Category - Taariikh

Dagaalkii Biyamaal iyo Talyaaniga ee Koobaad, 1904–1905.

Cilmi Faradheere
  • Cilmi Faradheere

Talyaanigu maxay ka qoreen?

Afeef: Qoraalkan waa mid guudmar ah oo ay Talyaaniga oo hal dhinac ah ka qoreen dhacdooyinka uu ka hadlayo, xogta ku jirta na waa sidii ay isha Talyaaniga ugu qorneyd.

Ciidankii Talyaaniga ugu horreeyay ee dhulka Soomaalida yimid.

Wixii ka horreeyay sannadkii 1904, Talyaaniga dhulka Soomaalida wax ciidan ah kama joogin. Dalka waxaa u joogay shirkado ganacsi iyo saraakiil qunsullo oo kale ah oo ku ekaa magaalooyinka xeebaha ee Koonfurta Soomaaliya. Maamulka iyo ganacsiga magaalooyinka Muqdisho, Marka, Baraawe, iyo dhulka ku xeeran waxaa u xilsaarneyd shirkad lagu magacaabi jiray "Societa Anonima Del Benadir". Arrimaha waqtigaas muhiimadda gaarka u lahaa Xoogagga reer Yurub oo indhaha lagu wada hayay waxaa ka mid ahaa ciribtirka Addoonsiga, kaddib Shirkii Brussels ee Addoonsiga ka dhanka ahaa (Brussels Anti-Slavery Conference 1889–90).

Dhamaadkii sannadkii 1902 ayaa dowladda Talyaaniga, gaar ahaan shirkaddii Societa Anonima Del Benadir lagu soo eedeeyay in aaney daacad ka aheyn ciribtirka Addoonsiga, oo uu weli addoonsi ka jiro dhulka Soomaalida ee Talyaanigu sheeganayay. Baarlamaanka Talyaaniga ayaa arrintaas looga dooday, baaritaanno la sameeyay na waa lagu xaqiijiyay in dhulka Soomaalida weli addoonsi ka jiro. Sebteembar 1902, mar la soo rogay amar ah in la xoreeyo dhaammaan dadka la addoonsado, waxaa ka carooday dadkii addoomada heystay.

Arrimaha muran badan abuuray waxaa ka mid ahaa dadkii la addoonsanayay oo u baxsanayay magaalo-xeebeedyada uu Talyaanigu joogay. Qofka ka daba yimaada ruux uu addoonsan jiray oo ka baxsaday waxaa la siinayay lacag magdhow ah oo 40 ilaa 60 shilin ah, ayaga oo qorshuhu ahaa in si tartiib-tartiib ah Addoonsiga loo ciribtiro. Hase yeeshee markii uu koror ku yimid qiimaha dadka la kala siisto, ayay dadkii magdhowgii diideen, ayaga oo dalbaday in addoomadooda loo soo celiyo, arrinkaas na waxaa taageerayay hoggaanka reeraha.

Dowladda Talyaaniga oo Siyaasaddeedii Gumeysiga Beddeshay!

Sannadkii 1904 ayay dowladda Talyaanigu beddeshay siyaasaddeedii ku aaddaneyd Soomaaliya, waxaa na dhammaan masuuliyadihii siyaasad iyo maamul laga xayuubiyay shirkaddii Societa Anonima del Benadir, ayada oo dowladda Talyaanigu toos ula wareegtay arrimihii siyaasadda, shirkaddii na waxaa lagu soo koobay shirkad ganacsi, warshadeyn, iyo beeraha ka shaqeysa.

Markii ay dowladdii Talyaanigu tallaabooyin u qaadday dhaqangelinta ciribtirkii Addoonsiga, waxaa billowday isku-dhacyo iyo fowdo markii hore goos goos ahaa, ugu danbeyn na sababay in ay kacdoon sameeyaan dhammaan reeraha Biimaal.

Dhulka Biimaal: Badda ilaa Webiga, Raas Baqal ilaa Mungiya.

Biyamaal degaankoodu waxa uu ahaa inta u dhexeysa xeebta badweynta iyo webiga Shabeelle laga billaabo Raas Bagal ilaa Mungiya. Biyamaal waxa ay ahaayeen dad siyaasad ahaan isku xiran, tiro ahaan badan, hoggaankooda u daacad ah, beeraley iyo xoolodhaqato ah. Waxa ay ahaayeen dagaal yahanno khibrad badan ka helay dagaalladii soojireenka ahaa ee kala dhexeeyay reeraha la deriska ah.

Saansaantii colaadda ee ugu horreysay waxa la dareemay sannadkii 1903. Xaaji Cali Ciise oo ahaa caaqil Biyamaal ah ayaa dhowr jeer codsaday in dib loo soo celiyo addoomada ka baxday ee magangalay Talyaaniga magaalada Marka. Sidoo kale, waxa uu ku hanjabay in dhibaato dhici doonto haddii aan la beddelin sarkaalkii Talyaaniga Marka madaxda uga ahaa oo lagu magacaabi jiray Mr. Monti.

Nin Giriig ah oo la dilay iyo Magaalada Marka oo go'doon ah!

Diseembar 9, 1903, nin Giriig ah ayay Biyamaal toorreey ku dileen. Markaa wixii ka danbeeyay na Colaadda ayaa weji kale yeelatay kaddib markii ay wadaaddadu Jihaad ku baaqeen, ayaga oo diiday in wax waanwaan ah lala galo Talyaaniga. Dhowr kun oo Biyamaal ah ayaa na gebi ahaan ba hareereeyay magaalada Marka, ayaga oo magaalada dhinca dhulka ka go'doomiyay. Sidoo kale, weerarro ayay ku qaadeen degaannada Marka ku xeeran ayaga oo ka hortagaya in wax safar ah u gudbaan magaalada, qofkii magaalada ka soo baxa na wey dilayeen.

Kaddib go'doomintii magaalada Marka waxaa ka dillaacday macluul, waxaa na qasab noqotay in badda loo soo mariyo cunto laga soo daabbulay magaalooyinka Muqdisho, Baraawe, iyo Zanzibar, ayada oo dowladda Talyaanigu isku dayeysa in ay go'doonka xal u hesho.

Meey 22, 1904, ciidan Talyaani 202 qori ku hubeysnaa oo uu watay Xiddigle Molinari ayaa Muqdisho ka soo baxay. Waxa ay isu qeybiyeen laba horin oo aay kala hoggaaminayeen Xiddigle Molinari iyo Xiddigle Raggusa. Ciidan kale oo uu hoggaaminayay guddoomiyihii Marka ayaa ayagu na magaalada Marka ka soo baxay si ay ciidanka Xamar ka imanaya jid ay magaalada ku soo galaan ugu furaan. Ciidankii Marka ka soo baxay isla markii ba waxaa ka horyimid ciidankii Biyamaal, ku na qasbay in ay difaac ka xirtaan halka loo yaqaan Ceel Cadcaddeey. Ciidankii Xiddigle Molinari ee Muqdisho ka yimid ugu horreyn waxa ay ku hakadeen Jaziira, mar kale na Gendershe oo dhacda burjada Banzale.

Dagaalkii Banzale!

Meey 24, 1904, lixdii aroornimo, mar uu ciidankii Talyaanigu soo dhaqaaqay, waxaa weerar gaadmo ku qaaday 1,000 Biyamaal ah oo saarnaa taagagga Banzale, halka qaar kale weerarro dhabarjebin iyo docdhawyo ah gadaal iyo dhinacyada kaga keeneen. Ciidanka Talyaanigu waa ay isdifaaceen ayaga oo rasaas huwiyay, halka ciidanka Biyamaal ay ku dagaallamayeen kaliya warmo iyo leebab, wax dab ah na aaney heysan. Halkaas dhibaato badan ayaa ku gaartay ciidankii Biyamaal.

Ciidankii Talyaaniga oo sii socday markii ay dhaafeen halka loo yaqaan Jilib (ma ahan Jilibta Jubba), ayay mar kale ciidan Biyamaal ah jidka u galeen, halkaas na dagaal kale oo aan khasaarihiisa la soo tebin ayaa ka dhacay. Markii ay ciidankii Marka gaareen ee ay difaacii magaalada xoojiyeen, Biyamaal waxa ay sii xoojiyeen go'doomintii, ayada oo magaaladu sahayda ka heleysay kaliya dhanka badda.

Talyaaniga oo Ciidamo Dheeri ah Dalbaday!

Isla waqtigaas, Talyaanigu waxa ay xoojiyeen difaacii magaalooyinka ayaga oo ciidankoodii hubeysnaa ee loo yaqiin Ciidanka Ilaalada Banaadir oo markaas ahaa 600 oo askari kordhiyay gaarsiiyay na 1,200 oo nin. Ciidankaas dhowr horin ayaa Marka loo diray kuwaas oo ku guuleystay in ay difaaca magaalada xoogaa durkiyaan, markaas ayay Marka meel ay ku neefsato heshay kaddib dhowr bilood oo deyrarkeeda lagu hareereysnaa.

Janaayo 21, 1905, horin ciidan ah oo uu taliye ka ahaa Xiddigle Oglietti ayaa lagu weeraray halka loo yaqaan Cigalle, ciidankii Biyamaal oo tiro ahaan badnaa dib ayay u gurteen kaddib markii rasaas la huwiyay, xoolo ay wateen na waa laga dhacay. Bishii Luulyo ee isla sannadkaas, Biyamaal ayaa xoolo ay ciidanka waardiyaha Marka heysteen ka dhacay. Kabtan Pantano oo ciidan dhowr boqol ah watay ayaa raacdeeyay xoolihii la dhacay, waxaaney uga dabatageen halka loo yaqaan Buulo Jaq, halkaas na dagaal ayaa ka dhacay ay Talyaaniga xoolihii ku soo celiyeen.

Bishii Agoosto, ciidan uu watay Kabtan Pantano oo ay taliyaal horin ka ahaayeen Gibelli, Vitali, iyo Bettazzi ayaa Marka ka baxay oo Dhanaane u jiheystay si ay jidka ugu galaan awr safar ah oo Muqdisho ka imaaneysay. Habeenkii Agoosto 27, ciidankii Talyaaniga oo Jilib fadhiya ayay soo weerareen ciidan Biyamaal 400 oo nin ah. Halkaas dagaal xooggan ayaa ka dhacay, waxa ay dhaawaceen taliyihii ciidanka Kabtan Pantano iyo saddex askari oo kale, dhanka ciidankii Biyamaal na waxaa laga dilay 10 nin oo ay goobta dagaalka uga tageen.

Dagaalkii Mellet!

Oktoobar 14, 1905, dagaal kale ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Mellet oo magaalada Marka koonfur-galbeed ka xigta. Ciidan Talyaani 190 nin ah oo uu watay Xiddigle Vitali oo ka soo laabtay sahan yoolbaar ah oo ay dhulka Biyomaal ku bixiyeen, ayaa jidka loo galay. Toddobadii subaxnimo ayay 500 oo Biyamaal ah weerar gaadmo ah ku ekeeyeen ciidanka Talyaaniga. Ciidankii Biyamaal halkaas na waxaa uga dhintay 60 nin.

Kaddib dagaalladii is xigxigay, xaaladda Marka ayaa soo hagaageysay, reerihii Biyamaal ee aagga Marka ugu dhow degganaa na waxa ay muujiyeen xoogaa dabacsanaan ah, halka reerihii kale ee fogaa ay weerarradii hakiyeen. Dagaalkii Biyamaal iyo Talyaanigu se sidaas kuma joogsan oo weerarro lagu hoobtay ayaa dhici doona sannadaha soo aaddan.

Iftiimin: Waxaa xusid gaar ah mudan dhimashada ciidanka Biyamaal ee ay Talyaanigu qoreen kaliya waa intii goobta looga tagay. Intii meesha laga qaaday ama dhaawac soo gaaray u dhimatay lama yaqaan.

Tixraac: Aarkiifiyada Wasaaradda Dagaalka Talyaaniga.

W/Q: Cilmi Faradheere, Janaayo 28, 2022. Garaar3@hotmail.com