurub maalin bey soo kaduudsami e,
  • Kaldaamaha Wajeer iyo dhulkaa lagugu kaalmeeyay,
  • Ee nacabkii kooraha lahaa kooto kugu siiyay,
  • Inta xaqa kabnuhu saaran yahay ee cod lagu kuuso,
  • Ee Cirirka koonaha galbeed laga korreysiiyay,
  • Kurbo iyo adoo ciil qaba oo lagu kulaalaayo,
  • Kadalloob ku joog waa intood kariba weydaane.

W/T: Cilmi Faradheere, Oktoobar 12, 2021.

Garaar3@hotmail.com