Category - Taariikh

Dagaalkii Dhanaane Biimaal iyo Talyaaniga, iyo Waayihii Banaadir iyo Dhoobooy, 1906–1907.

Cilmi Faradheere
  • Cilmi Faradheere

Sannadguurada 115aad iyo Xuska Halgamayaashii ku shahiiday Weerarkii Dhanaane, Febraayo 10, 1907.

Afeef: Qoraalkani waa mid guudmar ah oo ay Talyaaniga oo hal dhinac ah ka qoreen dhacdooyinka uu ka hadlayo, xogta ku jirta na waa sidii ay isha Talyaaniga ugu qorneyd.

Isfidintii Talyaaniga

Kaddib markii uu hakaday dagaalkii Biyamaal iyo Talyaaniga ee socday sannadihii 1903–1905, dhibaato badan na ay soo gaartay reerka oo dagaal la galay cadow dab heysta ayaga oo hubkii soojireenka ahaa kaliya ku dagaallamayay, gumeystihii Talyaaniga oo nefis helay ayaa sii waday qorshihii isfidinta ee Koonfurta Soomaaliya. Bilihii ugu horreeyay ee sannadkii 1906, Talyaaniga ayaa gaaray oo shirar u qabtay reeraha Shabeellada Hoose qaar ka mid ah; Geledi, Hintire, Sheekhaal, iyo Biyamaal qeyb ka mid ah.

Luulyo 1906, ciidan 400 oo askari ah oo Marka ka baxay ayaa magaalada Baraawe tagay, nabad na ku soo laabtay, taas oo ay Talyaanigu ku fasirteen in khatartii yaraatay. Waqtigaas waxaa si xoog leh Koonfurta Soomaaliya u soo gaaray hub Jabuuti laga keeni jiray. Sidoo kale na Daraawiishtii oo nabad ku saldhigatay Nugaal kaddib heshiiskii ay Ingiriis iyo Talyaani la gaareen ayaa guubaabo ilaa Kismaayo gaareysay ka waday Koonfurta Soomaaliya. Reerka Ajuuraan ayaa si gaar ah loo xusay in ay qoryo rayfal ah ku hubeysnaayeen.

Saameynta Xiriirkii Daraawiishta

Diseembar 1906, waxaa socdaal uu Daraawiishta Nugaal ugu tagay ka soo laabtay nin lagu magacaabo Cabdi Yuusuf Suleymaan (reerkiisa lama sheegin), waxaa na la socday labo Darwiish oo Hubeer ah, waxa ay na billaabeen guubaabo adag oo Talyaaniga ka dhan ah.

Sheekh Maxamed Cabdulle Xasan, in kasta oo uu markaas Talyaaniga heshiis la ahaa, waxa uu u sheegay Biyamaal iyo reeraha kale ee Talyaaniga diiddan, in ay u soo diraan 100 wiil oo ay Daraawiishtu tababaraan hub fiican na siiyaan, iyo 40 rati oo saanad loogu raro. Howshaas waxaa isku dayay in ay abaabulaan reero Biyamaal ka mid ah, gaar ahaan Suleymaan iyo Ismiin, balse kuma ay guuleysan in ay raggii iyo awrtii diraan. Farriintii Daraawiishtu waxa ay gaartay reerka Wacdaan Cismaan, Mudullood oo ka mid ahaa reeraha ay Talyaaniga col ahaayeen. In kasta oo uu ku boorriyay Sheekh Xaamid Xaaji oo Talyaaniga si weyn uga soo horjeeday, Wacdaan waa ka biyodiideen in ay magaalada Marka weeraraan.

Ciidanka Talyaaniga ee Xeebta iyo Webi Shabeelle

Talyaanigu markaas waxa ay xoogga saarayeen oo ay ciidan badan isugu geeyeen jiidda xeebta iyo nabadgalyada isu socodka magaalooyinka Muqdisho, Marka, iyo Baraawe. Ciidamo Talyaani ah oo Marka ka tagay uu na watay Kabtan Pantano ayaa sahan yoolbaar ah ku soo maray tuulooyinka Kaaytooy, Siigaale, Jannaale, Malable, Mushaani, Waagaadi, Buulo Waraabe, iyo Golweyn, kaddib na si nabad ah ugu laabtay xaruntoodii oo Mungiya aheyd.

Kaddib markii uu warbixinnadaas helay, Cerrina Feroni oo ku-sime maamulka Talyaaniga u ahaa, ayaa dowladda Talyaaniga ee Rooma talo ugu soo jeediyay in Talyaanigu fariisimo ka sameysto goobo ka mid ah Webiga Shabeelle, waxaanu yiri: "Waxaa jirta fursad ah in aan qabsanno goobo ka mid ah webiga, ka daahitaan dhowr bilood oo dheeri ah waxa aan ku lumin karnaa wixii noo kordhay ilaa hadda, waxaa na jirta halis ah in guubaabada Daraawiishtu soo laabato oo dib u soo cusboonaato." Dhab ahaan waqtigaas hubka Jabuuti laga keenayay aad ayuu u kordhay Koonfurta Soomaaliya, gaar ahaan aagga webiga Shabeelle ku xeeran. Waxaa na la soo tebiyay in Daraawiishtu reeraha koonfurta qaar ka mid taageero ka heshay. Dhanaane iyo Jasiira, Shabeellada Hoose, waxaa la isugu keenay ciidan iyo awr la doonayay in xarunta Daraawiish loo diro.

Shirkii Biimaal ee Mooyaalow

Bishii Febraayo 1907, Biyamaal waxa ay qorsheeyeen in tuulada Mooyaalow ku qabsadaan shirweyne ay isugu imaanayeen 2,000 oo Biyamaal ah oo aragtida Daraawiishta la dhacsanaa. Markii ay Talyaanigu ka warheleen shirkaas, waxa ay Muqdisho ka soo direen ciidan 250 oo askari ah oo uu taliye u ahaa Xiddigle Pesenti, ciidan kale oo 300 oo askari ah oo uu taliye u ahaa Xiddigle Streva na Marka ayay ka soo dhaqaaqeen. Barkulanka labada ciidan waxa uu ahaa Mooyaalow, ujeedka howlgalka ayaa na ahaa qabashada Mooyaalow, kaddib na ceelasha Dhanaane. Barqanimadii Febraayo 9, 1908, ayay labada ciidan ee Talyaanigu ku kulmeen Ceelka Baqal, ayaga oo Mooyaalow ku sii jeeda.

Duullaankii Talyaaniga

Markii ay ka warheleen in duullaan ku soo fool leeyahay, ciidankii Biimaal waa ka baxeen Mooyaalow. Xiddigle Streva ayaa warqado u diray hoggaankii reeraha Biimaal, asaga oo ugu baaqay in ay isdajiyaan. Waxaa kale oo uu u sheegay in Dhanaane ciidanka Talyaaniga degayo ee ay halkaas si nabad ah ugu yimaadaan. Dhanaane markii ay Talyaanigu yimaadeen durba waxa ay ka sameysteen xero ay difaac adag ku wareejiyeen. Ciidankii Talyaaniga markii ay cidna u iman weyday ayay hubsadeen in ay Biimaal dagaal u diyaargaroobeen, waxaa kale oo loo sheegay in aaney Biimaal ka tanaasulin shirkii ay Mooyaalow ku qabsan rabeen. Markaas ayuu Streva amray in tuuladii Mooyaalow gebi ahaan ba la baabi'iyo, waa na la tirtiray.

Weerarkii Biimaal ee Dhanaane Feb 10, 1907

Habeenkii Febraayo 10, 1907, abbaare 3:15 AM, ciidan Biimaal ah oo qiyaastii 2,500 ah ayaa gudcurkii weerar gaadmo ah ku qaaday xeradii ciidanka Talyaaniga, afarta jiho ayay na xerada ka soo hujuumeen. Kaddib dagaal ba'an oo gacmaha la isula tagay, abbaare 4:00 AM ayay ciidankii Biimaal dib u gurteen. Halkaas ciidanka Biimaal oo markan na aan wax dab ah heysan waxaa uga shahiidday 150 nin, halka 200 in ka badan la dhawaacay. Dhanka Talyaaniga waxaa looga dilay hal askari, Xiddigle Pesenti, oo ahaa taliyaha ciidanka Muqdisho ka yimid, iyo 24 askari oo kale na waa laga dhaawacay. Ciidankii Talyaanigu na isla subaxnimadii ayay meeshii ka baxeen, degaanka Jasiira ayuu uga horyimid ciidan gurmad ah oo dhaqtar la socday oo Xamar laga soo diray, Febraayo 12, ayay na Marka ku laabteen.

Xeradii Ciidanka Talyaaniga Dhanaane iyo weerarkii Biimaal

Sheekh Abuukar Sacmawaaye iyo Daraawiish

Markii jabkaas gaaray Biimaal, Wacdaan iyo Geledi oo Talyaaniga la col ahaa na aysan dagaalka ka qeybgalin, waxaa dhacay khilaaf iyo kala irdhow badan, balse guubaabada Talyaaniga ka dhanka ah waa ay sii socotay. Bishii Maarso, 110 nin oo Biyamaal ah oo watay 35 rati ayaa Nugaal u socdaalay si ay hoggaamiyihii Daraawiish Sayid Maxamed Cabdulle Xasan hub uga soo helaan. Safarkaas waxaa hoggaaminayay Sheekh Abuukar Sacmawaaye oo uu dhalay Sheekh Cashiir Sheekh Madow Mahad oo ahaa Sheekhii iyo hoggaamiyihii reerka Hintirre, Talyaaniga na si weyn uga soo horjeeday. Isla goortaas, ciidan Hintirre ah ayaa webiga ka soo tallaabay ayaga oo dhoolatus dagaal sameynaya.

Talyaaniga oo dagaal u diyaargaroobay!

Markii xaalka Dhoobooy uu gini colaadeed isugu biyashubtay, ayuu Cerrina Feroni dowladda Talyaaniga ka dalbaday in ciidamo iyo hub dheeri ah la la soo gaaro. Dowladda Talyaaniga oo codsigaas ka jawaabeysa ayaa Soomaaliya u soo dirtay ciidan 600 oo askari ah, 2,000 oo qorigacmeed, iyo 8 qori oo waaweyn oo labo jaad ah (4 Gardner mashine guns & 4 mountain guns). Markii ciidankaas soo gaaray ayay Talyaanigu fariisin ciidan oo 250 askari qaadda ka dhisteen Jilib (ma ahan Jilibta Jubba) oo u Marka u dhow.

Mar kale, safar cusub oo reeraha Biyamaal iyo Gelledi ah ayaa u anbabaxay xaruntii Daraawiish, suldaankii Gelledi oo markaas asagu Talyaaniga heshiis la ahaa waxa uu sheegay in uu ka xun yahay in safarkaas dhulka reerkiisa sii maray. Cerrina Feroni markuu arkay calaamado muujinaya colaad iyo iska caabbin dadban, waxa uu dalbaday in hoggaamiyaha Daraawiish dowladda Talyaanigu kala hadasho kicinta iyo taageerada uu siinayo reeraha Koonfurta Soomaaliya.

Warqaddii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Talyaaniga ayaa amray sarkaal Talyaani ah (Kabtan Capello) in uu markab qaato oo Sheekh Maxamed Ilig ugu tago. Markii uu sarkaalka Talyaaniga u xogwarramay, hoggaamiyihii Daraawiish waxa uu sheegay in uu la yaabban yahay ka na xun yahay in Biimaal magaciisa si qaldan u adeegsadeen, wax xiriir ah na aanu la laheyn, warqad ayuu na qoray ku socota Biimaal oo uu isaga beriyeelayo dagaalka ay Talyaaniga kula jiraan. Warqadda oo uu Sayid Maxamed gacantiisa ku qoray Abriil 13, 1907, nuxurkeedu waxa uu ahaa in Sayidku dowladda Talyaaniga heshiis la yahay, cid kasta oo sheegta in dagaalka ay Talyaaniga kula jiraan uu Sayid Maxamed ka taageerayo ay been sheegeyso. Biimaal iyo ciddii kale ee magaciisa dagaal ku abaabuleysaana ay ka beenabuuratay.

Talyaanigu markii ay warqaddaas muhiimka ah ka heleen hoggaamiyihii Daraawiish, in kasta oo aaney kalsooni ku qabin daacadnimada Sayidka, sida ay sheegeen, haddana waxa ay u direen dhammaan madaxdii reerihii koonfurta ee ay is lahaayeen Daraawiishta ayay u dhegraaricinayaan, hoggaankii Biimaal na si gaar ah ayay ugu direen ayaga oo hubsaday in ay aqriyeen. Cerrina Feroni warqado uu asagu qoray na waa u diray Biimaal, wax natiijo ah na kama gaarin oo Biimaal isma dhiibin.

Soomaalidu labo sano Jarmal ku noqon meyso!

Tommaso Carletti oo madaxa maamulka Talyaaniga ee Soomaaliya loo soo magacaabay sannadkii 1907, ayaa ka horyimid soo jeedintii Feroni ee ku aaddaneyd in goobo Webiga Shabeelle ah la qabsado waqtigaas. waxa uu aaminsanaa in sannad ilaa labo sano dib loo dhigo oo si fiican loogu diyaargaroobo, si looga fogaada dagaal laga baaqsan karo iyo dhiig badan oo qubta, waxaanu yiri: "u maleyn maayo haddii aan webiga tagno waqtigaas [1–2 sano kaddib] in ay naga hor imaan doonaan guutooyin Soomaali ah oo ku hubeysan qorigacmeedyo iyo madaafiic, loo na carbiyay tabta Jarmalka! /// I don't think that going to the river in that period we will find ourselves facing battalions of Somalis armed with rifles and cannons, and instructed in the German style!".

Soomaalidu nama necba ee waa ay naga baqayaan!

Warbixin uu Carletti u diray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Talyaaniga Sebteembar 24, 1907, ayuu mar kale ku difaacay mowqifkiisii ahaa in marka wax walba oo kale la diyaariyo si dhib yar webiga lagu qabsado. Waxa uu qoray: "run ma ahan sida loo dhigo in ay dadka Soomaalidu na neceb yihiin. Dadkaani waa ay naga baqayaan, waayo waxa ay rumeysan yihiin marka aan dalka hantinno, in aan dhulkooda la wareegeyno, dumarka iyo carruurta qafaalaneyno, canshuur ku cabburineyno, diintooda na aan beddeleyno. Arrinkaas waxa ii xaqiijiyay su'aal uu i weydiiyay Suldaanka Gelledi, oo yiri: "haddii aad noo timaadaan adinka iyo askartiinnu, miyaanad dhulka naga qaadaneynaha, oo aanad dumarka iyo carruurta naga qaadaneyn?"".

Amniga magaalooyinka Muqdisho, Marka, iyo Baraawe!

Xaaladda amni ee gudaha magaalooyinka iyo bannaanku ba ma aheyn mid la isku halleyn karo. Waxaa loo baahnaa in qof kasta oo reer Yurub ah marka uu magaalada dhex socdo ay mid ama labo askari oo waardiye ah la socdaan, koonaha magaalada na ilaa saddex askari. Meelaha miyiga ah marka dadka reer Yurub iyo askarta Talyaanigu marayaan, reer miyiga in ay ka fogaadaan ayaa lagu farriimin jiray, reer miyiga na in ay gacmaha furaan si loo hubiyo in aaney hubeysneyn. Dadka aan magaalada degganeyn na looma oggoleyn in ay dhexdeeda habeen baryaan. Dhulkaas waa miyiga ku xeeran magaalooyinka Muqdisho, Marka, iyo Baraawe.

Isu-socodka Magaalooyinka oo Xirmay!

Dhanka isu socodka magaalooyinka dhexdooda, waxaa qasab aheyd in ciidan xooggan galbiyaan cid walba oo u kala goosheysa magaalooyinka. Tirada ciidanka loo baahan yahay waxaa lagu cabbirayay hadba halista la saadaalin karo iyo fogaanta gurmadka ugu dhow haddii la soo weeraro. Muqdisho iyo Marka in loo kala safro waxaa loo baahnaa ugu yaraan 400 oo askari. Sidoo kale jidka Marka iyo Baraawe ayaa u baahnaa 400 oo askari, si Biimaal iyo Wacdaan la isaga difaaco. Si loogu kala goosho Baraawe iyo Baardheere & Luuq na waxaa lamahuraan aheyd ugu yaraan 200 oo askari. Askarta Talyaaniga waxaa lagu amrayay in ay ka fogaadaan wax walba oo colaad iyo kacdoon abuuri kara, iyo in aaney tiro yar dadka ku dhex socon.

Biimaal meel uu joogaba dagaal guddoonsay!

Madaxii Maamulka Talyaaniga Mr. Carletti bishii Juun, 1907, mar uu Marka socdaal ku tagay, Biimaal badan oo Talyaaniga diiddan ayaa aagga Dhanaane joogay. Waxaa na laga maqlayay erayo caay ah, ayagoo na ciid hawada ku bitinayay, taas oo ka dhigan daandaansi cad marka loo eego dhaqanka Biimaal. Mar uu Carletti Baraawe aaday, sidoo kale Biimaalka halkaas deggan cadowtooyo iyo in ay dagaal diyaar u yihiin ayay muujinayeen, si ay u caddeeyaan in aaney ka liidan reeraha Biimaalka kale ee aagga Marka degan oo ayagu dhowr jeer Talyaaniga foodda daray.

W/Q: Cilmi Faradheere, Febraayo 10, 2022. Garaar3@hotmail.com