Godolka Xasuusta: Miyiga iyo Warbaahinta Raadiyaha
Radio Jabuuti, Radio Sacuudi Carabiya, Radio Itoobiya, iyo BBC Soomaali.
Dowladdu ma doqon baa marka lagu meelgaarayo? Waxay aheyd su'aal aan isweydiiyay waa’ aan BBC-da marar badan ka maqlay: "Ciidamada Militariga Dowladda Kumeelgaarka!" Waxa aan u qaatay in ay Ciidamadu dowladda ku meelgaarayaan kaddib na iskaga tagayaan! Hadda sow weydiin gar ah noqon meyso? In aad yeesho ha lagugu meelgaaro kaddib na lagaa tago niyaaney doqonnimo aheyn.
Waxaa noo yaalla Raadiye nooca record-ka ee cajaladda la geliyo ah. Cajalado kuma dhageysanno oo kaarikadiisu bil waa na heysaa si kasta oo aan u adeegsanno. Halka aan joogno FM-ta magaaladu sooma gaarto. Waxa aan isku kaaya dhiidhiiba idaacadaha mowjadaha gaagaaban ka soo gala. Waxa aan la yaabi jirnay sababta loo yiri "Mowjadaha gaagaaban" Sow kuwan FM-ta ka tiiradheer! Goorba reer baladku tiro ma yaqaanniine iga wad!
Cajalado heeso ah nooma yaallaan, heesaha raadiyaha soo gala markii ba waan qeybnaa. Weliba qofka markaa jooga ayaa inta qeybo kaddib na gaarsiiya kuwa maqan. Mararka qaar heesta ayadoon dhameystirmin ayaa idaacadda laga qaadaa, sidaas ayaad bargo' u ahaaneysaa ilaa inta mar kale raadiyaha laga soo deynayo.
Aroortii 06:30 AM inta shaaxa dabka loo shidayo waxaa noo soo gala Barnaamijka Subaxnimo ee Raadiyaha Jabuuti. Waxa uu ahaa nus saac barnaamijyo badan isugu jiray, waxa aan ka xasuustaa warka, wacdi gaaban, iyo heesaha oo dhextaal u ahaa. Hees aan barnaamijkan ka xifdiyay waxa ay aheyd hees Nimco Jaamac Migil (Nimco Jabuuti) qaaddo oo ay erayadeedaka mid yihiin:
- Xubnaheyga dhiigga leh,
- Xididdada waraabshaa,
- Xaaraan ka dhaartee,
- Waxan ahay xariir,
- Gabar xaaji dhalayoo,
- Xadka dhaafi maayee,
- Weligey xishoodkiyo,
- Dhigi maayo xayadoo,
- Xariggii dirkaygiyo,
- Xadi maayo diintee!
07:00 AM waxaa soo geli jiray laanta af Soomaaliga ee Raadiyaha Boqortooyada Sacuudiga. Sidoo kale waxa uu ahaa nus saac oo dhowr barnaamij oo War iyo Wacdi u badan la soo gudbin jiray. Wariyihii ugu caansanaa barnaamijyada ugu badanna soo gudbin jiray waxaa la oran jiray Axmed Cabdillaahi, barnaamijka ugu caansan ee uu soo jeedin jiray waxa uu ahaa barnaamij la dhihi jiray "Walaalkeyga Muslimka Ahow". Waxaa wehlin jiray inta badan nin magac carbeed lahaa af Soomaaliga na ruugi jiray, waan illoobay magaciisii.
01:00 PM waxaa ku jiray Raadiyaha Jabuuti. Markan, ma aqaan sababtee, si wacan looma maqli jirin. Annagu waxa aan u aaneyn jirnay kuleylka qorraxda. Warka ayuu Aabbe si dirqi ah uga dhageysan jiray, wax kale oo badan kama sii xasuusto, BBC-da ayaan ku sugi jirnay.
02:00 PM waxaa soo geli jiray Barnaamijka Duhurnimo ee BBC Landhan. Ayadoo BBC-du aheyd idaacadda ugu shacbiyadda badan dhulweynaha Soomaaliyeed, barnaamijka duburnimo waxa uu ahaa ibofurka barnaamijyada BBC-da. Wixii maalintaas iyo habeenkii ka horreeyay war iyo wacaal dhulka Soomaalida laga helay ayaa lagu soo qaadan jiray. Waxaa la dhihi karaa waxa uu ahaa hordhaca Barnaamijka Galabnimo oo ahaa midka ugu xiisaha badnaa. Waxa ugu badan barnaamijkan soo geli jiray warka ayuu ahaa, inta badanna wareysiyada barnaamijka galabnimo soo geli doona waa lagu sii ballamin jiray. Sidii Raadiyaha Jabuuti oo kale ayuu barnaamijka Duhurnimo tashuush lahaa, balse waan la harjadi jirnay oo qofkii BBC-du dhaafto inan gumeed ayuu ahaa.
F.G. Barnaamijka Subaxnimo ee BBC-da mar dhow ayaa la billaabay, in ay 2006 aheyd ayaan filayaa. Waxa ay is aaddanaayeen markii Laanta Af Soomaaliga ee VOA hawada soo gashay. Waxaanu booska ka ciriirsaday laantii af Soomaaliga ee Raadiyihii Boqortooyada Sacuudiga.
03:00 PM waxaa soo geli jiray Raadiyow Itoobiya. Si fasiix ah ayaan u dhageysan jirnay. Ilaa hadda waan xafisanahay muusiggii uu ku soo geli jiray: "Dhan Dhan Dhin Dhin Dhiriririn" saddex jeer. Barnaamijyadiisu waxa ugu cuddoonaa warka iyo laba heesood oo aan lagaa qashqashaadeyn. Ninka ugu caansanaa ee ka hadli jiray waxa uu ahaa nin cod weyn oo raadiyaha kaga gariiriya oo Xasan Axmed la dhihi jiray. Barnaamijkan fannaaniintii aan markii ugu horreysay ka bartay waxa ay ahaayeen Ilma Mooge Liibaan; Maxamed iyo Axmed. Hees aan ka xifdiyay na waxa ay aheyd heesta Axmed Mooge ee "I taageer Allahayow". Barnaamijku marka uu ka baxayo Xasan Axmed ayaa sheegi jiray halka warka loogu soo hagaajin karo Raadiyow Itoobiya oo aan ilaa hadda sidii uu u dhihi jiray aan u xifdisanahay: "Sanduuqa Boosta, 654, Addis Ababa, Ethiopia".
05:00 PM waxaa soo geli jiray barnaamijkii Dunida iyo Maanta ee BBC-da. Waxa uu ahaa barnaamijka ugu xiisaha badan guud ahaan dhulka soomaalida. Waxyaabaha xiisaha gaarka ah u yeelayay waxaa ka mid ahaa: waqtiga uu soo geli jiray, wareysiyada, baafinta, iyo barnaamij kale duwan oo mid ba maalin soo geli jiray, sida: Seyladda xoolaha (Sabti), Wargeysyada caalamka (Axad), ciyaaraha (Isniin), Macallinka Raadiyaha (talaado?), iyo Muusigga iyo Salaamaha (jimcaha) oo ahaa kan ugu xiisaha badan, markii danbe na loo wareejiyay barnaamijka Caawa iyo Caalamka. Wariyeyaasha soomalida BBC-da dhammaan waan wada aqaannay, weliba qaar ajnabi ah ayaan aqaannay sida: Will Rose (Bariga Afrika), Barbara Balet (Addis Ababa) oo uu badanaa Maxamuud Maxamed Cadde warbixinnadeeda akhrin jiray, iyo mid arrimaha dhaqaalaha ka faalloon jiray. Waxa se aan aan cid loo dhigo jirin oo ugu taageero badnaa Axmed Xasan Cawke AHUN iyo Aamina Muuse Weheliye oo barnaamijkii Muusigga iyo Salaamaha jimcaha daadihin jiray.
07:00 PM waxaa mar kale soo geli jiray Raadiyow Jabuuti. Inta badan waxaa ku jiri jiray barnaamijyo reer magaal oo aanan xiiso badan noo laheyn ilaa laga gaaro 08:30 PM markaas oo uu soo geli jiray Cashar Tafsiir ah, waan ka xumahay in aan lumiyay sheekhii tafsiirka aqrin jiray. Casharkaas si weyn ayaan ula socon jirnay, waana na saameeyay in badan. Waxa se aan ugu jecleyn qeybta u danbeysa oo la saari jiray qasiiddo Nabi Ammaan ah oo aanan ayadoo kale weligey hore u maqal. Dhowr iyo toban sano kaddib aniga oo qeyb ka mid ah sidii u xafidsan ayaan maalin dhaweyd barta YouTube ka helay. Waa qasiisadda Sheekh Cali Xuseen ee miraheedu towxiid iyo wacdi wada yihiin:
- Dad Allow adduunyadu haddey aaya leedahay,
- Ama uu ifkani yahay aqalkii runta ahaa,
- Kii loo abuuraa intifaacsan laayee,
- Sey Abaa Hureyriyo wariyeen Asxaabtii,
- Ayaamuu ka qadi jiray dhuunigiyo oontee,
- Ashahaata oo qira udgoonow rasuulkii.
- Hooris:
- Axad weeye Eebboo Samad weeye Eebbee,
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
- Jiib:
- Laa ilaaha illaLaah laa ilaaha illaLaah
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
- Qalbigii ogsoon baa Alle ka cabsanaayee,
- Carrabkii islaamaa ashahaadanaayee,
- Indhihii baqaayaa ka ilmeeya naartee,
- Dhegta maqasha eedaan buu Alle ashtakeeyee,
- Ogobeey salaadduna waa faral addoonkiyo,
- Ilaahey u dhaxeysoo waana adhaxda diintee.
- Hooris:
- Axad weeye Eebboo Samad weeye Eebbee,
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
- Jiib:
- Laa ilaaha illaLaah laa ilaaha illaLaah
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
- Qowlkii Ilaahey Alraxmaan sidey tidhi,
- Axadkii la baray iyo kii loo akhriyayow,
- Af waa maqashay caasiga aargudashadiisee,
- Ololkii jaxiimiyo uubaha ka yaaboo,
- Ha ayidin Ibliiskee ka adkow nafteeda!
- Hooris:
- Axad weeye Eebboo Samad weeye Eebbee,
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
- Jiib:
- Laa ilaaha illaLaah laa ilaaha illaLaah
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
- Ma oggola arwaaxdani amarkii rasuulkoo,
- Kii Aadan diidaa ku ugaarsanaayoo,
- Inuu seejo aayaha axdi buu ku qaadoo,
- Ehlunaarku wow nacab ruuxii islaamee,
- Ehebada laciinkuna Qul-acuudu weeyee,
- Waa laga adkaadaaye u irkada rasuulka.
- Hooris:
- Axad weeye Eebboo Samad weeye Eebbee,
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
- Jiib:
- Laa ilaaha illaLaah laa ilaaha illaLaah
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
- Aadmigu awood maleh waana udub dhacaayoo,
- Kii itaal ku faanana Israaiil ma daayee,
- Ninna aabbihii iyo lama raacsho ubadkoo,
- Waxa lagu ekaadaa edeggii xabaashoo,
- Waana aqal madow oo aagaaraadam weeyee,
- Istiqfaarta Eebbiyo camalkaa ileysee!
- Hooris:
- Axad weeye Eebboo Samad weeye Eebbee,
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
- Jiib:
- Laa ilaaha illaLaah laa ilaaha illaLaah,
- Allaah laa ilaaha illaLaah.
Ugu danbeyn 09:00 PM ayuu soo gali jiray barnaamijkii Caawa iyo Caalamka. Waqtigaas aad uma xiisa badneyn, balse markii danbe barnaamijkii Muusigga iyo Salaamaha ee jimcaha ayaa loo soo raray oo xiisihiisii wata.
Sidaas ayaan habeenkii ku seexan jirnay habeenkii annaga oo wacaalka dunida la soconna, wacdi iyo diin dhageysannay, madadaalo iyo maaweelo na helnay.
W/Q: Cilmi Faradheere, Sebteembar, 2021.
- Garaar4@gmail.com