Category - Suugaan

Suugaanta Abwaan Maxamed Maxamuud Qaaqaay: Qeybta 1aad

Cilmi Faradheere
  • Cilmi Faradheere

Horta yaa abaal gala? Hadduu jiro se yaa gudi?

Halkan waxa aan ku soo gudbineynaa muunad kooban oo ka mid ah waxsoosaarka suugaaneed ee Abwaan Maxamed Maxamuud Qaaqaay oo ahaa abwaankii iyo guddoomiyihii kooxdii Onkod ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed. Waa 20 heesood oo ka mid ah heesaha iyo suugaanta badda ah ee Abwaanka. Heesaha waxa aan ku xusnay fannaanka ku luuqeeya iyo muumad erayada heesta ka mid ah. Hooballada ugu badan ee heesaha Abwaan Qaaqaay qaada waxaa ka mid ah: Muuse Ismaaciil Qalinle, Cabdullaahi Cumar Xarrago, Kinsi Xaaji Aadan, iyo Sahra Mire Weheliye oo dhammaantood kooxdii Onkod ee uu Abwaanku guddoomiyaha u ahaa ka tirsanaa.

1. Mataankaygii Geed Qari: Kinsi Xaaji Aadan & Cabdullaahi Cumar Xarrago:

  • Kinsi:
  • Iga maqan i moogaa!
  • Maantaankeygii geed qariyeey,
  • Anna maanta caashaqa,
  • Sida madiga hooyadii,
  • Kama celisa mowkaba,
  • Marka ay jalleecdaba,
  • Hadba meel i damaqdaa,
  • Muxibbadu i sidataa!
  • Xarrago:
  • Kala mudan marleey dumar,
  • Miciinkaagii rag yahayee,
  • Anna maantaba caashaqa,
  • Sida maayad hoosaa,
  • Maaxaaya halistaba,
  • Marka uu hafanayaba,
  • Hadba hir igu meeraa,
  • Mowjaddu i sidataa!

2. Heesta Nabarka Caashaqa: Kinsi Xaaji Aadan:

  • Halkuu nabarka caashaqu,
  • Naafeeyay beri hore,
  • Naxdinli'i ha taabanine,
  • Waa naruuro sheekadu,
  • Waa nasteexo eegmadu,
  • Naf wac jeceli soo noqo,
  • Kolleey kama nagaatee,
  • Niyaddeyda ma ogtahay?

3. Heesta Howeyn Dhalay: Kinsi Xaaji Aadan iyo Muuse Ismaaciil Qalinle:

  • Kinsi:
  • Horweyn dhalay la aragyoo,
  • Haleelada la maalyoo,
  • Hasha guran la tebi waa,
  • Haddihii na madhanaa,
  • Nin uu helayna heynwaa,
  • Ama heybiyoo dookh,
  • Ama haatan ii sheeg,
  • Laba aan is huri karin,
  • Hal sideey u maalaan?
  • Qalinle: Hillaac roob la aragyoo, Geeddii loo hubqaadyoo, Gaadiid lama hayaan noqoy, Hilaygii na meel waa, Hadafkii na kaa maqan, Amba hooyo nabadeey, Amba soo hagaagoo, Sida hal iyo nirigteed, Hootanuuji caashaqa.

4. Lama-illaawaan: Shankaroon Axmed Yuusuf Sagal:

  • Laalaabka webiyada,
  • Shimbiruhu ku loolaan,
  • Laamaha biyaha xiga,
  • Raaxada lahiinsaday,
  • Sidoodaan u lalayaa,
  • Lahwigiyo jacaylkaa,
  • Soo labakacleeyaa,
  • Waa leyr qaboow oo,
  • Wuu laacayaa laacayaa,
  • Waa na lama-illaawaan!

5. Heesta Miyaan Kaa Bogsanayaa: Sahra Mire & Muuse Ismaaciil Qalinle:

  • Sahra Mire:
  • Mar baad belada kheyr iyo,
  • Aad ba'ayo mooddaa,
  • Booraan hadimo aragtaa,
  • Ood ka beyri weydaa,
  • Nafta meel u bixisaa,
  • Ood ugu bareedhaa;
  • Adigaa qalbiga baray,
  • Inuu kuu busuulee,
  • Adigaa indhaha baday,
  • Iney kuu basaasaan,
  • Niyadda na ku beerraa.
  • Miyaan kaa bogsanayaa,
  • Sida beer wax dhalay baa,
  • La ii kaa bidhbidhiyaa.
  • Qalinle:
  • Adduunyada barkeediyo,
  • Badankiisa aadmiga,
  • Adoo beri harraadaa,
  • Kuu siin lahaa biyo,
  • Boqollaal kun ruux baan,
  • Beddel kaaga dhigi laa;
  • Adigaa bil dhalataye,
  • Een baal ka eegaa,
  • Adaa calaf i kaa baray,
  • Igu kaa ballamiyaa,
  • Niyadda na ku beerraa,
  • Miyaan kaa bogsanayaa,
  • Sida beer la jaray baa,
  • Boggu ii babbanayaa!

6. Heesta Saldhigo: Muuse Ismaaciil Qalinle & Sahra Mire Weheliye:

  • Qalinle:
  • Jacaylku hadduu sir yahay,
  • Sokeeyaha laga qarsado,
  • Sigtaye waxaan fali lahaa,
  • Salaan ruux kuugu yimid,
  • Kalgacal kuu soo siyaartay,
  • Samaha maa lagu nacaa?
  • Dadkaa caashaqa sidkee,
  • Sokeeyaa kula wacnaa,
  • Sidaadaan noqon lahaa.
  • Sarriig dumar baa lahaayoo,
  • Sabaalo rag baa yaqiinne,
  • Saldhigo saldhigo saldhigo,
  • Saldhigo waa lagu sitaa!
  • Sahra Mire:
  • Jacaylku hadduu sabiib yahay,
  • La siiyo qofkii u baahan,
  • Sidiisa ba lama arkeen,
  • Siraadkuba waa damaa,
  • Sannado guuraba waqtigu,
  • Habeen waa kala socdaa,
  • Qof seeggani waa jiraa,
  • Su'aalaha qaar ka taga,
  • Sidaada na wow hadlaa!
  • Adaa ragga iila simanoo,
  • Hablaha kaaga ma sokeeyee,
  • Bal samir waan kaa socdaa!
  • Bal samir waan sii socdaa!

7. Heesta Dabeylaha: Kinsi Xaaji Aadan:

  • Diintiyo quraankii,
  • Lagu helay duciyo kheyr,
  • Nabaddiinadii iyo ducadii,
  • Wadaaddadu ma soo diri,
  • Doonis caashaqeygii,
  • May ii dacalla goobaan!
  • Xiddigaha nin degi jiray,
  • Ma ka faalliyaa dirir?
  • Dadka maqan ma sheegaa?
  • Dal dheer ma uga yeedhaa?
  • Doonis caashaqeygii,
  • May ii acalla goobaan!
  • Aniguna dabeylaha,
  • Dulkaboorle maw ahay,
  • Daalaadhac mooyee,
  • Dan waxaan u daayaa,
  • Duulkani imaba oga!

8. Heesta Dahab La Mood: Maxamed Axmed Kuluc & Kinsi Xaaji Aadan:

  • Kuluc:
  • Nin dabbaalanaayoo,
  • Doojanaayo wadaamo,
  • Hadduu roob ku darrooro,
  • Ma dareemo qoyaan,
  • Dabkii cashaqu ma ku gubay?
  • I damaqdaye dahab la moodyey,
  • Daraaddey maxaa ku gaaray?
  • Kinsi:
  • Nafta meel u dudeysa,
  • Damaqeeda xanuunka,
  • Waa u doog dhabataaye,
  • Deeqow araggaaga,
  • Dantii caashaqa ma hantiyay?
  • Qalbigii degyee dahab la moodyow,
  • Dorraato maxaan ku doonay!

9. Heesta Caashaqa Ma Baran: Kinsi Xaaji Aadan & Cabdullaahi Cumar Xarrago:

  • Kinsi:
  • Caashaqa ma baran weli,
  • Ma na beeninaayee,
  • Kuu bogaye inanyahow,
  • Sidee meel bugtiyo gacan,
  • Lagu kala bariiyaa?
  • Sidee ruuxa beer nugul,
  • Jacayl ugu bareeraa?
  • Baraad li'i u seexdaa?
  • Hadduu yahay barkumataal,
  • Abwaan uma balweeyeen,
  • Ma boqreen Hadraawi ba,
  • Beerlula ma sheegeen!
  • Xarrago:
  • Ninkii baacin jiray baa,
  • Gammaan loogu baaqaa,
  • Lama baajiyee calaf,
  • Kuu bogaye inanyahay,
  • Sidaad iigu beertaan,
  • Barbarkaaga taag nahay,
  • Sidaad ii bideysaan,
  • Abaalkeeda buuxshaa;
  • Xiisuhu ma ba'ayee,
  • Haddaad bixi adoon bogan,
  • Jacayl bi'iso nabadeed,
  • Ma ku sii ballamiyaa?

10. Heesta Caalamka Horumaray: Muuse Ismaaciil Qalinle & Sahra Mire Weheliye:

  • Sahra & Qalinle:
  • Caalamka horumaray,
  • Cirka sahamada u diray,
  • Calamada dayaxa suray;
  • Ciiddana barwaaqada,
  • Ceyn kastaba la soo baxo,
  • Cilmiguu adeegsaday;
  • Cid ku dhalatay mey jirin,
  • Maxaa caajis inna baday?
  • Cilladooyin baa jira,
  • Haddii aan cayima qaar,
  • Ceyr saboola maahine,
  • Cududaan wax lagu qaban,
  • Camal la'aan la foofeyn,
  • Shax ciyaarayaa badan,
  • Ma cid waanisaan jirin?
  • Carrigaan ku nool nahay,
  • Ciiddiisu waa hodan,
  • Cilmi iyo aqoon ba leh,
  • Ciidan leysu kaashado,
  • Ma cid baa innoo maqan?
  • Coodka faraha badanee,
  • Subagga iyo caanaha,
  • Cadku nooga soo baxo,
  • Markii aan cayiliyaba,
  • Haddaan caalamka u diro,
  • Doollar inaan ka ciilbixi,
  • Cid miyaan ogeyn weli?

11. Heesta Gugeygaa Labaatan ah: Cabdi Baaddil & Sahra Mire Weheliye:

  • Cabdi Baaddil:
  • Gugeygaa labaatan ah,
  • Oo geeleygi baa dhalayeey,
  • Gowlaa la ii dhigayeey,
  • Guntigaan shawlaha dhigayeey,
  • Waxaan goobayaan helayeey,
  • Garab rarato maahiye,
  • Ninka guri leh baan ahayey.
  • Sahra Mire:
  • Gugeygaa labaatan ah,
  • Gabar ugub ayaan ahay,
  • Guudkaan furfurayaa,
  • Ganbaa la igu xirayaa,
  • Waxaan goobayaan helay,
  • Gabar iyo garoob maahiye,
  • Galbis baan sugaayaa.

12. Heesta Sida Dhaabka Malabka: Cabdulqaadir Aargute:

  • Sida dhaabka malabka,
  • Ama dhaayda caanaha,
  • Ama dhibicda roobkoo,
  • Oo weelka loo dhigay,
  • Ayadoon dhulkaba tagin,
  • Waxaan soo dhaweeyaa,
  • Garashada dhabtaa iyo,
  • Sheekada halkaad dhigi,
  • Dhageysiga warkaagana,
  • Waan u dhuun daloolaa,
  • Waanan sii dhadhamiyaa.

13. Heesta Garmasuge Jacayl: Muuse Ismaaciil Qalinle & Sahra Mire Weheliye:

  • Qalinle:
  • Hillaac galalacleeyiyo,
  • Gudgudaha habeenkii,
  • Gabaddanada roobka leh,
  • Galalkoo biyoobiyo,
  • Gacamada xareedda leh,
  • Adoo geelu kuu dhalay,
  • Haddaad godan barwaaqaa,
  • Guryasamo ku ooddoo,
  • Aad se godol ka weydaa,
  • Miyaad gocasho deysaa?
  • Maxaa jira nin guursaday,
  • Oon helin gedduu rabay,
  • Dhallinyaro geyaan ah,
  • Garanwaa ku kala dhacay!
  • Sahra:
  • Wiyil kugu gedooddiyo,
  • Gar ma sugo jacaylkuye,
  • Markay kula gudbooneyd,
  • Adaan goosan taladee,
  • Dhulkoo gelin abaareed,
  • Ka gu’ iyo ka goor aan,
  • Cirku guudka uga iman,
  • Gaadiid ku qaadiiyo,
  • Haddaad garasho leedahay,
  • Maa geeddi lagu nageeyaa?
  • Maxaa gaari aan arageey,
  • Wax u guda abaalkeedeey,
  • Gabar aan ninkeed helineey,
  • Guuxu weligii soo jiray!

14. Heesta Horta Yaa Abaal Gala?: Kinsi Xaaji Aadan & Cabdullaahi Cumar Xarrago:

  • Kinsi:
  • Caashaqu hadduu go’o,
  • Xaggey gacalo soo mari?
  • Laba guur ku kulantiyo,
  • Laba gaar isugu wacan!
  • Garashooy maxaad noqon?
  • Gacan gacan wax siisiyo,
  • U gargaarta yaa heli?
  • Horta yaa abaal gala?
  • Hadduu jiro se yaa gudi?
  • Xarrago:
  • Caashaqu hadduu go’o,
  • Maxaa adiga kaa galay?
  • Laba aan is garan iyo,
  • Laba gooni kala maray,
  • U garqaadi adiguna?
  • Gacan gacan wax siisiyo,
  • U gargaarta yaa raba?
  • Horta yaa abaal gabay?
  • Hadduu jiro se yaa gaday?

15. Heesta Buseyl: Kinsi Xaaji Aadan:

  • In jacaylku ba’an yahay,
  • Webi soo butaaciyo,
  • Aleel yahay bad lagu riday,
  • Dibna aan u soo bixin,
  • Baxsanow ma moogtay,
  • Miyaan kaaba beyraa,
  • Sida curad an socod baran,
  • Hooyo ugu buseeshaan,
  • Anne kuugu baahnahay!

16. Heesta Anaa Xeeradii Furfuray: Kinsi Xaaji Aadan:

  • Ficil jacaylow farsama xume,
  • Anigaa falayoon ka fiirsan,
  • Anaa xeeradii furfuray,
  • Fagaaraha loo bandhigay,
  • Intaanan figta qaban xarkaha,
  • Haddaan qalad kaa filaayo,
  • ma feydeen, ma feydeen,
  • Halka aan ka furay ma feydeen.

17. Heesta Jacaylkii ii ladnaa: Cabdullaahi Cumar Xarrago:

  • Jacaylkii ii ladnaa,
  • Ma liidani kaan lahaa,
  • Lib helay roobkuna u da'ay,
  • Labeen dheyladu ku tiil,
  • Inaad u lalabin abaaree,
  • Luggoyso ayaan maleyn,
  • Ha liidine daa lahwiga,
  • Larkaagaa igu lamaanee.

18. Heesta Inan waa la doonaa: Cabdullaahi Xarrago & Canab Diiriye:

  • Xarrago:
  • Inan waa loo doonaa,
  • Waalid laga duceystaa,
  • Dadab lagu aroosaa,
  • Ama Caashaqaa dira,
  • Midow dooqu raacsheey,
  • Farxad kula dakeysaa,
  • Markaan dowga eegnana,
  • Dumar qabiddu wow sharaf,
  • Dibadmeerku wow ceeb!
  • Jacaylkuna halkuu dego,
  • Ma yaqaan ka doorsee,
  • Sidan doodda kuu idhi,
  • Waa inaad u deristaa.
  • Canab Diiriye:
  • Adoon docba iga heyn,
  • Sida doqonta loo diro,
  • Iga doontay hadalkee,
  • Deyma aragti caashaqu,
  • Hadduu dadabsi kugu galay,
  • Dalab iyo nasiibkaa!
  • Markaan daacad eegnana,
  • Doollaha libaax iyo,
  • Damac waalanaa raggu!
  • Jacaylkuna asoon degin,
  • Miyaa debad la keenaa,
  • Sidaad doodda ii tidhi,
  • Miyey daw ba kugu tahay?

19. Heesta Weheshigeennii: Sahra Mire Weheliye:

  • Sida waalidkii i dhalay,
  • Kaan weer san mooyee,
  • Waxyeellada ka dhowr lahaa,
  • Oo waageerka beerkiyo,
  • Waaxyaha jirkaygiyo,
  • Wadnahayga yiillayow,
  • Waalalowga caashaqu,
  • Isu kay dulwarayow,
  • Waqlashee arooskeenna,
  • Wankeedii an qalayee,
  • Wadaaddada u loogaa,
  • Wacadkii aan dhiganniyo,
  • Hadduu wiiqay taladii,
  • Welwel iyo dhibaatiyo,
  • Aney wadhi i raacdee,
  • Hohey weheshigeennii!

20. Heesta Deebaaq: Cabdulqaadir Xasan Nageeye & Sahra Mire Weheliye:

  • Nageeye:
  • Nin daruurta joogoo,
  • Dayax heysan baan ahay,
  • Deebaaqda caashaqa,
  • Nin darduurtay baan ahay!
  • Ruux kuu dibboodoo,
  • Daadduun ah baan ahay,
  • Nin dartaa maraan ahoo,
  • Deedaayaa baan ahay!
  • Doqu ceynad badanaa,
  • Dumar xiiso badanaa,
  • Anoo kuu dunuunucay,
  • Weli maad digiigixan!
  • Sahra:
  • Dugsigii aqoonli'i,
  • Dabka fuulay baad tahay,
  • Doqoshida nin eegtoo,
  • Ku dayoobay baad tahay!
  • Dirri aan wax maqaloo,
  • Warku deeqin baad tahay!
  • Nin iskii u daaloo,
  • Dabarboodayaad tahay!
  • Dadku kala nasiib roon,
  • Damanaantu waa dhalan!
  • Adoon doobi soo culan,
  • Duuduubo heylaha!

W/Q: Cilmi Faradheere, Geeljire Times

  • Garaar4@gmail.com