Dr. Cilmi Axmed Ducaale: Dhaqtarkii ugu horreeyay Soomaalida iyo Wakiilkii Soomaaliya Qaramada Midoobay u fadhiyay muddo 11 sano ah
Taariikh nololeedka kooban ee Dr. Cilmi Axmed Ducaale.
Dhalasho iyo Barbaar
Dr. Cilmi Axmed Ducaale, MD, waxa uu sannadkii 1933 ku dhashay degaanka Farqallaal, Halgan oo hoostaga degmada Buuloburte ee gobolka Hiiraan, waxa uu na ahaa curadka labadiisa waalid. Sannadkii 1935 ayuu aabbihiis Axmed Ducaale magaalada Baydhaba ugu geeriyooday dhaawac ka soo gaaray dagaalkii Talyaaniga iyo Itoobiya oo uu ka qeybgalay asiga oo ahaa askari ka mid ah ciidankii Duubcad ee Soomaalida, halkaas ayuu na curadkii aabbe Axmed Ducaale ku noqday agoon madi ah.
Dr. Cilmi Ducaale waxa uu dugsiga qur’aanka iyo waxbrashada asaasiga ah ku dhigtay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kaddib na waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho halkaas oo uu dugsi dhexe uga baxay sannadkii 1948 markaas oo uu dalka ka talinayay Maamulkii Ciidanka Ingiriiska (British Military Administration) kaddib markii uu Talyaanigu ku jabay dagaalkii weynihii labaad ee dunida.
Billowgii Hayaanka Waxbarashada
Sannadkii 1948 markii uu dugsiga dhexe ka baxay Dr. Cilmi waxa uu deeq waxbarasho oo dugsi sare ah ka helay dalka Suudaan, waxa uu na ka mid noqday 8 arday oo sannadkaas dalka Suudaan loo diray oo kala ahaa 6 arday oo waqooyiga laga qaaday oo ka baxay dugsigii dhexe ee Sheekh iyo 2 arday oo Koonfurta laga soo qaaday. Dr. Cilmi Axmed Ducaale sannadkii 1953 ayuu ka baxay dugsigii sare ee Xantuub oo Suudaan caan ka ahaa ayna wax ku barteen in badan oo ka mid ah madaxdii iyo aqoonyahankii dalka Suudaan ee qarnigii tagay.
Markii uu dugsiga sare ee Suudaan ka baxay, Dr. Cilmi waxa uu deeq waxbarasho oo kulliyadda caafimaadka dhaqtarnimada ah ka helay jaamacadda University of Edinburgh ee dalka Scotland, UK oo ka mid ah jaamacadaha ugu caansan dunida, balse markii uu dalka ku soo laabtay maamulkii Talyaaniga ee AFIS ayaa ka joojiyay in uu jaamacadda Edinburgh ku biiro, waxaa na loogu beddelay deeq waxbarasho oo isla kulliyadda caafimaadka ah oo uu ka helay Jaamacadda Sapienza University of Roma ee dalka Talyaaniga.
Kulliyadda Caafimaadka Sapienza University of Roma
Dr. Cilmi Axmed Ducaale waxa uu kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Sapienza University of Roma ka qalinjebiyay sannadkii 1960, asaga oo sidaas ku noqday dhaqtarkii ugu horreeyay Soomaalida oo dhaqtarnimo jaamacad uga baxay. Isla sannadkaas ayuu Dr. Cilmi dalka dib ugu soo laabtay asiga oo noqday dhaqtarkii Soomaali ah ee ugu horreeyay ee ka howlgala isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdisho. Sannadkii 1961, mar kale ayuu deeq waxbarasho oo Master Degree ah ka helay Jaamacadda University of Edinburgh, Scotland, UK, waxa uu na ka soo qalinjebiyay sannadkii 1963.
Agaasimihii ugu horreeyay ee Wasaaradda Caafimaadka
Sannadkii 1963, markii uu dalka dib ugu soo laabtay Dr. Cilmi Axmed Ducaale waxa uu noqday agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyaddii Soomaalida booskaas oo uu hayay ilaa sannadkii 1967. Waxa uu ahaa qofkii ugu horreeyay oo Wasaaradda Caafimaadka agaasime ka noqda, waqtigaas ka hor waxaa heyn jiray agaasimayaal ajnabi Talyaani ah.
Xildhibaan Qaran iyo Wasiir Arrimo Dibadeed
Sannadkii 1967, Dr. Cilmi Axmed Ducaale waxa uu ka qeybgalay doorashooyinkii dalka asiga iska sharraxay degmadii uu ku dhashay ee Buuloburte, halkaas oo loogu doortay xildhibaan qaran oo degmada Buuloburte matala. Xukuumaddii RW Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ee markaas la dhisay na waxa uu ka noqday Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaalida. Maadaama uu RW Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal isku ahaa RW iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda, Dr. Cilmi Axmed Ducaale sidaas ayuu ku noqday Wasiiru-dowle idman oo inta badan shaqada wasaaraddu asiga hoos imaneysay.
Sannadkii 1969 markii ay askartu dalka la wareegtay, Dr. Cilmi waxa uu ka mid ahaa madaxdii dowladda Soomaalida ee ay askartu qafaalatay oo lagu xareeyay degmada Afgooye, xabsigaas na waxa uu ku jiray muddo saddex sano ah 1969-1973.
Kulliyadda Caafimaadka iyo Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO)
Sannadkii 1973 markii xabsiga laga soo daayay, Dr. Cilmi Axmed Ducaale waxa uu noqday hormuudkii ugu horreeyay ee Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyo guddoomiye ku-xigeenka Jaamacadda. Sannadkii ku xigay ee 1974, Dr. Cilmi waxa uu noqday Guddoomiyaha Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed kaddib markii uu guddoomiyihii booska banneeyay.
Sannadkii 1974, Dr. Cilmi Axmed Ducaale waxa uu ku biiray Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) oo uu ka tirsanaa muddo 30 sano ah, asiga oo noqday dhaqtarkii ugu horreeyay ee Soomaali ah oo ururka WHO ka mid noqda. Waxa uu soo noqday wakiilka WHO u qaabilsan dalka Nigeria (1974-1984), wakiilka WHO ee Tanzania iyo Seychelles (1984-1995), wakiilka WHO ee dalka Eritrea (1995-2005).
Diblumaasiyad iyo Danjirenimo
Sannadkii 2005, Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed ayaa u magacaabay Dr. Cilmi Axmed Ducaale in uu noqdo Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay si uu u soo nooleeyo kaalintii dowladda Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah oo muddo dheer saaxadda ka maqneyd. Muddo 11 sano ah (2005-2016) ayuu Danjire Dr. Cilmi Ducaale ahaa wakiilka joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobay ee New York, markaas oo uu ka beddelay Danjire Yuusuf-Garaad Cumar Axmed, Nofeembar, 2016.
Danjire Dr. Cilmi Axmed Ducaale hadda waa 91 jir khabiir ah oo la-taliye sare u ah Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya.
W/Q: Dr. Cilmi Axmed Faradheere, MD.
garaar4@gmail.com